Xikmad Nolosha ka hadleyso oo aad u cajiib ah


Waxaan horay uga soo hadalnay erayo xikmad ah  oo kala duwan sida xikmad qoraal ah iyo kuwo maqal ah sida xikmad nolosha, xikmad Gaaban, xikmad qiimo badan, xikmad Soomaaliyeed, xikmad Waxaan horay uga soo hadalnay erayo xikmad ah  oo kala duwan sida xikmad qoraal ah iyo kuwo maqal ah sida yar, xikmad cajiib ah, xikmad
Safar kastaaa oo dheer waxa uu ka bilaawdaaa hal talaabo oo aad horay u qaado

Waxaan horay uga soo hadalnay erayo xikmad ah oo kala duwan sida xikmad qoraal ah iyo kuwo maqal ah sida..


Xikmad Jaceyl

Xikmad qiimo badan

Xikmad Cusub

Murti Iyo Xikmad

Xikmad iyo Taariikh

Xikmad Soomaaliyeed

Somali Quotes

Xikmad Gaaban

Xikmad ku saabsan waqtiga


Hadaba baro maanta Xikmad Nolosha ka hadleyso oo cajiib Ah

Waxaan horay uga soo hadalnay erayo xikmad ah  oo kala duwan sida xikmad qoraal ah iyo kuwo maqal ah sida xikmad nolosha, xikmad Gaaban, xikmad qiimo badan, xikmad Soomaaliyeed, xikmad Waxaan horay uga soo hadalnay erayo xikmad ah  oo kala duwan sida xikmad qoraal ah iyo kuwo maqal ah sida yar, xikmad cajiib ah, xikmad
Xikmad


Waa maxay xikmad? Maxey faaido leedahay xikmadu? Soomaalidu xikmad nuucee ah ayeey isticmaali jireen? Su,aalahani waxaan kaga hadli doonaa qormada xigta. Hadii aad daneyneyso in aad noqoto qofka ugu horeeyo ee akhristaa hoos emailkaaga geli.


Okey!! Aan ku bilaawno xikmad nolosha kadleys....



1. Runtu waa Sharaf Xitaa dadka hadii ay kugu dhacayaan.


2. Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe Noqdana la jirka kuwa runta badan.


3. Runta waa furaha Kheyr kasta Beentana waa furaha Xumaan iyo shar kasta.


4. Hal Aabo oo Wanaagsan ayaa wuxuu ka Fiican yahay BoqoI Maclin.


5. Aabuhu had iyo jeer wuxuu diyaar u yahay inuu kugu caawiyo qaab naxariis iyo fikir leh, taasoo wehliso cafis iyo dhiirigelin.


6. Aabahaaga magaciisa ha ugu yeerin hortiina ha soconin hortiina ha fadhiisanin.


7. Waxbarashadu waxay naga caawisaa koritaanka shaqsi ahaan, xirfad ahaan, iyo bulsho ahaanba. ku dadaal waxbarashada si,aad naftaada, dadkaaga iyo dalkaaga wax ugu tarto.


8. Wuxuu yiri Raasuulku (SCW) "Qofkii igu salliya hal mar, Illaahay ayaa ku Saliyi Toban jeer".


9. Wanaaji Dadka oo dhan Balse Kalsoonidaada sii Qof kaliya.


10. Dadku badanaa waxay sugaan gefkaaga ilaa Alle mooyee Alle wuxuu sugayaa towbadaada si uu kuugu danbi dhaafi.


11. Rasuulka (SCW) wuxuu yiri: Dunidu waa Raaxo Raaxada ugu Wanaagsan Waa Haween Wanaagsan.


12. Rasuulka (SCW) wuxuu yiri : Ka faa'ideyso shan inteysan Shan kale kugu imaanin...


1. Dhalinyaronimadaada intaadan Gaboobin.

2. Caafimaadkaaga intaadan Xanuunsan.

3. Hodantinimadaada intaadan Faqiirin.

4. Firaaqadaada intaadan Mashquulin.

5. Noloshaada intaadan Geeriyoon.


13. Maalinta jimcada Waxay ka mid tahay Xilliyada samadu furan tahay oo hadduu addoonku ducaysto Illaahay ka aqbalayo, ducada Baddi Ducada.


14. Farxada dhabta ah waxaad dareemeysaa marka aad ku Xirantahay Rabbigaaga SWT.


15. Nabiga (SCW) wuxuu yiri: "Maalin ay qorraxi soo baxdo waxaa u kheyr badan maalinta jimcaha, waayo waa maalintii la abuuray Nabi Aadam (CS)waana Maalinta Jannada la geliyay, waana maalintii janada laga soo bixiyey, qiyaamaduna dhici mayso maalin aan jimco aheyn".


17. Ha murugoon aduunyadu maaha doonistena ee waa amarka RABI, amarka RABBi waa khayr dhamaantii."


18.Ha dhibsan qof ku jecel, waayo waxaa heysta dhib ka badan midka aad ka tabaneyso adiga.


19. Hadii aad tahay calaf raadis haka raadin gabar xaflad aroos ee ka raadi tacsi waayo, iyadu xilligas waa make up la'aan.


20. Saaka waxaan kamid noqday, liiska dadka loogu talagalay in ay soo nabad kacaan, naftana lagu soo celiyo. Alxamdulillah!


21. Dadka wanaagsan waa sida shumaca oo kale waxay u gubaan (u dhibaan) naftooda si ay iftiin u siiyaan dadka kale.


22. Safar kastaa oo dheer waxa uu ka bilaawdaa hal talaabo oo aad horay u qaado.