Baro Erayo Shukaansi Jaceyl oo holac ah


Shukaansi jaceyl oo holac ah, sida loo shukaansado gabdhaha, shukaansi barasho.
Shukaansi jaceyl

Baro Erayo Shukaansi jaceyl oo holac ah.


Inta aanan ka hadlin erayo jaceyl oo shukaansi ah, waa maxay shukaansi? Goormeese adeegsan karaaa erayo shukaansi jaceyl ah?


Jawaabta: Markaad qof jeclaato misana idin dhex maro shukaansi. Dabcan wey jiraan lamaane aanan isa shukaansanin hadana isguursaday sidaas ay tahayna isticmaalo erayo shukaansi jaceyl ah. Mararka qaarkood jaceylka dhabta ah wuxuu ka bilaawdaa guurka kadib halka dadka qaar ay is jeclaadaan shukaansiga kadib.


Markaad qof shukaansi la wadaageyso waxaa fiican in maalmaha horay aadan u qorin erayo shukaansi ah sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay ku dhahdo kaalay waan ku arkay waan ku caashaqay miyaa wadaa?


Of coures adiga kaama ahan inaad deg degeyso laakin waxaa kaa tan badiyay sida uu Ilaahey u dhaliyay, quruxda ay leeedahay, jirka macaan ku yaaalo. Marka waxaadba isleedahay amaa qoftaan lagaa dafo, ka gaarsii.


Waan dareemi karaa shukaansi qof kugu cusub sida aad u soo jiidan lahayd in aysan sahal ahayn balse hadii tilaabo tilaabo u socoto waxaad arki doontaa adigoo shabaqa kubada ku hubsaday; GOOOL:


Erayo Shukaansi Jaceyl oo holach


  • Kama fogid agagaarka wadnaheyga markastana waan ku dareemaa sida aan u dareemo garaaca wadnaheyga.

  • Ma lihi xusuus waayoo qalbigii xusuusta ayaaba ku maqan xagaaga.

  • Labo ayaan jeclahay, in mobeelkeyga SMS ku soo dhaco iyo in SMS kaasi uu ahaado mid adiga kaa socod.

  • Nasiib ayaan leeyahay maadaama qalbigeyga ku raacay. Waxaan xagaaga u soo diray safiir igu qaali ah waana wadnageyga waxa uu masuul ka yahay dhamaan nafteyda.

  • Waxaan tagay goob doog leh waxaan arkay balanbaalis xageyga u soo duuleysa markaas ayeey ku dagtay agteyda waxaan ogaaday in ay quruxsaneyd laakin waxaa ka sii quruxsanaan laheyd haddii aad ila daawan lahayd.