Udir Ninkaaga erayo subax wanaagsan ah oo aad u macaan


subax wanaagsan, subax wanaagsan xabiibi, habeen wanaagsan gacaliye, arooryo suuban, erayo jaceyl
Subax wanaagsan waa sida shaax aan sokor lahayn

Erayadani waxaa u dir kartaa ninkaaga, saaxbikaaga, jaceylkaaga. inaad lamaanahaaga ama ninkaaga u qorto salaamaha jacaylka oo qoraal ah sida erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh waa habka ugu fudud ee aad maalintiisa uga dhigi karto maalin qurux badan.


Udir Ninkaaga erayo subax wanaagsan ah oo aad u macaan


Inaad lamaanahaaga ku dhahdo subax wanaagsan xabiibi waa sida shaax aanan sokor lahayn.


Dhadhan macaan ma leeyahay?

  • Jawaabta macquulka ah: MAYA.

Sidaas oo kale ayaad marakad lamaanahaaga ku dhahdo subax wanaagsan aysan dhadhan u lahayn.


Subax wanaagsan in subaxii la isku salaamo waxaa taqaano Xaliimo kastaa. Sidaa darteed waa inaad barataaa erayada lagu sokoreeyo subax wanaagsan. Sida erayada raga ay jecelyihiin.


Maxay jeceshahay Xaaas walbaa?

  • Jawaabta: In ay noqoto xaaska ugu soo jiidashada badan

  • In ninkeeda marnaba lala wadaagin

  • In ay ka duwanaato xaasaska kale

  • In ay noqoto romantik

  • In ay ninkeeda jihadiisa bedali karto.

  • In ay taqaaano raaxaada ninkeeda

Haddii aad rabto inaad wax ka ogaato sida loogu raaxeeyo ninka halkaan riix: Raaxada ninka uu jecelyahay



Ka waran haddii aad noqoto qofka ugu horeeyo ee nasiibka u yeeshay in uu ugu hambalyeeyo maalintiisa kuna yiraahdo "Subax wanaagsan Xabiibi" oo ay wehliyaan erayo macaan oo qalbigiisa farxadgelinayo.


Maxaa ka qurux badan markaad aroortii soo kacdo misana aad akhriso fariimo jaceyl oo soo jiidasho leh? Dabcan: Waxna!


Waxaa caado ah qofka markuu subaxii ka soo kaco waxaa laga yaabaa in ay hurdadu ku yar tahay ama uusan si fiican u hurdin. Waxaa u sii dheer caajis iyo daal. Sida caadadu tahay waxa uu horay ka aadayaaa teleefoonkiisa si, uu u fiiriyo, saacada, haddii la soo wacay am fariimo loo reebay.


Sidaa darteed baro salaamaha jacaylka oo qoraal ah oo ka dhig maalintiisa maalinta ugu farxada badan.



Udir Ninkaaga erayo subax wanaagsan ah oo aad u macaan

subax wanaagsan xabiibi, subax wanaagsan, erayo jaceyl, erayojaceyl:com, arooryo suuban, sawiro jaceyl, shukaansi jaceyl, ninkaaaga, erayo macaan

Waxaad ka soo kacday subaxdii adigoo ka fikirayo lamaanahaaga, waxaad jecleysatay inaad dhahdo Subax wanaagsan Xabiibi. Hadaba isticmaal erayadaan oo iska dhig Maandeeq, mida kaliya ee qalbigiisa deeqi karto, una dir erayadaan:



  1. Waqti xaadirkaan, waxaa laga yaabaa inaad iga fogtahay oo aan kumanaa mayl isu jirno laakiin waxaad had iyo jeer ku jirtaa qalbigayga. Aad baan kuugu xiisay. Subax wanaagsan.

  2. Waxaan kuu balan qaadayaa inaan waligeey ku garab taagnaan doono oo aan noqon doono gacalisadaada, saaxibadaada, iyo xaaskaaga. Subax wanaagsan.

  3. Ninkeyga Qaaliga ahow, waxaan rabaa inaan kula noolaado maalin kasta, nolosheyda adigaa bilow iyo dhamaadba u ah. Ma noolaan karo adiga la'aantaa. Subax wanaagsan.

  4. Xalay adigaan kugu riyooday, subixiina wajigaaga oo aan arkin ayaan ka murugooday. Aad baan kuugu xiisay. Subax wanaagsan.

  5. Subax wanaagsan macaankeyga. Waxaan rajeynayaa inaan ku arko dhawaan. Ma sugi karo inaan ku arko oo aan isku kaa duubo. Maalin wanaagsan!

  6. Meel kasta oo aad joogtid, si kastaa oo aan u kala fog nahay, waxaa na isu soo dhaweynayo dareenka qurux badan ee inaga dhexeeyo. Ma sugi karo inaan shaarka kaa bixiyo. Subax wanaagsan.

  7. Subaxnimadu way qurux badan tahay markaan kaa soo hoos kacayo! Ninkeyga Qaaliga Ahow, Subax Wanaagsan.

  8. Subax wanaagsan! Waad ku mahadsan tahay inaad i toosisay! Adigaan kugu riyoonayay. Waxay ahayd riyo qaraw leh.

  9. Waxaad tahay dhiirigeliyahayga iyo raaxeeyaheyga. Adiga ayaa sabab u ah inay noloshaydu qurux badan tahay, riyadayduna ay midabbo badan tahay.

  10. Ma lihi rabitaan kale oo nolosha ah maxaa yeelay adigaan ku heystaa. Waxaa ii rumowday riyooyinkii ugu quruxda badnaa ee aan ku riyoon jiray nolosha. Subax wanaagsan ninkeyga, ninka jirkeyga taabashadiisu u bogo.

  11. Waxaan dareemayaa in la ii soo duceeyay markaan soo kaco oo aan arko suuradaada qurxoon. cadceedkaygiyow subax wanaagsan.

  12. Subax wanaagsan, jaceylkeyga. Subaxdaydu waxaad moodaa inay maran tahay adiga la'aantaa. Kuu xiisay.

  13. Subax wanaagsan macaane, ma soo kacday? mise waxaad habeenkaaga ku qaadatay dhafar sidii aad aniga iiga fikireysay.

  14. Galiyahayga qaaliga ah! Subax wanaagsan, Runtii waan u xiisay taabashadaada diiran iyo hadaladaada dareenka leh.