Baro Soo jiidashada raga

Dumarka waxay jecelyihiin in ay soo jiitaan raga laakin intooda badan ma yaqaanaa soo jiidashada raga.


Sida loo soo jiito rag waa wax fudud haddii aad sameyso qaabkaan.

Sida loo soo jiito raga

Soo jiidashada raga uma baahnid inaad sameysid wax weyn kaliya inaad u isticmaasho erayo jaceyl oo qalbigooda ku haboon.


Baro Soo jiidashada raga


Qaabka loo soo jiito raga waa wax fudud oo ay gabar walbaa baran karto. Gabdhaha badankood waa kuwo ku takhasusay sida loo soo jiito raga halka kuwa qaarkood aysanba aqoonin hal eray oo qalbigiisa taabanayo marka laga reebo in ay cunto u kariso, dharkiisa u dhaqdo, guriga hagaajiso.


Maxay isleedahay?

  • Waaaw! waxaa tahay xaas raaliyo ah

  • oo ninkeeda qancisay

  • Waxaa tahay shankaroon

  • Naag kale maba damcayo ninkaaga


Mudo kadib maxay arkeysaa?

  • Ninkeeda oo telka guriga ku iloobay misana waxaa soo dhacayo sms qoraal ah. Markii ay fiiriso waaba Hibaaq oo ubax udgoon wadato. Markii ay fiirisay waxa ay u soo qortay, waaba erayo aysan weligeedba maqal iskaba daa in ay ninkeeda u qorto.


Hibaaq kuma ekaan isticmaalka erayada raga ay jecelyihiin oo kaliya ee waxa ayba u soo dirtay sawiro jaceyl oo romantic ah.


Xaliimo amakaaga, ma taqaano waxa ay sameyso marka laga reebo in ay dhahdo " Alla naagtani xagee ka soo dhacday" Maxay ninkeyga iigu cariirineysaa".


Waaba sababta uu beryahaan gafuurka u taagayo oo uusan si fiican iila hadleynin, ileyn qoftaan ayuuba bartay oo uu shukaansadaaa.



Xaliimo maxay bilaabeysaaa?


Waxa ay isku dayeysaa in ay ninkeeda naagtaasi ka dhacsato oo ay qaadato hubkeedii ugu dambeeyay oo ay ku dagaalami lahayd.


Su,aasha ugu horeyso oo ay Xaliimo isweydiiso ayaa ah, intee ka bilaabaa?


Ma weydiin karo gabdhaha saaxibadeyda ah, ma rabo in ay ogaadaan in ninkeyga ay naag kale weerar ku tahay.


Ugu danbeyso Xaliimo waxa ay go,aansaneysaa mid kamid ah gabdhaha saaxibadeeda ah in ay weydiiso soo jiidashada raga, sida ay ku soo jiidan lahayd ninkeeda.


Saaxibadeed Caasho waxa ay ug jawaabtay Xaliimo" Saaxibeey Google lee ku qor nooh" Adigaaba ka heli doono sidii aad ku soo jiidan lahayd ninkaaga.


Xaliimo nasiib daro maba heysato tel Smartphone ah, oo maba ahaynba gabdhaha ninkeeda kula xiriiro teleefoonka, udiro qoraalada goorta uu guriga ka maqan yahay, waxa ay sugi jirtay oo kaliya markuu guriga yimaado, kadibna casho u sii diyaarin jirtay.


Maalintaasi waxii ka bilaawday Xaliimo waxa ay bilaawday in ay soo iibsato teleefoon Samsung ah, Lacagta lagu shubto somtel internet si, ay u isticmaasho, Google, waxna ka raadiso, ninkeedana ay Whatsapp sms qoraal ah ugu dirto.


Mr Google " Ninkeyga ayaa naag igu heysataaa". ayeey weydiisay.


Jawaabta Google

  1. Erayo jaceyl?

  2. Soo jiidashada raga?

  3. qaabka loo soo jiito raga?

Xaliimo Yees Yees ayeey ku jawaabtay, waxa ay riixday " 1. Erayo Jaceyl". Maxaa u soo baxay?



5 Tilmaamood oo ninkeeda ku saabsan sida


Intii ay isticmaali jirtay qoftii ninkeeda weerarka ku ahayd. Xaliimo intaa kadib waxa ay kamid noqotay akhristayaasha ku xiran boga mucaashaqiinta ee Erayojaceyl.com.


Maxaan u diyaarinay Xaliimo kastaa?

  • Jawaabta: Soo jiidashada ninka

  • Sida ay ku soo jiidan lahayd ninkeeda

  • Erayo jaceyl oo qalbigiisa taabanayo

  • Farxada Nolosha: Wax walbaa oo naftu raali ku tahay

Waxaan kor ku soo xusnay haddii aad xasuusato " Soo jiidasha ninka in aysan ahan wax adag, kaliya inaad barato oo aad waqti siiso. Ma ahan barashada sida loo sameeyo diyaaradaha dagaalka ee waa wax ka fudud sida loo dubo canjeerada. Haddii aad taqaano canjeero dubow, inaad ninkaaga soo jiidatana waa wax aad u sahlan.


Jaceylka iyo noloshuba guud ahaan waxa ay ubaahanyihin faham iyo farshaxan in lagu dheeho si, ay dhadhan iyo qiimo u yeelato


Dhal-dhalaalinta iyo boor ka jafida joogtada ahna waxay u siyaadiyaan qiimo iyo wanaag dheeraad ah.

Markastaa oo aad isku daydo in aan baratid hababka iyo jaangooyooyinka nolosha waxaa kuu sii siyaadayada khibrad dheeri ah iyo waayo aragnimo baaxad leh.


U qor erayadaan soo socdo ninkaaga si, sms ah xiliga uu guriga ka maqan yahay, adigaaba ku xirnaan doono Erayojaceyl.com misana nooga mahadcelin doono shaqada hufan ee aan kuu diyaarinay si, bilaash ah.



Inaad lamaanahaaga u sheegto inaad u xiistay adoo adeegsanaya ereyada saxda ah qaasatan erayo jaceyl ah oo soo jiidash leh waa habka ugu fiican ee lagu muujiyo jacaylka iyo qadarinta.


Jaceyl aanan erayo macaan lahayn waa sida bariis aan moos lahayn. Isku day inaad u dirto lamaanahaaga qaar ka mid ah fariimahani kuwa aad ugu jeceshahay si,aad u muujiso, udaryeesho, una qadariso. Ha dareemin xishood, u muuji jacaylka aad u hayso ninkaaga, jacaylkaaga, lamaanahaaga.



Erayo Jaceyl: Soo jiidashada ninkaaga


  1. Maalin wanaagsan ninkii riyadayda. Waxaan rajeynayaa in maalintaadu tahay maalin qurux badan! Ninku wuxuu jeclaan karaa hal milyan oo gabdho ah , laakin ninka dhabta ah wuxuu jecelyahay hal gabar oo hal milyan ku dhex jirto.

  2. Jacaylka aan kuu qabo marba marka ka dambeysa wuu sii xoogeysanayaa, weligayna kaa tagi maayo. Waad ku mahadsantahay inaad i guursatay, ninkeyga quruxlowga ah.

  3. Waxaan kuugu yeeraa boqorkeyga maxaa yeelay waxaad iga dhigtay boqorad, Xiriirkeenii waxaad ubadashay janno, mana rabo inaan waligey noolaado adiga la'aantaa. Adigu waa halka uu qalbigeyga iska leeyahay. Waan ku jeclahay.

  4. Dhib malahan wixii dhacay, dhib malahan waxaad sameysay, dhib malahan waxaad sameyn doonto. Weligeey waan ku jeclaan doonaa. Waxaad tahay suldaanka qalbigayga. Qalbigaygu wuxuu ku raaxaystaa raacida amarradaada waqti kasta. Adiga ayaa ah kan aan jeclahay!

  5. Waxaan rajeynayaa inaad ogtahay in meelkasta oo aan aado ama waxkastaa oo aan sameeyo, inaan marwalba maskaxdayda ku jirto. Waad ku mahadsantahay inaad igu dhacday, jacayl.

  6. Waan jeclahay markaad indhaheyga eegeyso

  7. Waan jeclahay markaad magaceyga dhaheyso

  8. Waan jeclahay markaan maqlayo sowdkaaga macaan

  9. Waan jeclahay la joogistaada.


Hurdo wanaagsan


  1. Waxaan halkaan cidlada ah kaga fikirooyaa adiga oo kaliya, waxaan kuu rajeynayaa habeen qurux badan.

  2. Ma doonayo inaan sii riyoodo maxaa yeelay waxaad tahay riyada nool ee noloshayda. Waxaad tahay amiirka riyadayda. Indhaha isku qabo oo dhankaaga iga fikir. Habeen wanaagsan.

  3. Waxaad had iyo jeer tahay ninka riyadeyda oo ay dareemaheygu ku shaqeeyaan. Habeen wanaagsan.

  4. Jirkaaga iyo maskaxdaada xoogaa nasasho sii. Waxaan rabaa maalinta ugu fiican maalin walba. Habeen wanaagsan jacaylkayga. Hubso inaan ku jiro riyadaada.

  5. Kama hor istaagi karo inaan ku dhunkado adiga oo hurda. Waad ogtahay, markaan arko wajigaaga oo hurdo, waxaan helayaa dhammaan farxadda adduunka. Habeen wanaagsan amiirkaygiyow.

  6. Seexo adiga oo og, waxaad noqon doontaa qofka ugu dambeeya ee aan ka fikiro iyo qofka ugu horreeya ee aan ka fikiro markii aan ku soo tooso qorraxda oo ifaysa iyo shimbiraha oo qeylinayo.

  7. Habeen kasta, waxaan rajeeya in dayaxu weynaado oo dhalaalo, adiguna aad farxad dareento. Hadaba markaad nalka damiso, niyada ku hayso inaan adiga kugu riyoonayo. Habeen qurux badan ninkeyga.

  8. Waxa kaliya ee aan sameeyo maalin kasta waa inaan sugo mar kale inaan adiga kula jiro. Maalinteyda oo dhan waxay ku wareegsan tahay rajada ah inaan habeenkeyga ku qaato laabtaada.

  9. Waan ogahay inaad tahay xidiga dareemaheyga, nafteydu ay u hadaaqdo.Taasi waxaan ku ogaaday markaan kala maqannahay. Waxaan dareemayaa in aanan dhameystirneyn. Marnaba ma doonayo inaan noqdo keli, Qof bilaa adi ah, Habeen wanaagsan Cawaale.

  10. Maalinba maalinta ka dambeysa jaceylka aan kuu qabo wuu sii kordhaa, ma fahmin sida ay wax u dhacaan, laakiin si uun baan u maareeyaa, macaanow, ma sugi karo berri inaan ku sii jeclaado in ka badan inta aan ku jecelahay. Habeen wanaagsan.

  11. Waxa kaliya ee aan jeclaan lahaa ayaa ah in habeennada aan wada joogno aysan waligood dhammaan. Markaan kala maqanahay, uma adkaysan karo runtii. Habeen wanaagsan, jacaylkayga.


Waan kuu Xiisay

  1. Maaddaama aadan halkaan ila joogin, waxaan dareemayaa in qayb weyn oo iga mid ah la la'yahay. Ma sugi karo inaan kula cawweeyo. Aad baan ku jeclahay.

  2. Waqtigu wuu duulayaa markaad ila joogto laakin markaad iga maqan tahay maba soconayo. Aad baan kuugu xiisay. Waan ku jeclahay.

  3. Waxaan kuugu xiisay sida wadnaheygu uu u garaacmo. Fadlan ii imaw oo ka caawi nafteyda sidii aan mar kale isu heli lahayn.

  4. Waxaan kuu xiisay boqolaal jeer in ka badan intaad waligaa ii xiisi lahayd.

  5. Waan kuu xiisaa daqiiqad walboo aadan hareerahaaga joogin, mana sheegayo been.

  6. Qalbigaygu wuxuu dareemaa kali ahaansho, marka aadan dhinaceyga joogin. Ii imaaaw mar dhaw gacaliye.

  7. Waxaan hawada kuu soo marinayaa xiiso iyo jaceyl aanan dhamaan. Fadlan ila kulan sida ugu dhaqsaha badan.


Erayo jaceyl oo dareenkiisa lagu kiciyo ka hor guriga inta uusan imaan


  1. Sidee ku dhacday inaan adi ku helo? Kaliya waxaan ka fakarayaa markii ugu dambeysay ee aan wada joogno. Waxaan dareemay wax aan caadi ahayn.

  2. Qiyaas waxa aan sameyn doono, xiliga aan ku arko?

  3. Mararka qaarkood shumiskaaga oo kaliya ayuu dareemaheygu ku kacaaa. Ma taqaan qaybta ugu xasaasisan jirkayga?

  4. Wax kastaa oo yar oo aad sameyso, waxa ay igu abuureysaa jaceyl iyo kalsooni.

  5. Ma sugi karo inaan hadhow ku shumiyo. Ma sugi karo caawa… Waan ku faraxsanahay kaliya inaan ka fikiro!

  6. Waa maxay sheeyga kaliya ee aad rabto inaan kuu sameeyo oo aadan weligaa iloobi karin?

  7. Waxaan jeclaan lahaa inaad hada ila joogtid adigoo waxba xirneen.

  8. Caawa aan hubino in albaabku si sax ah u xiran yahay.

  9. Ma xiran doono nigis caawa goorta aad guriga imaaneysid.

  10. Waxaan ku jeclahay sida aad ii jeceshahay, waad ku mahadsantahay inaad habalaha oo idil aniga iga dooqatay.

  11. Waxaan jeclahay markaad gacanta iga qabaneyso.

  12. Waan kuu xiisay. Imaaw guriga.

  13. Weli waxaan ka fikirooyaa wixii xalay dhacay. Waan ku jeclahay.

  14. Aad Ayaan ugu faraxsanahay inaad tahay ninkeyga.

  15. Aad Ayaan ugu faraxsanahay inaan guursado ninka riyadeydii ahaa.

  16. Mar kastaa oo aad gacmahaaaga isaarto waan dhalaalaa!

  17. Aan kulano. Qolkeena. Caawa. 8:30 fiidnimo.

  18. Aan kugu tuso caawa qolka jiifka sida aan kuugu mahad noqo.

  19. Caawa waa habeen jimco ah, Maxaa jeceshahay inaan kuu sameeyo?

  20. Gcaliyahayga qaaliga ah! Runtii waan u xiisay taabashadaada diiran iyo hadaladaada dareenka leh.

Dhamaad


Intaasi waxa ay ahayd qeyb kamid ah sida loo soo jiito ragga, hadaba baro qeybtaan kale oo riix oo kaliya.

Amaanta ragga: Sida loo amaano raga

Sida aad ugu raaxeyn lahayd ninkaaga