Baro 3 su,aal jawaabahooda ka hor shukaansiga gabdhaha

Ka hor inta aadan bilaabin barashada sukaansiga, sida gabdhaha jaceyl loogu abuuro, waxaa fiican inaad taqaano 3 su,aalood jawaabahooda.


Markaad fahanto seddexdaan ayaad u gudbi kartaa tilaabaha soo socdo:

  • Sida loola hadlo gabdhaha

  • Sida gabdhaha loo soo jiito

  • Sida gabdhaha jaceyl loogu abuuro

Noloshu waa sida tariin socdo oo kale oo aad adigu darawal ka tahay, adigaana dhankaad rabto u rogi karto laakin waa markaad taqaano sida loo wado. Sidaa si lamid ah ayeey gabdhuhuna u rabaan nin yaqaano sida loo hago. Dabcan ma jirto gabar jecel nin caqligiisa uusanba asiga ku filneyn inay nolosha la wadaagto.

Maxay ka rajeynayaan gabdhaha ninka?

Baro 3 su,aal jawaabahooda ka hor shukaansiga gabdhaha

  1. Maxay jecelyihiin gabdhaha?

  2. Maxaysa jecleyn?

  3. Waa kee ninka ay gabdhaha ay ku riyoonayaan?


Gabdhaha waxa ay rabaan nin yaqaano sida badda looga soo dabaasho laakin ma rabaan nin aanba asigaba dabaalan Karin. Maxaa ula jeedaa taas? Marka aan badda tusaale u soo qaadanayo macnaheedu waxa ay tahay: Jaceylku waa sida adigoo badweynta dhex joogo haddii aadan aqoonin sida looga soo dabaasho waxaa qatar gelayo noloshaada, marka sidee gabadha nolosheyda ugu aamini kartaa nin aanba noloshiisa maareyn karin?

Jawaabta: inaan halkaan ku qoro uma baahno sababtoo ah adiguba waad fahmeysaa waxaan ula jeedo. Sida ragga ay u jecelyihiin inay guursadaan gabdhaha firfircoon ee wax walbaa ku wanaagsan, ayeey gabdhuhuna u jecelyihiin ninka aktive ah oo ragga wax badan dheer.

Sidoo kale markaad rabto inaad kaluun soo dabato waxaad u baahantahay marka hore inaad taqaano sida loo dabaasho, kadibna doon iyo maqaalin aad wax dabow ku barato. Marka ugu horeyso suurto gal ma ahan inaad horay wax ka soo qabato laakin markaad dhowr jeer ku celceliso oo aadan ka niyad jabin ugu dambeyn waad ku guuleysaneysaa. Aan ka gudubno qoraal ahaan oo aan u sameyno ficil ahaan.

1. Maxay jecelyihiin gabdhaha?


Gabar walbaa waxa ay jeceshahay ka hor safarka dheer ee nolosha in ay xariir la sameyso ninka nuucaan si ay nafteeda ugu hibeyso haba ku kala duwanaadaan gabdhaha dhanka dooqqa. Haddii aad kamid noqoto shantaasi nin waxaa tahay nin nasiib leh. Hambalyo!

  • Ninka ugu hantida badan

  • Ninka ugu quruxda badan ee isha qabaneyso

  • Ninka ugu xaragada badan (Mr showiste)

  • Nin Sixback leh oo jirkiisu macaan yahay

  • Ninka isku kalsoon misana yaqaano sida gabdhaha loo soo jiito

Ninka ugu hantida badan


Markaad hanti leedahay waxaa indho sarcaad ku rideysaa gabdhaha badankood sida Xaliimo lacag, Jamaad jalaqsan iyo Faadumo ku qabso ku qadi meysidee. Laakin iska ilow Farxiyo jaceyl lagu dhalay misana jaceylka wax ka taqaano. Taasi lacag kastaa oo aad leedaahy lagama yaabo inay kugu raacdo maxaa yeelay nin lacag leh waxa uga qiimo badan nin iska faqiir ah oo qalbigeeda kasbado. Ha is dhihin waxaa tahay in lacag leh waxaad guursan kartaa gabar walbaaa.


Ninka ugu quruxda badan ee isha qabaneyso


Gabdhaha waxa ugu horeyo ee ninka ka fiiriyaan waa quruxdiisa, haddii aad tahay nin Ilaahey u dhaliyay qurux iyo joog, of course gabdho fara badan ayaa saf kuu soo galayo, Alla ninkaan qurux badanaaa oo macaan badanaa, yaa mar lee ninkaaga ka dhigo ayeey mid walbaa isdhaheysaa.


Ninka ugu xaragada badan (Mr showiste)


Dabcan ma jirto gabar rabto nin aanan isagaba istaag taageynin, xaragooneynin, areebay ah maxaa yeelay marka laga reebo quruxda ninka, gabdhaha waxa ay fiiriyaan labiskiisa. Marka hadaad si fiican oo qurux badan u labisato, xoogaa isnaash naashto waxa ay ku siinayaan jaanis. Laakin haddaad ka faaiideysan weyso, adigaa afkaaga isku dilay. Marka labiskaaga ka taxadir. Talo.


Nin Sixback leh oo jirkiisu macaan yahay


Gabdhaha qaarkood markeey arkaan nin jir macaan durbaba waxay ay galaan riyo maalmeed, waxa ay isdhahaan „waaw kan hadaad heysan lahayd sariirta xitaa xambaar ayuu kugu geyn lahaaa, si fiican ayaad jirkiisa macaaan ugu raaxeysan lahayd“. Laakin ragga qaar sida uu jirkiisa u yaalo iyo sida uu u hadlayo markaad aragto waa kaaf iyo kala dheeri, Raaskombooni ilaa Raas Caser. Macnaha markuu afka kala furo, gabar walbaa waxa ay leedahay, maya maya „kan jir macaantiisa waxba ii tari meyso, maba yaqaano sida gabdhaha loo soo jiito, no erayo jaceyl, no shukaansi.


Ninka isku kalsoon misana yaqaano sida gabdhaha loo soo jiito


Markaad naftaada ku kalsoonaato, gabdhaha oo kaliya kuguma kalsoonaan donaan ee waxaa kugu kalsoonaan doono dadkoo dhan. Waa cajiib sow maahan? Qofku si kastaa uu u yaalo ama uu Ilaahey ka dhigay haddii uu isku kalsoon yahay wuxuu noqon qof dadka loogu jecelyahay. Marka hore maba jiro qof fildaran marka laga reebo inaad adiga aaminto inaad fildaran tahay. Hadaad adiguba is aamini weyso, ma waxaaad sugeysaa qof kale in uu ku aamino?


Jawaabta macquulka: Maya!




Waxaa laga yaabaa inaad aragto Faarax qabo gabar qurux badan misana aanan hanti lahayn. Sidee ku dhacday? Of course waxa uu yaqaano waxa ay gabdhaha jecelyihiin iyo sida loo soo jiito. Waxa uu heystaa furaha qalbigeeda, waxa uu ka taxadiraa waxa qalbigeeda dhaawacayo ama dhaawici karo, waxa uu u koolkooliyo sida caruurtiisa. Markuu baxayo subaxdii waxa uu xaaskiisa ku marxabeeyaa erayo macaan oo qalbigeeda ku harayo ilaa uu shaqada ka soo noqdo. Nin nuucaas naag deyneyso maa jirto? Dabcan maya!

2. Maxayse jecleyn gabdhaha

  • Nin ka sheekeeyo qof uu xiriir la lahaan jiray

  • Nin bilaa ixtiraam ah

  • Nin xanaaq badan

Nin ka sheekeeyo qof uu xiriir la lahaan jiray


Waxaad isbarateen gabar, waxaad istiri iska dhig inaa tahay nin balaayo casir oo kaalay iska arag ah oo sidoo kale ay gabdhuhu daba boodayaan, waxaad uga sheekeyn maagtay gabdhaha aad la sheekeysan jirtay, ugu dambeysay waxaad aragtay qoftii oo hoos hoos xiriirkiinii u sii dhigeyso, waxaad u dirtay qoraalo, weey fiirineysaa kadibna waxaa laguu soo diraayaa jawaabo gaaban marna inta la fiiriyo qoraaladaada ayaa lagaa aamusi. Waxaad isweydiin, maxaa dhacay oo aan qalday, maxaa qoftaan badalay?

Of course adigaa badalay, hadaad ogaan lahayd gabdhaha sida ay u necebyihiin in gabar kale looga sheekeeyo, inaad ku soo qaado iskaba daayee markeey kaa codsato xitaa waxaad siin lahayd jawaab gaaban oo aan faahfaahsaneyn mana u amaani lahayn.

Waxaan isbaranay qof nuucaas oo quruxley ah, soo jiidasho badan, aad ayeey ii jeclaan jirtay iyo bala balaaaa, jawaabtoodu waxa ay noqon sida feynuus liifada loo gaabiyay, ugu dambeysna dantay.


Nin bilaa ixtiraam ah


Ixtiraamku waa shey qaali ah wada noolaashuhuna aysan bilaa ixtiraam sii socon doonin, iskaba daa adigooba iyada ku cusub oo aad hadda isbarateen. Xittaa hadii ay xaas kuu noqoto waxa ay kaa rabtaa inaad u koolkooliso sida canugeeda oo kale, ku ixtiraamto ra,yigeeda, afkaarteeda, hadafkeeda, dadnimadeeda. Waxaa jiro waxyaabo gabdhaha aanan dhankooda laga marin „No Go“ Si kastaa oo ay kuu jeceshahay haddaad xadkaasi ka soo talaabsato, waxaa ku sugeyso bacdaada oo banaanka taalo. Waxyaabahaasi waxaa kamid ah: Xaqiridda. Maalintaad xaqirto oo aad ka dhigto sida xaas booyaas kuu ah adiga, ama sida eeyga oo kale ula dhaqanto misana xuquuqdeeda waxba ka soo qaadin, oo aad u maleyso guriga inaad adiga kaligaa go,aan ka gaari karto dhanka horumarka iyo wixii guriga ku saabsan. Taasi waa waxa ugu horeeyo ee aysan gabdhaha ka helin. Marka wax walbaa oo aad sameyneyso iyada kala hadal, ha gaarin go,aan eysan ogeyn, ka dhigo saaxibadaada kaliya haka dhigan in ay xaas kuu tahay. La soco sanadka la marayo 2021.

Nin xanaaq badan


Mr Xanaaqlow misana dood badan, dhibka ugu horeeyo uu la kulmayo Mr Xanaaqlow ayaa waxa ay tahay gabar walbaa uu bartaa labo maalin kadib banaanka ayeey u tuureysaa. Sabab? sababtoo ah waa nin dood miiran „Maxaa telefoonka iiga qaban weysay, maxaad iigu soo jawaabi weysay, ma iga helin miyaaa, iyo bala balaaaa. Of course haddeey banaanka kuu tuurto adiga sabab u ah, maxaa yeelay waxaa tahay sida albaabka ganjeelka oo qab lee u baahan. Qalbigeeda iyo in ay ku raali geliso warkeedba daaa maxaa yeelay maba gaarin waqtigii qalbiga sida buug oo kale laguugu furi lahaa, macnaha in ay ku jeclaato. Marka stop xanaaqa badan, noqo qof dulqaad badan, kana faiideysto fursadiisa. Ha u qorin weligaaa qoraalo badan, u qor qoraal gaaban, markeey kuu soo jawaabto hadana u qor laakin horay ha uga qorin si kastaa oo aad u jeceshahay oo ay kaaga dhex baxday.



3. Waa kee ninka ay gabdhaha ay ku riiyoonayaan?

  • Nin daacad ah

  • Nin saaxibtinimo leh

  • Nin naxariis badan

Su,aashaani waa su,aasha ugu muhiimsan ee sedexda su,aalood ka hor shukaansiga gabdhaha, sababtoo ah waa albaabka ugu horeeyo ee lagaa doonayo inaad la timaado furehii lagu furi lahaaa, hadaad furahaasi heli weysana waxaa loo deyn Hanad kale oo yaqaano sida gabdhaha loo quraan saaro. Waxba haka welwelin haddii aadan aqoonin sida loo soo jiito gabdhaha, annaga Erayojaceyl.com ayaa ku siin doono qish fara badan oo aad ku soo jiidan karto qof kastaa oo aad ka hesho adigoonan maal qabeyn ahayn.

Nin daacad ah


Daraasaad la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in gabdhaha marka ugu horeysoba ay ka fiiriyaan ninka ay guursanayaan dabeecadiisa iyo daacadnimadiisa. Ka hot aragiisa, Si kastaa oo aad u qurux badan tahay ama hanti u leedahay markaad isbarataan waa waxa ugu horeeyo ee ay dareemeyso ama qiimeyn ku sameyneyso, haddaad imtixaankaasi ku guuleysan weydo waxa ay ku leedahay: saaxib ma tihid ninka aan ku riyoonayo ee gab iga sii, waa midda ugu daacadsan, tan kalena telka xitaa kaa qaban meyso.

Gabar walbaa waxa ay jeceshahy nin sifadiisu tahay daacadnimo kuna dhaqmo diinta, dhaqankiisu ay dadku jecelyihiin kana tilmaaman bulshada inteeda kale. Tijaabada ugu horeyso ayaa waxa ay noqon doontaa, in lagu baro saaaxibadeeda, haddii ay saaxibadeeda ay dabeecadaada iyo degenaantaada la dhacdo, waxa ay kaa biixin doontaa feedback, qiimeyn: Saaxibeey qofkaan caadi maahan, yuusan kaa baxsan, degenaantiisa iyo qadarinstiisa ayaaba soo jiidasho leh.

Nin naxariis badan

Inaad naxariis badnaato kaliya kuuma soo dhaweyneyso gabadha aad rabto ee waxa ay kuu soo dhaweyneysaa dadka oo idil. Waxaa ku jeclaanayo dadkoo dhan, Naxariistu waxa ay ka dhalataa qalbiga ama ay ka timaadaa, waa wax lagaa dareemo kuguna dhaliso inaad ka damqato haddaad aragto wax aanan ku cajab gelin sida qof dhiban oo kale ama xaqiisa la duudsaday. Biniaadamka kaliy ma ahan xitta hadaad aragto xayawaan dhibaateysan waa inaad ka damqan karto, laakin haddii waxaas caadi kula yihiin, naxariistaada aad beey u yar tahay. Waa maxay sababta ay gabdhaha muhiimad ugu leedahay naxariista? sababtoo ah beri haddii ay ku guursato oo ay dhib dareento, waxa ay kaa sugeyso inaad ka damqato, una muujiso naxariis, dhibkaasina aad la qeybsato. Dhibka ugu horeeyo ee ay gabadhu dareemi doonto waa maalinta ay xanuun dareento, maalinta ay uur qaado iyo maalmaha dhalitaanka caruurtaada. Marka noqo qof naxariis badan oo qalbi nadiif ah.

Gabdhuhu waxa ay jecel yihiin in la daneeyo oo weliba si cad loogu sheego in la jecel yahay. Ha ka gaabsan u sheegashada jacaylkaaga, haddii aad ka gaabisid sheegashada jacaylkaaga, waxa aad dhisaysaa teed qalafsanaan oo adiga iyo oorida idin kala dhex dhigma, xiisihiina waxaa ku imaan gabaabsi - Imam Ahmed ibn Hanbal.

Xikmad Soomaaliyeed ayaa waxa ay leedahay: Dadka wanaagsan waa sida shumaca oo kale, waxa ay naftooda u gubaan ama u dhibaan si ay iftiin u siiyaan dadka kale


Dhamaad

Waxaan rajeyneynaa inaad wax badan ka faaiiday qormadani. Halkaan hoose waxaan kuugu diyaarinay maqaalo kale oo aan hubo inaad ka heli doonto, haddii aad xiiseyneyso riix.