Warqad jaceyl ah oo macaan

Warqad jaceyl ah waxaa qori karo qof walbaa laakin qof walbaa ma qori karo warqad jaceyl ah oo macaan, hadaba baro maanta erayo macaan oo shukaansi ah.


Sida loo qoro dhambaal jaceyl macaan ah, hadaan si kale u iraahdo fariimo jaceyl oo macaan ah.


Kawaran haddii warqad jaceyl ah oo macaan kaaga timaado lamaanahaaga adigoo filaneyn? Markaad akhrisanana warqadaasi ay ku qoran yihiin erayo macaan oo qalbigaaga soo jiidanayo.


Waad ku farxi lahayd sow maahan? jawaabta macquulka: Haa.

Warqad jaceyl ah oo macaan, erayo macaan oo shukaansi ah, dhambaal jaceyl macaan.
Warqad jaceyl ah oo macaan

Warqadani waa warqad jaceyl ah oo macaan waxaa ku qoran ereyo macaan oo soo gudbinaya shucuur weyn, kuwaas oo lagu akhriyo gacmo gariiraya, qalbiyo garaacmaya iyo indho ilmeynayo. Qof kasta oo sameeya ballan qaad iskiis ah oo guur ah wuxuu u baahan yahay qalbi, geesinnimo iyo u diyaargarow wanaagsan. Ma sahlana in lagu soo koobo jaceylka ugu weyn nolosha jumlado kooban.


Waxaa ii soo dhacay teleefoon, markii aan qabtayna waxaa la ii sheegay in ay boostada ii taalo warqad. Warqadaasina ay muhiim tahay inaan ku soo qaato hal isbuuc gudahood, haddii aan ku imaan waayana dib loo celin doono.



Warqad jaceyl ah oo macaan


Wicitaan kadib islamarkiiba waxaan go,aansaday inaan warqadaasi soo qaado. Ma ogeyn warqada halka ay iiga timid mana ogeyn waxa ay tahay. Waxaana go,aansaday inaan tago boostadii. Durbaba waxaa halkaa saf dheer ugu jiro dad fara badan oo iyagana warqado loo soo diray.


Waxaan galay safkii islamarkaana soo qaatay warqadii aan sugi kari waayay. Waxaa ku qoran inay iiga timid Cabdi Yare, Gacaliyaheyga qaaliga ah, wiilka mustaqbalkeyga, kan aan u hibeeyay nafteyda. Markaan furay warqadii waaba warqad jaceyl oo la soo naqshadeeyay kaaga daran midabka aan ugu jecelahay ee cassaanka ah.


Anigoonan akhirnn warqadii ayaa niyada iska iri, Alla jaceylku macaan badanaa, oo farxad badanaa. Ma waxaa ii soo diray kaan ragoo idil ka doortay? kadibna waxaan bilaabay akhrinteedii. Warqada waxay u qorneed sidaan.



WAAN KUU BALAN QAADAY,


Kuma ballan qaadi karo, daruuro madow nolosheena, sabayn doonaa ama mustaqbalka kaliya keenaa qaansoroobaad. Kuuma ballan qaadi karo berrito, waxay noqon doontaa mid qumman ama noloshaas ayaa fududaan doonta. Waxa aan kuu balan qaadi karo ayaa ah kalgacaylkayga weligiis. Daacadnimadayda, xushmaddayda, iyo jacayl aan shuruud lahayn intaan noolahay.

Taas waan kuu balan qaadi karaa, Waligayna waan kula joogi doonaa si aan kuu dhageysto una qabsado gacantaada iyo inaan marwalbaa ku dadaali doono inaan adiga kaa farxiyo, si aad u dareento jacayl. Taas waan kuu balan qaadi karaa, Dhib iyo dheef kastaa waan kula joogayaa waana kula qeybsanayaa.


Haduu jirkeyga kaa fogyahay ha umaleyn inaan kaa fogahay sababtoo ah waxaa kula joogo daqiiqad kastaa qalbigeyga. Waan kula riyoodaa kula dhisaa guri qurux badan, had iyo jeerna ku dhiiro galiyaa, waxaana kuu ahay taageero.


Taas waan kuu balan qaadi karaa, waxaana kuu noqon doonaa ilaaliyehaaga, taageerahaaga, lataliyahaaga, saaxiibkaaga, qoyskaaga iyo wax walbaa.


Xuusunow weli waan ku jeclahay oo balan qaadkeygii weli waa sidiisii

Axdi jaceyl, dhambaal jaceyl,
Axdi Jaceyl

Dhamaad


Qoraa: Mustafa Mmj



Lasoco qormooyin kale oo xiiso leh


Sidee u aragtaa warqadani, maku cajabgelisay? Haddii ay jawaabtaadu haa tahay comment inoo reeb.


Sidoo kale waxaan halkaan kuugu diyaarinay qormooyin kale oo xiiso leh, adigoo u baahan inaad gujiso oo kaliya: Dhambaal jaceyl oo macaan misana raali galin ah