Tix gaaban oo jacayl ah misana soo jiidasho leh

Sidee loo qoraa Tix gaaban oo jacayl ah misana soo jiidasho leh? Jawaabta wey fududahay. Waxaad ku baran doontaa halkaan.


Sida loo qoro erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh, geeraar jaceyl ah oo gaaban, fariimo jaceyl dad kala fog, waxyaabahaasi iyo waxyaabo kaleba waxaad kaga bogan doontaa erayojaceyl.com.

Tix gaaban oo jacayl ah misana soo jiidasho leh - Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh
Tix gaaban oo jacayl ah misana soo jiidasho leh

Halkani kuma baran doontid erayo jaceyl oo keliya waxaad ku baran doontaa sirta nolosha. Wax walbaa oo qalbiga taabanayo misana farxadgelinayo.



Tixgaaban oo jaceyl ah misana soo jiidasho leh


Inta aanan uguda galin sida loo qoro tix gaaban oo jacayl ah, waxaan kuu qisheynaa qormooyinkii xiisaha lahaa ee aan ka soo hadalnay todobaadkii la soo dhaafay.


Maxaa kamid ah qormooyinkaasi?


Jawaabta: Erayo Jaceyl, weliba erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh sida..


  1. Erayada ragga ay jecelyihiin

  2. Erayo macaan oo shukaansi ah

  3. Geeraar calaacal ah oo soo jiidasho leh

  4. Sidee ku qancin karaa ninkeyga?

  5. Baro erayo Jaceyl ah oo soo jiidasho leh

  6. Raaxada raga ay jecelyihiin

  7. Jaceyl daacad ah sida aad ku ogaan karto


Tix gaaban oo jacayl ah misana soo jiidasho leh

Fariimo jaceyl - sawiro jaceyl - jaceyl daacad ah - erayada raga ay jecelyihiin
Erayo Jaceyl

Inta aanan uguda galin sida loo qoro tix gaaban oo jaceyl ah, waxaa fiican in aad isweydiiso, goormee isticmaali karaa tix gaaban oo jaceyl ah, goormeese ku haboon adeegsieeda?


Tix gaaban oo jaceyl ah misana soo jiidasho leh


Erayo kastaa waxa ay leeyihiin waqti u gaar ah, waxaana wanaagsan in aad isticmaasho waqtigaasi, qof aad shalay baratay ma dhihi kartid waan ku jeclahay ama uma qori kartid tix gaaban oo jaceyl ah. Sabab? Maxaa dhacayo hadii aad u qoro qof aan shalay bartay tix gaaban oo jaceyl ah?


Jawaabta: Yaroow xagee u carareysaa? waan ku arkay waan ku caashaqay miyaad wadaa?


Haddii aad gabar tahayna oo aad u direyso lamaanahaaga cuusb, wuxuu is dhihi doonaa xabadaan jaceylka waxba kama taqaaano, khasaaro, waxaan bartay xabadoo baac ah oo aan aqoonin sharafka uu jaceylku leeyahay.


Marka inta aanan sidaa lagu dhihin kala baro eray walbaa waqtiga uu ku haboon yahay.


Tusaale haddi aad xaas tahay waxaa jiro erayo ay ragga jecelyihiin, waxaana loo isticmaalaa guurka kadib. Marka hadii aadan xaas ahayn ha isku isticmaalin erayadaan, haddii kale, waxaad kicineysaa dareenkiisa adigoon weli guursan.


Iyaaa waxaan isbaranay xabadoo kacsan, malaha tani waa sunno gud.


Haddii aad rabto in aad sii barato keliya halkaan ka akhriso: Erayada ragga ay jecelyihiin.



Sidoo kale haddii aad lamaanahaaga mudo badan xiriir idinka dhexeeyo waxaa fiican in aad adeegsato erayadaaan: Erayo macaan oo shukaansi ah.



Hadaba aan uguga galno sida loo qoro tix gaaban oo jaceyl ah.



Udir lamaanahaaga erayadani xiliga ku haboon.


  1. Dhoola cadeyntaadu waa waxa daqiiqad walbaa aan ku noolahay.

  2. Waxaad xaday qalbigeyga mana rabo in aad dib iigu soo celiso.

  3. Adiga ayaan kugu dhex lumay mana jiro qof iga kaa soo dhex heli karo.

  4. Uma baahni waxa dunida oo dhan yaalo, keliya in aad dhinaceyga joogto.

  5. Waxaan hayaa sababo badan oo aan u dhinto, laakin mid aan u noolaado, midaasina waa adiga.

  6. Waxaad sidataa furaha wadnahayga mana jirto cid kale oo furi karto.

  7. Waxaad tahay qofka keliya ee nolosheyda dhameystiray, sow xaq uma lihi in aan ku dhaho, waxaa tahay aduunkeyga?

  8. Markaan xirto dhar casaan ah, adiga ayaan kaa fikiraaa, sababtoo ah casaanku waa dhiig, dhiiguna waa wadnaha, wadnaheyguna adigaan kuu hibeeyay.

  9. Keliya waxaan rabaa sedex sheey, indhahaaga oo ilmeyneynin, bishimankaaga oo aan been sheegeynin iyo jaceylkaaga oo aanan dhimaneynin.

  10. Bilaawga maalinteyda adigaan qalbiga kugu hayaa, dhamaadka maalinteydana adigaan kugu riyoodaaa.

  11. Markaan subaxdii ka soo kaco, waan is qanjaruuftaa, kadib waxaan ogaadaa in aad tahay nolosheyda.

  12. Haddi riyadu la dalban karo, mar horaan adiga ku dalban lahaaa oo aan dhabta kugu heysan lahaaa.

  13. Qalbigeygu wuxuu dareemaaa farxad markaan eego suuradaada qurxoon.

  14. Labiskaaga aad ayaad ugu nuureysaaa.


Dhamaad


Waxaan rajeyneynaa inaad ka heshay qormadeena ku saabsan tix gaaban oo jaceyl ah misana soo jiidasho leh.


Haddii aad xiiseyneyso qormooyin kale, waxaan halkaan kuugu diyaarinay qormooyin kale oo xiiso leh sida erayo macaan oo weliba muuqaal wehliyo riix halkaan.