Shukaansi wiil iyo gabar: Hanad iyo Leylo

Qormadeena maanta waxay ku saabsan tahay shukaansi qoraal ah, shukaansi wiil iyo gabar ku dhex maray caasimada Somalia ee Muqdisho.


Shukaansi markuu dhagaheena ku soo dhaco isla markiiba waxaan dhegta u taageynaa wiil iyo gabar isa shukaansaday, haasaawe dhex maray. Waxaan isweydiineynaa su,aalo fara badan oo ay kamid yihiin.

  • Shukaansi nuucee ah ayaa dhex maray?

  • Qaabkee ayeey isku shukaansadeen?

  • Jaceyl nuucee ah ayaa dhex maray?

Sheekadoodu halkee ayeey ku soo gabagabowday iyo su,aalo kale.

Shukaansi wiil iyo gabar

Markaa tahay shukaansi barad waxaa kugu adag wax walbaa. Hadeey ahaan lahayd erayo shukaansi ah iyo qaabka loo soo jiito qofka aad ka heshay. Taasina waa wax caadi ah. Sida loo shukaansado gabdhaha iyo wiilasha oo kaliya ma adko ee waxaa adag bilaawga wax walbaa.



Shukaansi Barasho ah


Sida loo shukaansado wiil ama gabar ma ahan barashada sida cilmiga diyaaradaha, qof walbaa ayaa baran karo. Waxaa kugu filan oo kaliya adigoo ku xirnaato Erayojaceyl.com kana akhristo sheekooyin shukaansi ah oo ku saabsan wiil iyo gabar.


Markaad wax badan akhrisid, siima baraneysid oo kaliya sida loo shukaansado gabdhaha iyo wiilasha ee waxaa sii kordhayo aqoontaada iyo fahanka nolosha. Waxaa sii balaaranayo maskaxdaada iyo hal abuurkaaga. Waxaad baraneysaa erayo shukaansi ah, waxaadna noqoneysaa geesi aanan ka cabsan gabar walbaa ama wiil kasto.


Shukaansi kaftan ah


Marka hore shukaansigu wuxuu ka bilaawdaaa kaftan, la qabsi iyo eegmo. Markaad gabar ama wiil jeclaatid waxa ugu horeeyo ee aad dareenkaaga ugu muujin kartid waa eegmo, inaad ku eegto indho naxariis leh. Ma ahan inaad eegeyso jirkeeda macaan ama jirkiisa macaan ee waa indhaha qofka.


Indhaha waa waxa ugu horeeyo ee aad ugu gudbin karto rabitaankaaga gabar ama wiil, adigoonan la hadlin. Sabab? sababtoo ah indhaha waa habka kaliya ee muujinayo inaad la dhacday qofkaasi.


Tusaale: Waxaad ka heshay gabar/wiil deriska ah, mar walbaa oo ay soo baxdo ama uu soo baxo waxaad la raacdaa indhaha, markii ay dareento ama uu dareemo inaad eegeyso haka jeesan oo ha fiirin dhulka. Ku haay ilaa 5 mirir. Kadib sii waqti, oo mar labaad dib u fiir. Qofka waxaa galayo dareen ah inaad ka heshay. Ma ahan hal maalin oo kaliya ee waa inaad dhowr maalin sameysaaa, haddii aad aragto. Xiligaasi waxaa fiican adigoo xiran labis qurux badan oo indhaha soo jiidanayo. Macnaha no surwaal wasaq leh iyo baati aad cajeeradii aad ku dubtay ka muuqato.


Dabcan markaad wax fiirneyso waxaa fiican inaad ku fiiriso indho naxariis leh, dareen ka muuqdo laakin weji xuuxnimo markii lagaa dareemo lagaama cabsan doono oo kaliya ee xitaa dib dambe laguuma soo fiirin doono. Ar kan muxuu iga rabaa, waaba iga cabsiinooyaaa.


Xusuusnow: Gabdhaha intooda badan ma jeclo wiil fiirinayo jirkeeda macaan sida dababeeda iyo naasaheeda ee waxay ka helaan wiil fiirinayo indhaheeda. Sababtuna wax kale ma ahan ee waxay isleedahay kani jirkaaga uun buu rabaa ee adiga kuma rabo. Marka taxadir saaxib, xitaaa haddii aad ka jeesan weydo alaabta macaan iyo waxa ku raran.



Shukaansi wiil iyo gabar: Hanad iyo Leyla


Wecitaan shukaansiga taleefanka ah*


Hanad: haye, qaali!

Leylo: haa macaane.

Hanad: Kawaran caafimaadkaaga

Leylo: Waan ladanahay macaane, adigane?

Hanad: Aad baan u fiicanahay.

Leylo: Waa sidee maalintaadu?

Hanad: Maalinteydu aad beey u dhalaaleysaa oo uqurux badan tahay sida dhoola cadeyntaada farxada leh.

Leylo: Waaw, waa cajiib.

Hanad: waan kuu xiisay sow ma ogid, maxaa iskuulka u imaan weyday maanta?

Leylo: Haa, waxay ahayd inaan dhaqtar aado, ma imaan karin.

Hanad: Oh runtii? Sababta

Leylo: Oh, waxba. Kaliya qaar ka mid ah tallaalada sanadlaha ah, waa intaas oo kaliya.

Hanad: Oh.

Leylo: Xisaab nuucee ah ayaad qaadateen maanta?

Hanad: Kuma seegin wax sidaas u weyn, kaliya xisaab qoraal ah.

Leylo: Hagaag, waa beelo.

Hanad: Haa.

Leylo: haye, su'aal ayaan qabaa.

Hanad: Waayahay, iweydii.

Leylo: Imisaad i jeceshahay?

Hanad: Waad ogtahay inaan kaa jeclahay wax kasta oo adduunkan yaalo.

Leylo: Haa.

Hanad: maxaad ii weydiisay?

Leylo: * aamus *

Hanad: Ma waxbaa qaldan?

Leylo: Maya waxba ma qaldano. Um Intee in leeg ayaad iga taxadirtaa?

Hanad: Waxaan kaaga taxadiraa sida canug yar oo socod barad ah, waxaan ku siin lahaa aduunkaan oo idil iyo garaaca wadnaheyga, haddii aan awoodo.


Dhamaad


Qoraa: Deeq Daacad - Erayo Jaceyl-Team



La soco shukaansi kale oo qoraal ah


Haddii aad ka heshay, fadlan nala wadaag aragtidaada. Sababtoo ah waa inoo muhiim. Waxaan jecelnahay inaan tixgelino codsiyadaada iyo su,aalahaaga.


Sidoo kale halkaan waxaan kuugu diyaarinay: Qormooyin kale oo shukaansi ah misana aad u macaan. Haddii aad xiiseyneyso inaad akhristo halkaan ka akhriso.


1. Erayo macaan oo shukaansi ah weliba muuqaal leh

2. Sida aad ku ogaan karto ninka ku jecel

3. Keebaad guursan lahayd labadaan wiil