Baro sida loo qoro warqad jaceyl oo macaan

Sida loo qoro warqad jaceyl oo macaan , erayo jaceyl oo macaan oo aad u diri karo jaceylkaaga, Jaceyl dhab ah waa dareen macaan laakin goormee?

Warqad Jaceyl oo macaan- Sida loo qoro warqad jaceyl oo macaan - Fariimo jaceyl -
Warqad jaceyl oo macaan


Sidee loo qoraa warqad jaceyl oo macaaan?



Waxaan horay uga soo hadalnay qormooyin kala duwan sida erayo jaceyl oo qalbiga taabanayo kuwaasoo akhristayaasheenu ay u riyaaqeen. Hadii aadan horay u akhrisan hada hoos ka ka akhriso. Qormooyinkaasi waxaa kamid ahaa...




Warqad jaceyl oo macaan

warqad jaceyl oo macaan, fariimo jaceyl, fariin jaceyl

Ku bilaaw sidaan:


Qalbi iga gudoon salaan sidato wanaag sahmineyso jaceyl, soo dhaweyneyso guur, sifeyneyso xumaan, sugeyso sacabo furan iyo kalgacal, salaan kadib,,

Waxaan rabaa in aan kuu sheego, inaan ku jeclahay ogowna cidna ma bedeli karto jaceylka aan adiga kuu qabo, waxaa tahay qoftii /qofkii aan ku haminaayay nolosheyda.


Aadmigoo dhan waxa uu u noolyahay in uu wax jeclaado iyo in la jeclaado.


Hadii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo nafteyda adiga ayey ku tebeysaa oo ay ku qanacsan tahay, iyadoo aanan ka fekereyn culéysyada imaan kara mustaqbalka, waayo nafteyda ayaa kuu dhego nugul, dhegaheyga waxa ay maqlaan ereyadaada oo keliya, indhaheyguna Waxay daawadaaa aragtidaada.


Qalbigeyga wuxuu ku qaboobaa dhoola cadeyntaada, indhaheyguna waxay ilinta daadiyaan markaan arko suuradaada qurxoon. Waxaa tahay garab aan ku tiirsado marwalbaa. Waxaan Qirayaa inaad tahay, Qofka i baray Jaceylka, Dulqaadka, Naxriista iyo Farxadda.


Ogoow Noloshu Farxad maleh markaan ku waayo Maalin qura, oo waxaan dib ugu noqdaa oo aan Naftu ku sasabaa Akhrinta Farriimihii hore ee ina dhex maray si aan uga helo Farxad oo aan ugu Nafiso, una dareemo Adiga oo ila jooga.


Waan ku jeclahay, waxaadna tahay Qalbigeyga Qofka ugu Wanaagsan ee Qancin kara, waan kuu riyaaqaa runtii, Riyadeyda qofka Rumeyn karana waa Adiga, waan kugu Rajo weynahay.

Waxaa tahay farxadeyda, waxaa tahay mustaqbalkeyga. Aad baan kuu jecelahay.