Waa Maxay Jaceyl?

Waa maxay jaceyl? Maxaa lagu macneyn karaa erayga jaceyl? Jawaabtu waa sahal. Waxaan inta badan jecelnahay inaan ogaano qeexida erayga jaceylka.

Jaceyl lagalo - Waa maxay jaceyl, waa maxay jacayl
Jaceyl lagalo waa dareen farxad badan

Inta aan uguda galin qormadeena ku saaban waa maxay jaceyl waxaan todobaadkii hore ku soo qaadanay sida loo qoro erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh hadii aadan akhrisan halkaan halkaan hoose riix.


  1. Erayo Jaceyl ah oo soo jiidash leh iyo muuqaal qurux badan

  2. Erayo jaceyl calaacal ah

  3. Erayada raga jecelyihin

  4. Sidee loo kiciya dareenka raga?

  5. Sawiro Jaceyl

  6. Jaceyl daacad ah sida aad ku ogaan kartid

  7. Erayo jaceyl oo qalbiga taabanayo

  8. Erayo macaan oo shukaansi ah



Waaa Maxay Jaceyl?

Waa maxay jaceyl - Jaceyl - sawiro jaceyl - sawiro love - sawiro jaceyl romantic - erayo xikmad jaceyl ah
Jaceylku waa furaha nolosha

  • Jaceyl waa rabitaan wayn oo soo jiidasho, ka helitaan iyo xushmadna ay ku dheehantahay.

  • Waa dareen la isla sido oo qofba qofka kale dhankiisa ka daadihiyo.

  • jacaylku ma aha mid lagu qeexi karo ama lagu sifayn karo hal qoraal.

Xagee laga helaa jcaylka?

  • Jacaylka waxaa laga helaa dareemayaasha bini’adamka iyo dhiiga qofka.

Sidee ku ogaan karaa in uu jaceyl ihelay iyo in kale?

  • waxaad ku ogaan karto tilmaamahaan soo socdo hadii aad isku aragto na waxaa ku hayo jaceyl.

  • Fikir badan ood ka fikirto qofka aad dareenka uqaaday

  • isbedel ku yimaada noloshaada

  • gooni ubax

  • inad tabto wax badan jecleysato la jooga qofka aad jeceshahay

  • lahadalkeeda, ka sheekeynta, markii qofkaasi wax xun laga sheeego waad dhibsaneysaa laakin markii wax fiican laga sheego waad jecleysaneysaa oo naftaada ayeey farxad u tahay


Jaceyl sida aad ku ogaan karto intaas oo keliya kama koobno ee waxa uu leeyahay tilmaamo badan laaakin halkani kuma soo koobi karno.



Daawa maleeyahay jacaylku?

Haa wuu leeyahay waxayna tahay qofki aad mohatay ama jamatay adigoo hela lana wadaaga jacayl dhab ah.

Hadaba ma doonaysaa in lagu jeclaado?

Marka hore waxaa lagama maarmaan ah in aad diyaar u tahay in lagu jeclaado waayo hadaadan udiyaarsanayn in lagu jeclaado ma noqon kartid qof dareema micnaha jacaylka ama dareema macaanta nolol jacayl ku dhisan.

Noloshu waa jaceyl

  • Noloshu waxay ka unkantaa meel jacayl kajiro meel nacayb kajirana nolol kama jirto.

  • Jacayl la’aan waa nolol la’aan. Jaceyl macnahiisu keliya ma ahan in aad jeclaato qof xiriir idin dhexmarayo ee balse waxaad jeclaan kartaa wax walbaaa.



Dhamaad


Dadka inta badan Jaceyl waxa ay u yaqaanaan gabar ama wiil in la jeclaado la isguursado laakin Jaceyl macnahiisu waa mid guud.


Sida in aad jeclaato waalidkaa, Hooyo, Aabe. Walaaladaa, saaxibadaaa, dalkaaga, dadkaaga iyo in aad sheey jeclaaato sida waxyaabaha caadada ah sida cunto karin, dalxiiska, Kubaddd, Shaqo IWM.


Waxaan sidoo kale halkaan kuugu diyaarinay qormooyin kale oo xiiso leh. Haddii aad jeceshahay inaad ka bogato riix halkaan: 5 calaamadoo oo lagu ogaado qiyaano jaceyl