Xikmad - Baro Xikmad Soo Jiidasho Leh




Waxaan horay uga soo hadalnay erayo xikmad leh oo kala ah..


Xikmad Soomaaliyeed.

Xikmad Qiimo Badan.

Xikmada Nolosha.

Xikmad Jaceyl oo Macaan

Xikmad iyo Murti farqiga u dhexeeyo.




Baro Xikmad Soo Jiidasho Leh!


Guurka waa nasiib, Furiinkuse waa go,aan

Murugtu waa nasiib, Farxaduse waa go‘aan, In Noloshaadu qof ku jiraa, waa nasiib, In aad ilaashataa ama ka tagtaana Waa go‘aan, Dhamaanteen nasiib Ma lihin Laakin waxaan leenahay go‘aan.


Qalbi waxaa ugu wanaagsan qalbi aan aqoon ilaa run Maaahee. Dadkana waxaa ugu wanaagsan dad aan kugu ilaawin maalmaha, Ha u ahaato murug maa farxad. Ducana waxaa ugu wanaagsan Ducada laguu duceeyo adigoon ogeyn.


Hadii aan kuu dhoola cadeeyo oo aan waqtiyada murugada iyo dhibtaada ku garab istaago, taasi macnaheedu Ma ahan in aan ku ku jecelahay, ee waxaa ogaataa tarbiyada la igu soo barbaariyay ayaa waxey ahayd, in aan qofka dhibaateysan caawiyo, farxadna u muujiyo, midse ogow aniga qalbigeyga waa sida qasriga oo kale, qasrigana qof qaaliya ayaa dago, ee ma ahan sidii wabiga oo kale oo qof kastaaa iska soo maro, Midaasna waa in aad ogaataa.


Waxaa taqaanaa magaceyga oo kaliya laakinse Ma taqaanid dabeecadeyda, waxaa taqaanaa muuqaalkeyga laakinse Ma taqaanid waxa qalbigeyga ku jira. Waxaad aragtay dhoola cadeynteynteyda laakin Ma garaneysid sababta ka danbeysa dhoola cadeyntaas marka marnaba ha isku dayin adoon aqoon waxa ka danbeeya wax walbaa in aad xukmiso waxa aad korka ka arkeyso.


Waxa ugu quruxda badan ee la helo nolosha ayaa ah Jaceyl, haduusan jirinna noloshu macno malahan. Mararka qaar noloshaada waxaa ku soo biiri doono qof kaa jeclaan doono wax walbaaa, farxadaaduna ay tahay farxadiisu, ilmadaaduna ay dhibeyso, haduu qofkaasi noloshaadu ku jiro ilaasho, noloshaadu waa qaali.


LA SOCO QEYBTA XIGTA!


Hadii aad ka heshay erayada xikmada leh oo aad rebto qormooyin kale in aan kuu soo bandhigno Inoo reeb comment👇