Baro Sida Loo Soo Jiito Xaaskaaga


Soo jiidashada xaaskaaga ma ahan wax adag, xaaskaaga kuguma xireyso inaad wax weyn usameyso si aad qalbigeeda u hanato.

Xaaskaaga, xaaskaaga waqti sii, xaaskaaga maxay jeceshahay.
Xaaskaaga maxay jeceshahay?

Waad guursatay laakin ma taqaanid waxa ay xaaskaaga jeceshahay. Waxba haka welwelin. Soo jiidashada xaaskaaga ma ahan sida cilmiga beeraha, waa wax fudud. Markaad xaaskaaga tiraahdo erayo naxariis badan gaar ahaan erayada halkaan laguugu diyaariyay, waxaad arki doontaa iyadoo kugu waalaneyso.


Qish, halkaan ka akhris erayo macaan oo muuqaal ah gaar ahaan erayo oo xaaskaaga soo jiidanayo.


Sida loo soo jiito xaaskaaga


Raga waxaa inta badan ku adag in ay gartaan waxa ay rabto xaaskooda. Of course sida aad u jeceshahay ina ay adiga ku farxadgeliso ayeey iyaduna u dooneysaa inaad farxadgeliso.

Xaaskaaga wax badan uma baahno kaliya inaad u dirto erayo cishqi jaceyl gaar ahaan erayo jaceyl ah.


Xaaskaaga waxa ay ka rabtaa kaliya inaad dareensiiso xasilooni, jaceyl iyo ihtimaam badan.

Amaanta iyo hadalka macaan ee aad dhaheyso waxa ay ku caawiyaan in ay u adkeysato ama ay ku ilowdo dhibaatooyinka ay nolosha kala kulmeyso.


Waxyaabaha ay kaaga baahantahay xaaskaaga

Dareensii xaaskaaga in ay saaxiibtaa tahay. Dareensii in aysan jirin cid kale oo aad usheegatid sirtaada iyo farxadaada. Dareensii in aad ubaahantahay caawinaadeeda.

Usheeg mar walba dareenkaaga

Tus ‘dhankaaga dabacsan’ sida in aad ku ag oydid haddii ay murugo ku haysato.

La qaybso farxadaada tusaale marka wax laguugu bishaareeyo.

Ku seexo dhabteeda marka aad welwelsantahay. Usheeg waxa aad maalintaas lasoo kulantay, hana umaleyn in uu bilaa macno yahay, xageeda waxa uu ka yahay muhiim ah. Ogowna sida ay gogoshu muhiim kuugu tahay in ay iyadana muhiim ugu tahay wada hadalkiina.

Waydiiso talada hadeey arin kugu adkaato. Usheeg in ay iyadu tahay saaxiibadaa oo aad iyada kaliya ku kalsoontahay. Maqashii hadal macaan oo qalbigeeda naxariis galiya.

Bilicdii indhahaygay ku aaway!!! Iftiinkii noloshaydaay kaalay aan wada hadalnee!! Illaahay igama kaa qaado, la’aantaa maxaan sameyn lahaa iwm?

Dhagaheedu ha bartaan in ay kaa maqlaan erayo jaceyl ah kuwaas oo iyada dareensiinaya xasilooni iyo farxad qalbigeeda.


Sirta xaaskaaga hadaan kuu qishno

Hadeey xaaskaaga hadal macaan mar walba kaa maqasho, waxa ay iyaduna ku dadaali in ay wax fiican kuu sameyso oo ay kaa farxiso. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in ay kuu soo dirto erayadaan oo kale: Erayada dareenka leh ee ay raga jecelyihiin.


Dhamaad


Haddii aad xiiseyneyso inaan kula wadaagno qormooyin kale oo ku saabsan soo jiidashada xaaskaaga, iska diiwan geli boggeena si aad uga mid nqoto akhrisatayaasheena.


Yaasiin Yaaska - Bahda Erayo Jaceyl