Sidee ku ogaan kartaa ninka ku jecel?

Sideee ku ogaan kartaa ninka ku jecel? Jawaabta waa mid fudud. Inaad ogaato ninka ku jecel kuguma qaadaneyso mudo dheer.


Haddii aad raacdo tilmaamahani waxaa si fudud ku ogaan kartaa ninka ku jecel. Ninka ku jecel wuxuu leeyahay calaamado ka duwan dadka kale waana sababta kuu xaqiijineyso in uu yahay ninka dhabta ah ee aadka kuu jecel.


Habka ugu fudud ee aad ku ogaan karto ninka ku jecel

  1. Nuglaan

  2. Dulqaad

  3. Ka sheekeyn

Hadaba ninka ku jecel waa nin nuuucee ah?

Erayo Jaceyl Oo Qalbiga Taabanayo

Xikmad Soo Jiidasho Leh

Erayo Jaceyl 2020

Nolosha Guurka

Heeso Qoraal Ah Oo Jaceyl Ah

Erayo Macaan Soo Jiidasho leh

Erayo Jaceyl Qiiro Leh



Sidee ku ogaan kartaa ninka ku jecel?

14 calaamadoo oo lagu garto ninka ku jecel

Raggu way ku kala duwan yihiin calaamadaha ay muujiyaan, balse waxaa jira qaar ay ka siman yihiin, Kala duwanaanta abuurka ragga ayaa keena kala dookha. Si kastaba ha noqotee ninka ku jecel wuxuu leeyahay calaaamado nuucaan ah.


1. Nuglaan: waa calaamad lagu arko ninka ku jecel, waxay ka turmaysaa inuu culays xoog lihi haysto oo jacayl ah. Wuxuu u nuglaan in u muujin gabadha uu jecel yahay iyo cida ka ag-dhaw.

2. Dulqaad xad-dhaaf ah: wuxuu dulqaad weyn u muujinaa gabadha uu jacylka xad-dhaafka ah u hayo. Marna kama suurtogalayso inuu noqdo bilaa dulqaad, waana marka xaggeeda laga eego. Hadday balanta u jarto, amma ku xanaaqdo kama ficil qaadanayo, waayo meel ayey kaga taal.

3. Ka sheekeyn: Waxaad arkaysaa ninka oo ka faalloonaya gabadha uu jecel yahay. Wuxuu si joogto ah uga hadlaa dhaqamada fiican ee gabadha, gaar ahaan, quruxdeeda, hadalkeeda, qosolkeeda, socodkeeda, xaragadeeda, sheekadeeda, farriinteeda IWM. Laakiin marku arrimahan ka hadlayaa waa markuu la joogo saaxibadiisa dhabta ah. Wuxuu ku soo celcelinayaa hadaladii dhexmaray asiga iyo gabadha uu jecelyahay.

4. Wax-kasta-haye: Mar kasta oo ninka ay wax weydiiso gabadhu uu jecel yahay wuxuu ugu jawaabayaa haye, xittaa haddii aanu awoodi karin. Waayo waxa haya culayska uu leeyahay jacaylku. Shayga ay gabadhu ka codsatay haddii aanu awoodi karin wuxuu caawimo weydiisanayaa saaxiibadiisa dhabta ee aanay waxba kala qarsan.

5. Erayo Macaan: Waa albaabka ugu horeeya ee laga galo qofka. Ninku wuxuu markiiba ku qaabilayaa erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh. Wuxuu ku dadaalayaa inuu ku qaabilo jawi fiican iyo hadal qiimo leh, si aanay uga cadhoon. Wuxuu ku bilaabaa erayo jaceyl sida,walaashey, macaaney, qaaliyee, qalbigaygiiyeey, noloshaydiiyeey, wadnahaygiiyeey, indhahaygiiyeey, jidhkaygiiyeey, maskaxdaydiiyeey, wajigaygiiyeey, IWM.

6. Hadaaq: Waxa ninka ku bata halmaanka, waxaad arkaysaa isagoo ku halmaamaya magacii qofka u jeclaa. Muddo ka dib wuu ka noqonayaa, waxaanu dhahayaa waan ku khaldamay, balse waxa jiitay wixii qalbigiisa ku jiray.

7. Telefoon-ku-hadal badan: Wuxuu aad ugu dadaalaa inuu xiriir dhaw la yeesho gabadha uu jecel yahay, Taasina waxay ku keentaa inuu markasta telefoon ku hadlo. Haddii ay ku adkaato inuu toos ula xiriiro jacaylkiisi wuxuu la xiriiraa cida ay isku fiican yihiin, isagoo ka ururinaya jacaylkiisii.

8. Eegmo badan: wuxuu aad u jecleystaa inuu markasta daawado gabadha uu jecel yahay. Kama dhergayo inuu daawado maanta oo dhan, waayo waxa uu ooman nafta. Wuxuu aad u doonayaa inuu daawado iyadoo aan soo eegayn. Eegmadani waa indho-ku-doogsi iyo farxad.

9. Maqnaan xagga maskaxda ah: Waa calaamad aad u mihiim ah, waxa ninka lagu arkaa maqnaan xagga maskaxda ah, oo markuu hawl hayo amma aanu hayniin waxa lagu arkaa isagoo maskax ahaan baxay. Waxa ugu weyn ee uu ka fikirayo waa sidii uu ula kulmi lahaa qofkan uu jecel yahay iyo sidii uu ku kasban lahaa.


10. Shaki: wuxuu markaba la soo baxayaa shaki fara badan oo ku aaddan in laga qaadayo jacaylkiisa. Xitaa haddii ay daacad u tahay wuxuu ka shakiyayaa in lagu soo maqan yahay. Haddii uu yara waayo wuxuu u qaadanayaa in nin kale ay ku maqan tahay. Haddii uu dareemo in uu nin kale doonayo gabadha wuxuu u fasiranayaa in dagaal cad lagu so qaaday, oo ay mudan tahay inuu dagaalamo.

11. Ka-gacan-sarayn: Ninku marku joogo goobaha ay saaxiibadii ku kulmaan wuu sheekeeyaa waanu dooddaa, laakiin marku la joogo gabadha uu jecel yahay xaalku wuu is-bedelaa, wuxuu noqdaa nin gabadhu ka gacan sarayso, oo waxaa ka tan badinayo jaceylka xad dhaafka uu haayo gabadha.

12. Xarago badan: wuxuu markasta iska dhisaa dhinaca dhar-xirashada ama labiska, Ujeedada ayaa ah inuu soo jiito qofka uu jecel yahay. Wuxuu ka baqayaa in ay ku nacdo lebis xumada. Wuxuu ku dedaalaa inuu dhar-qurxoon xirto markuu soo marayo meelaha laga helo qofku jeclyahay.


13. Soo jiidasho: Wuxuu isku dayaa marwalbaa in uu u diro gabadha uu jecelyahay erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh xiliga uu hurdada ka soo kaco ama xiliga uu seexanayo, asigoo inta badan adeegsado ama u diro fariimo jaceyl sida "Qalbi subax wanaagsan" Qalbi Hurdo wanaaagsan" Nolosheyda Riyo Wanaagsan aniga iyo adi oo wada joogno" iyo wixii lamid ah.


14. Romantik: Tani raggu waa ay ku kala duwan yihiin waxa ayna ku xiran tahay ilbaxnimadiisa sababtoo ah ragga mawada yaqaanaan tan laakin badankooda waxa ay isticmaalaan in gabdhaha ay jecelyihin in ay la soo casheeyaan, u soo sheekeeyaan misana qurux badan u keenaan,