Sidee ku kasban kartaa ninkaaga: Baro 15 qish oo kuu sahlayo

Waxaad isweydisay, sidee ku kasban kartaa ninkaaga, Hadaba halkaan ka Baro 15 qish oo kuu sahlayo kasbashada qalbiga ninkaaga si fudud.


Inaad ninkaga qalbigiisa soo jiidato ma ahan wax adag, waxay ku xiran tahay oo kaliya naagnimadaad. Waxaad u baahantahay oo kaliya inaad wax walbaa degenaan uga fiirsato xitaa haddii uu kaa xanaajiyo.

  1. U noqo ninkaaga xaas naxariis badan

  2. U noqo ninkaaga xaaska riyadiisa ah

  3. Ku qaabil ninkaaga qalbi furan


Sidee ku kasban kartaa ninkaaga?

Sidee ku kasban karta ninkaaga, 15 qish oo kuu sahlayo kasbashada ninkaaga
Yareey qaladaadka ninkaaga

Qaladaadka ugu badan ee xaasaska nimankooda ka sameeyaan ayaa ah markii ay xanaaqaan waxa ay noqonayaan sida naag aan ninkeeda dan dambe ka lahayn, taasna ma ahan wax fiican. Markii aad aragto inuu doonayo in uu kaa xanaajiyo isdeji oo ka yara aamus.


Aamusnaanta waa jawaabta ugu fiican ee aad siin karto qof rabo inuu kaa xanaajiyo. Sidaa darteed hadduu ninkaaga si kastaa kuula hadlo, dheg jalaq ha u siin, hadalna ha ku dhihin.

Markaad intaasi u muujiso ninkaaga, waxaad arki doontaa asigoo kaa raali gelinayo.


Markaad ka xanaaqdo ninkaaga ha sameyn wax ficil ah marka laga reebo inaad u muujiso aamusnaan. Nimanka qaar waxay isku dayaan inay ka xanaajiyaan xaasaskooda si ay u arkaan ficilka aad sameynso. Waxa uu ka fikirayaa mustaqbalka beri iyo inaad tahay xaaska kalsoonidiisa kasban karto.


Nin walbaa wuxuu ku haminayaa xaas uu weligiis la noolaado misana uu qalbigiisa u hibeeyo. Sidaa darteed ninka ma ogaan karo dabeecadaada guud haddii uusan kaa xanaajin. Waxaa laga yaabaa inaadan waxba ka sameyn hadana uu kaa xanaajiyo. Adigu waxaad isleedahay muxuu kaa rabaa oo aad ka sameysay, ma qalad buu raadinayaa?


Dabcan haa: Hadalka aad dhihi doontid iyo sida aad ula dhaqmi doontid, taas waa hadafkiisa.



Calaamadaha qaar ninka marku rabo inuu kaa xanaajiyo

  • Maxaa waaye sidaan?

  • Sidee ku dhacday sidaan?

  • Yaa ku dhahay sidaan sameey

  • Aniga ma igala tashatay

  • Maxaa marwalbaa sidaan u sameysaa


Su,aalahaasi iyo su,aalo lamid ah. Sida aan u qoray maahine si kale ayaa laga yaabaa inuu kuu dhaho ninkaaga, muhiimadu waa uun su,aalo nuucaas ah oo aadan ku arki jirin. Haddii aad qalad sameysay iyo haddii kaleba nimanka wey ku badanyihiin su,aalo nuucaas, waxay ku xiran tahay hadba sida uu ninkaaga kuu ixtiraamo.


Xaasaska qaarkooda waxaa laga yaabaa inuusan ninkeeda weligeed su,aalo nuucaas ah uusan ku dhihin, halka kuwo qaar ay joogto ula kulmaan misana dulqaad u muujiyaan si aysan u burburin gurigooda.


S i kastaba ha noqotee waxaa laga maarmaan ah inaadan ficil sameynin markuu ninkaaga kaa xanaajiyo. Maxaan kor ku soo xusay? Jawaabta macquulka ah: Markuu ninkaaga kaa xanaajiyo iska yara aamus oo howshaada iska qabso. Waxaad arki doontaa asigoo ku dhahayo, ma iga xanaaqday, maxaan ku dhahay, Maxaa ku aamusiyay iyo su,aalo lamid ah.


Markaan waxaan imaanay 15 ka qish ee aan rabno inaan kula wadaagno si aad ninkaaga qalbigiisa u kasbato. Hadaba haddii ay dhab kaa tahay inaad ninkaaga kasbato waa lagama maarmaan inaad raacdo tilmaamahani.


Dumarka qaar weey jecelyihiin in ay nimankooda qalbigooda soo jiitaan laakin ficil ahaan uma sameeyaan, taasna waa adigoo buur kortay hadana ka soo degtay. Waa adigoo caneero u dubay ninkaaga hadana aadan aqoonin qofkii cunay.


Dabcan waan idinla kaftamayaa laakin muhiimadeydu waxaan jeclahay inaad fahanteen. Wax walbaa oo aad rabto waa inaad ficilkeeda sameyso. Hadalkeygu waa intaas.Hadaadan ficil sameyn waxba ma kasbaneysid. Waxaan jecelahay inaad noqotaan xaasas gurigooda uu yahay guri loo soo xiiso oo farxad badan. Guriga aad ku hamineysaan mar walbaa.


Haddiiba ninkaaga guriga uu ka cararayo ama uusan jecleyn in uu adiga waqti kula qaato, sida inuu adig filim kula daawado, laabto kugu hayo, la ciyaaro caruurta, waxaa jiro waxyaabo uusan jecleyn oo aad adigu sameyso.


Isweydii waxaad sameyso kadibna xusuuso, macquul ma ahan adigoo ninkaaga sugayo hadana uu iska maqan yahay. Adigoo jecel in aad ninkaaga waqti la qaadato hadana uusan guriga imaaneynin. Adigoo casho u diyaariyay weliba aadan seexan karin ninkaaga oo aanan casheynin hadana nasiib daro weli wuu iska maqan yahay.


Ogow waxbaa jiro oo aad qaldeyso sidaa darteed iska dhig naag naag dhaaftay oo baro sida ninkaaga loo kasbado.


Haddii kale waxaa dhici doonto in uu ninkaaga soo barto Xaliimo kale, Xaliimooyinka xiiseeyo nimanka xaasaska leh si ay u dumiyaan guryo dhisan misana gurigaasi ay u dayactirtaan. Waxaa laga yaabaa inaad aragtay gabdho fara badan oo dhahayo, waxaan ugu jecelahay ninka xaaska leh, xusuusnow hadalkaasi waa dhab, qaar baa sidaas ka helo haddii aadan adigu ka helin. Hadaba su,aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay.



Sidee ninkaaga ku kasban kartaaa


Inaad ninkaaga kasbato waxaad u baahantahay inaad raacdo 15 qish oo kuu sahlayo hanashada qalbigiisa. Haddii aad raacdo waxaan hubaa inaad nooga mahadcelin doonto misana boggeen erayojaceyl.com ku xirnaan doonto.


1. U noqo ninkaaga xaas naxariis badan


Dumarka qaar ayaa horay iska dhahayo, kaalay ninkeyga xaasid miyaan ku ahay, hadaanan ninkeyga u naxariisan yaan u naxariisan? Dabcan waad u tahay ninkaaga xaas naxariis badan balse waxaan ula jeedaa ku dheh erayo macaan oo naxariis badan, u sameey waxyaabaha uu jecelyahay, hana dhibsan hadduu wax kaa codsado.


2. Ixtiraam ninkaaga iyo Ehelkiisa


Inaadan ninkaaga iyo ehelkiisa aadan ixtiraam u muujin waa waxa ugu horeeyo ee kaa hor istaagi karo kasbashada qalbigiga ninkaaga sidaa darteed noqo xaas ku ixtiraamto rabitaankiisa marka laga reebo wixii uu Ilaaheey kaa xarimay. Ha noqon xaas reerkiisa gurigiisa ka fogeeyso sida darteed ilgaar ah ku fiiri reerkiisa, hana ka sheegin wax ceeb xittaa haddii ay jiraan.


3. Ku qaabil ninkaaga qalbiga furan


Ma jiro wax ka qurux badan markaan arko xaaskeyga oo igu soo dhaweyneyso qalbi furan misana arkayo dhoola cadeynteeda quruxda badan. Sidaa darteed ku soo dhaweey dhoola cadeyn iyo qalbi furan hana kaa ahaato mid qalbiyan ah oo aad si niyad ah u sameyneyso, ninka wuu dareemi karaa markeey dhab kaa tahay iyo markeey jilitaan kaa tahay.


4. U muuji ninkaaga inaad ku faraxsantahay la joogistiisa


Nin aadan noloshiisa ku faraxsaneyn inaad la noolaato wey adag tahay, sidaa darteed ha ahaado ninka aad rabto inaad la noolaato mid aad ku faraxsantahay. Sidoo kale hadaadan farxadaada u muuji waxa uu u fahmi inaadan ku qanacsaneyn ku dheh erayo macaan sida erayada ragga ay jecelyihiin oo kale.


Tusaale: Daqiiqad walbaa oo aan adiga waqti kula qaato, waxaan gartaa inaan ahay qofka ugu farxada badan. Waad ku mahadsantahay inaad hablaha oo idil aniga iga dooratay. Haddii ad xiiseyneyso erayo macaan oo kale waxaan kuugu diyaarinay halkaan oo riix: Erayada raga ay jecelyihiin



5. U noqo ninkaaga xaas u dhego nugul


Aahaa oo sidee? Noqo xaas u dhego nugul ninkeeda, qaadatao taladiisa iyo waanagiisa, kuna tix geli sida ay tahay. Sabab? Sababtoo ah markaad qaadan weyso taladasiisa oo qalad ka yimaado waa maalinta uu bilaabi lahaa, maxaan ku dhahay shalay? Ma itixgelineysid miyaaa, hadalkeyga ma maqleysid iyo hadalo lamid ah sidaa darteed adigu muhiimadaadu ma ahan inaad ninkaaga ka careysiisid ee muhiimadaadu waa sidii ninkaaga ku kasban lahayd.


6. Jooji dooda faraha badan markuu qalad kaa dhaco


Ma jeclaan lahayd ninkaaga inuu yahay nin dood badan markuu qalad kaa sameeyo? Of course maya. Sidaas si lamid ah ayuu ninkaagana kaaga doonayo inaad ka ilaaliso doodaha faraha badan markaad qalad sameyso. Is deji, iskuna day inaad geed u korto sidii aad uga raali gelin lahayd isla markaasna adigoo u muujinayo inaad ka xuntahay qaladaadkii kaa dhacay.


Qish: Ninka markuu xanaaqo maxaa ku filan? Jawaabta: inaad hab siiso kaliya adigoona hadal kale ku dhihin misana muujinayo inaad ka xuntahay. Noo qosol qosol okey? Mararka qaar waxaa dhacdo in xanaaqiisu saaid yahay, xoogaa yara waqti sii, markuu qaboobo sameey sidaas. Nimanka qaarkood xaasaskooda weey kala tuuraan, hadba waxay ku xiran tahay sida ninkaaga uu yahay. Waxaan umaleyn inaan taas isla fahannay.


7. U sabar ninkaaga markuu qalad kaa sameeyo


Sideedaba ma wanaagsano erayga la yiraahdo xanaaq maxaa yeelay waxaa badan doodiisa iyo dhibkiisa sidaa darteed ugu sabar ninkaaga qaladaadka yar yar ee uu kaa sameeyo haddii uu qalad weyn dhacana isku day inaad meel la fariisato oo aad si degenaan ah aad u xalisaan si aysan mar dambe dhicin.


8. Badi La kaftanka ninkaaga


Isku day inaad ninkaaga la kaftanid haddii uu guriga joogo iyo haddii uu ka maqan yahay, u dir erayo macaan ninkaaga xiliga ay guriga ka maqan yahay s isms ah sida erayadaan oo kale: Qiyaas waxa aan kuu sameyn doono, goortaan aad guriga imaado? Jawaabtiisa fiiri oo waxa uu ku yiraahdo u sameey haddii aad markaasi awoodo.


Waxaa jiro erayo kale oo loo isticmaalo ninka si aad dareenkiisa u kiciso xiiliga aad rabto inaad sariirta la aado. Haddii aad rabto inaad wax ka ogaato, waxaan kuugu diyaarinay halkaan: erayo lagu soo jito raga.


9. U noqo ninkaaga xaas daacad ah


Waxaad jeceshahay in uu ninkaaga kuu noqdo nin daacad ah oo aanan ku qiyaameynin sidaas si lamid ah ayuu ninkaagana u jecelyahay daacadnimadaada. Erayga daacad ma jecelo ninkaaga oo kaliya ee waxaa jecel dadkoo dhan. Inaad reerka daacad u noqotaa uma ahan oo kaliya lafdhabar ee waxay u tahay horumarka iyo sumacada qoyskiina. Marka noqo xaas daacad ah.



10. Inaad barato dookha ninkaaga


Weligaa ma isweydiisay waxa uu jecelyahay ninkaaga? Haddii aad ku jawaabtay haa, waxaa jiro xaasas fara badan oo aan taas weligood isweydiin marka laga reebo inay subaxdii quraac u kariyaaan. Dabcan waa sax ninkaaga wuu jecelyahay inaad quraac u kariso laakin quraac nuucee ah`ayuu ninkaaga jecelyahay? Muxuu ka helaa, muxuuse necebyahay? Su,aalahaasi jawaabahooda qofka kaliya ee ogaan karo waa adiga sida darteed boro dookha ninkaaga iyo waxa uu ka helo.


11. Isku qurxi ninkaaga


Inaad ninkaaga isku qurxiso waa habka ugu farxada badan ee aad dareenkiisa ku soo jiidan karto. Sidaa darteed iska dhig naag u qalanto afarta xaas ee ay raga ku haminayaan, waaba tahay xaas nuucaas, anigaa hubo haddii aad sidaan sameyso, waxaad arkeysaa ninkaaga oo caraftaada la dhacsan misana kaa hoos kaceynin. Nadiifi jirkaaga oo carfi si joogto ah adigoo islamarkaana xiranayo dharka qafiifka ah ee jirkaaga ka muuqanayo. Rasuulku (SCW) wuxuu yiri, dunida waa raaxo, waxa ugu raaxada badan ne waa haween wanaagsan. U raaxeey ninkaaga xittaa hadduu meel iska fadhiyo si uu jirkaaga aragtidiisa ugu raaxeysto.


12. Baro Galmada ninkaaga uu jecelyaahy


Sadarkani waa mid kamid ah sadarada ugu muhiimsan ee ninka, waana sababta uu ninkaga kuu guursaday inta ugu badan. Ninku kuuma guursan oo kaliya inaad caruur u dhasho ee wuxuu guursaday inuu nolosha kugula raaxeysto. Nimanka wey naago jecelyihin sabab? Sababtoo ah waxaa gubayo shahwad ka tan badan, waxay jecelyihiin in sariirta lagu qanciyo sidaa darteed haddaad rabto inuu ninkaaga naag kale kula guursanin ugu roonaaw Raaxada galmada sariirta.


Ma taqaanaa meelaha uu ninkaaga ka kacsado, qaababka uu ugu jecelyahay? Jawaabta waxaa laga yaabaa inay wax badan kugu qaadato halka xaasaska qaar ay horay ka dhahayaan, meeshaas iyo meeshaas. Ninkeyga lagama maro. Ma jiro wax uu ka jecelyahay inaan sidaas u sameeeyo. Halka kuwa qaarna ay ku adag tahay sidaa darteed wax ceyb ah ma ahan inaad barato raaxada ninkaaga uu jecelyahay iyo meelaha uu ka kacsado qaasatan halka uu raaxada ka qaato.


Halkaan waxaan ku diyaarinay astaamaha kacsiga ninka iyo sidii aad ugu raaxeyn lahayd ninkaaga, haddii aad rabto inaad ka bogato halkaan riix: Raaxada iyo astamaaha kacsiga ninka


13. Ku qancidda ninkaaga


Markaan dhahayo ku qancida ninkaaga, waxaan ula jeedaa ninkaaga hadduu yahay nin iska maskiii ah oo aan waxba heysan. Kuma tilmaami karo faqiir maxaa yeeelay maba jiro qof faqiir ah, waayoo taajirnimadu waa qalbiga iyo ku faraxsanaanta noloshaada. Haddii aad lacag walbaa heysato misana aadan farxad dareemeynin lacagtaasi maxay tareysaa? Haddii aad lacag leedahay hadana aadan caafimaad buuxo lahayn lacagtaasi macno nuucee ah ayeey kuu sameyneysaaa? Sidaa darteed nolosha farxada badan waa jaceyl, haddii aad heysato nin ku jecel wax kale uma baahnid, waxa uu maanta soo helo ayaa idinka badan. Ilaahey ku mahadi Alxamdulillah.


14. Ninkaaga nin kale haku hor amaanin


Sacdiyo aanan aqoonin ninkeeda, hadaladeeda oo dhan waxay ka bilaabeysaa, Faadumo ninkeeda waxa uu u sameeyay sidaas iyo sidaas, aniga maxaa iigu sameyn weysay, ninkaas ayaa kaa fiican. Yaah, ninku waxaa ku dhegayo neefta hadalkaas dartiis xanaaq cml, wuxuu bilaabayaa, sidee ku dhihi kartaa ninkaas ayaa kaa fiican iyo balaa balaaa.


Kaasi waa ninka ugu daacadsan ee qalbigiisa ka hadlayo, nimanka qaarkood waa kuwo hadalka uruuriyo ugu dambeysna halmar qarxayo, goortaasna waa meeshii ugu dambeysay, hadal wuxuu ka bilaabayaa, guurso ninkaas, anigaa halkaan ayeey iiga egtahay maanta la joogo. Sacdiyo maanta kadib waa nin la,aan waxay ku biirtay garoobada, haddey ilmo heysatana waxay noqon (Single Mother) Taasi ma ahan wax qurux badan mana ahan wax qof dumar ah ay ku hamineyso.


15. U mahadceli ninkaaga markuu wax kuu sameeyo


Mahadcelinta ma jeclo ninkaaga oo kaliya ee waxaa jecel qof walbaa oo wax falay. Sidaa darteed Markaad ninkaaga u mahadceliso waxaa ka imaanayo jaceyl iyo dhiiro gelin. Haddii aad rabto in uu ninkaaga ku farxadgeliyo abaalkiisa u gud kuna dheh Waad ku mahadsantahay inaad waxaasi ii sameysay.


Sidoo kale isku day inaad barato inaad qof walbaa uga mahadceliso abaalkiisa si uu ugu dhiirado waxa uu kuu sameeyay, haddeey ku anfaceen.


Tusaale, waxaan aragnay akhristeyaal fara badan oo ku xiran boggeen qaarkood waxay inoo diraan mahadcelin halka kuwa qaar ee xittaa laga yaabo in qormyooyinkeeda ay wax badan kaa caawiyeen hadana aysan inooga mahadcelin. Macnaheedu ma ahan inaad noo mahadceliso annaga balse waxaan ula jeedaa dadka qaar markeey ka waayaan mahadcelin mar dambe caawin nuucaas ah ma sameeyaan.


Tusaale kale1: Waxaad qof u sameysay caawin, wuxuu ku dhahay waad mahadsantahay.

Tusaale2. Waxaad qof kale u sameeyay caawin, mana kaaga mahadcelin, keebaa qalbigaada ku weyn

Comment inogu reeb jawaabtaada


Dhamaadka Maqaalka


Sida aad ninkaaga ku kasban karto waxay ku xiran tahay hadba sida aad ficil ahaan ugu sameyso. Waxaan kuu rajeyneynaaa nolol farxad leh oo jaceyl ku dhisan. Halkaan waxaan kuugu diyaarinay qormooyin kale oo xiiso leh riix halkaan: Sidee ku ogaan kartaa ninka ku jecel?