Sidee ku ogaan kartaa wiilka ku jecel

Waxaa jiro calaamado fara badaan uu leeyahay wiilka ku jecel. Hadaba sidee ku ogaan kartaa wiilka ku jecel? Jawaabta weey fududahay.


wiilka ku jecel wuu ka duwan yahay wiilasha kale. Wuxuu leeyahay calaamado´ka duwan calaamadaha wiilasha kale.

Calaamadaha wiilka ku jecel

Inta aanan uguda galin sida aad ku ogaan karto wiilka ku jecel waxaan rabnaa inaan kula wadaagno Qormooyinkii xiisaha lahaa ee todobaadkii la soo dhaafay.



Sida aad ku garan karto wiilka ku jecel


  • Aad ayeey u fududahay in aad kala garato wiilka ku jecel iyo midka dhalanteedka ah.

  • Waxaa jiro astaamo ugaar ah ninka ku jecel. Inkastoo dadku aysan wada sinneyn balse calaamadahaan waxay ugaar yihiin ninka ku jecel.

  • Gabar walbaa waxa ay jeceshahay in ay hesho nin iyada jecel oo weliba jaceyl dhab ah u hayo.


Hadii aadan kala garan karin wiilka ku jecel iyo kan aanan ku jecleyn waxa ay kugu noqon kartaaa caqabad weyn. Sidaa darteed inta aadan isku dhiibin iska hubi. In lagu dhaho waan ku jeclahay waa wax aad ufudud laakin waxaa adag inaad hesho wiil si dhab ah kuu jecel.


14 Caalaamadood uu leeyahay wiilka ku jecel


Wiilka ku jecel mar walbaa dhankiiisa waxaa ka tahay boqorad. Wuxuu kuu soo dhaweeyaa si aanan caadi ahayn. Wuxuu jecelyahay farxadaada. Hadaba u fiirso calaamadahaan si aad u xaqiiqsato wiilka sida dhabta ah kuu jecel.

Waan ku jeclahay macaanto dhihideeda waa mid fudud

1. Wiilka ku jecel

  • Wuxu kula qaybsada wax kasta ood ku sugan tahay farxad iyo murugaba!


2. Wiilka ku jecel

  • waxa uu jecel yahay guushaada waqti kasta.

3. Wiilka ku jecel


Waxa uu kaa reebaa wax walbaa oo xun, waxa uuna ku faraa waxa wanaagsan asigoo mar walbaa hormuud kuu noqdo.


4. Wiilka ku jecel


kama fikiro farxadiisa ee waxa uu ka fikiraa adiga uun, waxa uu aaminsanyahay farxadiisa in ay tahay farxadaada.



5. Wiilka ku jecel


Waxa uu raadiyaa waxa ku cajabgelinayo ama aad adigu xiiseyso, wuxuu ka helaa waxa aad adigu rabto mana ka horyimaado.


6. Wiilka ku jecel


kuguma qasbo waxa aadan awoodin kuguma xujeeyo wax aadan rabin.


7. Wiilka ku jecel


Waxa u ka fikira cafimaad kaaga Taasna waxa cadayn u ah waxa uu waqti kasta kaaga waraysto xaalkaaga!


8. Wiilka ku jecel


Waa mid mar walbaa dhoola cadeyntaadu dhoola cadeyntiisu tahay, aduunkiisuna uu yahay adiga.


9. Wiilka ku jecel


Waa mid mar walbaaa kugu faano, markii hadalkaaga la soo qaadana amaantaada sheego, xumaantaadana difaaco.


10. Wiilka ku jecel


Waa mid aad kuu ixtiraamo, hadalkaaaga dhageysto jecelna in uu dhibta kula wadaago.



11. Wiilka ku jecel


Markii aad kulmeysaan waa mid dareemo firfircooni siyaado ah, markii aad ka tagtana wejigiisa waxaad ka dareemeysaa cuelys, tiiraanyo iyo cagajiid.


12. Wiilka ku jecel


Si, rasmi ah kuuma eegi karo, waa mid eegmada kugu xado markaad dhinac kale ujeesato.


13. Wiilka ku jecel


Wuxuu jecelyahay in uu kuu soo dhawaado markaad meel wada joogtaan.


14. Wiilka ku jecel


waa mid had iyo jeer kuu soo qoro erayo jaceyl, gaar ahaan erayadaan oo kale.


Waxaan dareemay in aad tahay qofka aan dunida ka raadinaayay mudo badan, waxaad I bartay dhadhanka ay leedahay noloshu. Waxaad isiisay farxad aan la qiyaasi Karin, waxaad dhameys tirtay riyadeydii qabyada ahayd. Sow ma ogid in aad tahay dhameystirkii nolosheyda, riyadii mustaqbalkeyga, rajadii nafteyda, farxadii qalbigeyga, aragtidii indhaheyga, dareenkii wadnaheyga. Runtii waxaa tahay ruux aan doortay aniga, dareenkeyga iyo qalbigeygu uu raacay.



Ugu dambeys


Ninka ku jecel waa mid mar walbaa raadiyo erayo jaceyl kuwa ugu soo jiidashada badan sababtoo ah wuxuu rabaaa in uu cabiro dareenka jaceyl ee uu kuu qabo.


Hadaba calaamadaha ninka ku jecel halkaan kuma soo koobi karno balse waxaan kaga hadli doonaa qeybaha kale. Sidoo kale waxaan halkaan kuugu diyaarinay sida aad ku kasban karto ninkaaga. Haddii aad xiiseyneyso riix halkaan: 15 qish oo kuu sahlayo soo jiidashada ninkaaga