Waa maxay kalsooni: Sidee loo dhisaa kalsooni

Waxaad rabtaa inaad ogaato waxa ay tahay kalsooni iyo sida loo dhiso. Hadaba halkani waa halka aad ku ogaan lahayd.


Inaad dhisto kalsoonidaadu waa sheey aad u muhiim waana lagama maarmaan. Qof walbaa wuxuu doonayaa horumar iyo sidii uu ku gaari lahaa guul.


Waa maxay kalsooni

  1. Qofka isku kalsoon

  2. Kalsooni darada

  3. Dadka kalsoonida isku qabo

Sida loo dhiso kalsoonida

Waxaa maanta qalbigaaga ku soo dhacay kalsooni, waxaad rabtaa in aad ogaato macnaha erayga kalsooni iyo sida loo dhiso kalsoonida. Hadaba sidee ku noqon kartaa qof isku kalsoon?


Inaad isku kalsoonaato waa lama huraan, hadaadan adigu isku kalsoonaan ma jiri doonto cid kugu kalsoonaan doonto, aniga i aamin. Sabab? Sababtoo ah adigaba iskuma kalsoonid, marka ma waxaad sugeysaaa in qof kale kugu kalsoonaado? Jawaabta weey iska cadahahay. MAYA.



Sidee ku noqon kartaa qof isku kalsoon?


Haddii aad su,aalahaasi isweydiisay, waxaa timid halkii saxda ahayd. Inaad dhisto kalsoonidaada waxaa ka horeeyo inaad fahanto macnaha erayga kalsooni. Markaas ayaad u gudbi kartaa waxay ay kalsoonidu tahay.


Waxaa nahay dhalinyaro, waxaan dooneynaa inaan gaarno guul, hourmar iyo mustaqbal wanaagsan. Hadaba guusha gaarideeda waxaa ka horeeyo inaan yeelano hadaf si aan u gaarno guusha aan hiigsaneyno, Aan ku hormarno.


Waa maxay kalsooni?

  • Waa maxay horumar?

  • Waa maxay guul?

  • Waa maxay hadaf ama yool?

Erayga kalsooni waxaa lagu macneeyaa is aaminid, inaad is aaminta waxay ku sahleyso inay dadka kale ku aaminaan.


Is aaminida waa qaybta ugu muhiimsan bini,aadamka. Dadka kalsoonida isku qaba waxay guud ahaanba jecel yihiin naftooda, sababtu waxay tahay haddii aad naftaada jeceshahay, waxaa ku jeclaanayo dadkoo idil.


Taasi macnaheedu ma ahan in aadan naftaada jecleyn ee u jeedku waxa uu yahay waa inaad ka hormariso wax walbaa naftaada. Aan ku celiyo hadalkaas, waa inaad noqotaa qof jecel inuu ka horumaro dadka oo idil.


Hadii aadan kalsooni isku qabin oo aadan isku kalsooneyn ama aadan naftaada jecleyn dadka kale xagooda qiimo kama lahaaneysid, qofkuu rabo ha ahaado. Marka ha isliidin.

Tusaale: Dadka magaca leh waxaa loo sharfaaa in ka badan dadka aanan magaca laheyn?

Sabab?


Sababtu waxay tahay waa qof horumar hiigsaday, kalsooni buuxdo isku qabo dadkoo dhan ne ka soocan laakin adiga cidna kuma taqaano sababtoo ah ma aadan gaarin wax horumar ah.

Tusaale kale: Ufiirso dadka magaca leh markii ay meel marayaaan waa kuwo ka soocan dadka kale, sababtu waxa ay tahay waa dad horay kalsooni u abuurtay. Waxaana dhacda inta badan in loo soo dhaweeyo in ka badan qofka aanan magaca laheyn.


Hadii adiga hal gacan laguugu salaamo, iyaga waxaa lagu salaamayaa labo gacan. Waxaan u maleyn in aad fahantay kalsooni waxa ay tahay, saacaan laga bilaabana aad noqon doonto qof isku kalsoon, dadkana ay sharfaan.

Tusaalaha sedexaad: Ragga ama dumarka inta badan ma jeclo in ay guursadaan qof aanan isku kalsooneyn sababtu waxa ay tahay qof asigaba isliidayo, xaguu ka sugayaaa qadarin ama in la qadariyo.


Bal isweydii yaa ku qadarinayo hadii aad adigu isliido? Jawaabtu waa: CIDNA.

Tusaalaha afaraad: Dalalka horumaray ee magaca leh, Dalalka horumaray dadkooda iyo dalkooda waa kuwo aduunka aad looga ixtiraaamo halka wadamada saboolka ah aanan dadkooda iyo dalkooda aanan wax qiimo ah ku fadhinin.

Waxaa suurto gal ah in aad ka timid wadan faqiir ah balse aad adigu tahay qof lacag leh hadane waxaa kaa qiimo badan qofka kale ee aanan waxba heysanin balse wadankiisu uu yahy mid hodan ah ama aduunka aad looga ixtiraamo.

Sababtu waxa ay tahay markii aad adigu dalkaaga qiimo u yeesho si, automatic ah ayaad adiguna qiimo u lahaaneysaa.


Lacag kastaa oo aad leedahay macno weyn ma sameyneyso kaliya waxaad qiimo ku leedahay dalkaaga gudahiisa marka aad banaanka u soo baxdo wax macno ah ma lahaaneysid. Taasi waxaan ka fahmeynaaa in aan dalkeena qiimo u yeelno wax walbaa ka hormarino si,aan anagana aduunka nalooga sharfo.

1. Qofka isku kalsoon

Waxa uu diyaar u yahay in uu qaato khatar walbaa si, uu u gaaro himilooyinkiisa shaqsiyadeed iyo xirfadeed wuxuuna si, wanaagsan uga fikiraa mustaqbalkiisa.

2. Kalsooni darada

Qof aan lahayn kalsooni ama aanan isku kalsooneyn, si, kastaba uma badna inuu dareemo inuu gaari karo himilooyinkiisa, wuxuuna u egyahay inuu leeyahay aragti gaban.


Waa qofk mar walbaa yiraahdo, taas ma gaari karo, sidaa ma yeeli karo, hadii aan sidaas sameeyo ameey saan noqotaan iyo hadalo kale oo negative ah.

3. Dadka kalsoonida isku qabo


Waxa ay rajeeyaan in ay ku kasbadaaan dadka kale, waxa uu hamigoodu yahay sidii ay dadka kale uga dhex muuqan lahaayeen.


Dhisitaanka kalsoonida ayaa kaa rabto inaad yeelato dhaqan wanaagsan oo ku saabsan naftaada iyo is-dhexgalka bulshadaada, adigoo sidoo kale baranaya sida loola tacaalo dareen kasta oo xun oo ka soo ifbaxaya kuna dhaqma is-daryeelid weyn, waa inaad barataa sidii aad u dejin lahayd yoolalka iyo khataraha, sidoo kale maadaama caqabadaha aad la kulantid ay sii kordhin karto kalsoonidaada.


Macnaheedu waxa ay tahay hadii aad wax ku hamineysid waxaad arkeysaa dad badan oo ku niyad jebinayo misana ku dhahayo ma gaari kartid, sidaas ma yeeli karid, adigoo sidaas ah miyaad saas rabtaaa iyo hadalo lamid ah.


Horumarka nolosha ma ahan wax fudud oo qof walbaa gaari karo marka laga reebo qof isku kalsoon.

Talooyinka aan ku siineyno waxa ay tahay


Isku day in aad mar walbaa maskaxdaa/caqligaada kordhiso.Dadka qaar baa aaminsan in kartida lo dhasho oo ay heerkaasi gaari karaan halka kuwa kale ay yihiin kuwa niyad jabsan oo hadii la yiraahdo sidaas ma gaari kartid ka niyad jabaayo marka hamigaadu ha sareeyo oo noqo qof meeli u muuqato.

Go,aansasho


Waa muhiim in aad go,aansato in aad meel sare gaareysid ama aad ogtahay halka aad rabto in aad gaarto, macnaha in qorshahaagu yahay sidaas iyo sidaas baan rabaa mudo intaas ah.


Hadii aad rabto in aad meel sare gaartid waa in aad dadaalkeeda la timaado. Hadii saaxibadaaada subaxdii ay hurdaan, waa in aad noqotaa adiga qof soo jeedo. Waxaad horay u maqli jirtay waxaan loo dhibtoon dheefteeda lama helo.

Waxa aad ku fiican tahay xoogga saar

Suurtogal ma ahan in aad wax walbaa sameyn karto balse waxaa jiro waxyaabo badan oo aad ku fiican tahay ama caadadaadu tahay.


Waxa aad adigu jeceshahay, Waxaad sameyn kartaa xili walbaa laakin waxaadan ku fiicneyn waxaa laga yaabaa mudo kadib in aad ka yara caajisto.


Isku day in aad awoodahaaga xoojisid maalinba maalinta ka danbeyso, oo aadan niyad jebin, isku day in aad sports sameyso sababtoo sportisku wuxuu kordhiyaaa awoodahahaaga.

Udhis kartidaada si, joogto ah

Inaad maalin walbaa kalsooni buuxdo isku qabto oo maalinba maalinta ka danbeyso aad awoodaada ka dheereysid waxa ay kuu sahleysaa in aad gaarto horumarka aad hiigsaneyso.

Xusuunow: Waxaad maanta sameyso, waxaad dheefteeda arki doontaa beri.

Guusha waxaa ka horeyso in aad guuldareysato

Macnahu waxa uu yahay hadaadan guuldaro arag maba guuleysan kartid si, kale aan u iraahdo markaad wax qalado ayaad wax sixi kartaa. Qaladku waxa uu ku baraa waxa saxsan.


Waxaa jirto Xikmad oraneyso muhiimna kuu ah in aad mar walbaa xusuusnaato:


Qofkii dagaalamaa wuu guuldareysan karaa balse qofkiii aanan dagaalamin waaba uu guuldareystay.

Hadii aad guuldareysato macnaheedu ma ahan in aad halkaasi uga harto. Dheh mar uun baad gaari doonto ee horay u soco.


Hadii aad guuldaro la kulanto waxaad arkeysaa dad badan oo ku niyad jebinayo misana ku dhahayo sow taan shalay ku iri, iska daaa laakin sidoo kale waxaad arki doontaa qof ku dhahayo ha u joojin ee horay u soco, dadaaalaa wuu gaaraaa.

Hadaba Waxaan kuu rajeyneynaa inaad noqoto qof kalsooni buuxda isku qabo, is aaminsan, oo marnaba dadka kale isu liidin, xitaaa haddii ay jiraan daruufo kale.


Ilaaheey talo saar oo noqo qof mar walbaaa Alle ku xiran: Aamin in Asiga oo kaliya ku gaarsiin karo hadafkaaga guusha insha Allah.



Dhamaad


Ugu danbeys xusuusnow waxaa jirto maahmaah Soomaaliyeed oo oraneysaaa: WAAN BAAHANAHAY BAKHTI LOOMA CUNO. Halkaan waxaan sidoo kale kuugu diyaarinay qormooyin kale: Riix