Sheeko Jaceyl ah oo xiiso badan

Sheeko Jaceyl ah oo xiiso badan

Sheeko Jaceyl oo Gaaban

Sheeko Jaceyl oo qosol badan

Sheeko Jaceyl oo dhameystiran





Sheeko Jaceyl ah oo xiiso badan


GABADHII SAAXIIBKEEDA TALADA SIISAY.


Nin Xaasle ahaa ayaa wada Sheekeysteen Gabar yar, Haasawihii wuxuu gaarsiiyey iney is jeclaadaan, markey arkeen iney kala maarmi karin, waxey la noqotay in ay ka Fekeraan iney is Guursadaan.


Ninku wuxuu qabaa Xaas u leh 5 carruur ah. Waa Gabar ka amar sareysa, oo aad u Ad-adag, Maseereyna ah, oo ay Adag tahay iney Aqbasho inuu Ninkeeda Naag kale Guursado. Waxba uma ahan in ay caruurtu u daadiso. Biyo uma Kabaneyso iney isaga daano gaarsiiyo.

Haddii ay Damacdana, Gabadhaasi KAW ayey kaga siin kartaa. Ninkan gabadhaan inuu Guursadana wuu jecel yahay, misana Dhibka Xaaskiisa kaga imaanaaya Caqabad weyn ayuu u arkaa.


Gabadhan uu jecel yahay, waa hore ayuu la socodsiiyey Culayska ka haya Xaaskiisa kale iyo Dhibka ka imaan kara haddii ay is Guursadaan. Xitaa wuxuu u sheegaa inuu iyada uu u Baqaayo oo ay xitaa Dili karto. Haddii uu kala Qariyo oo tana Maalintii qabo, Xaaskiisana Habeenkii qabo, wuxuu ka Baqayaa in inta ay mar un Ogaato, ay Balo ka raaci doonto.


Gabadhu Qudheedu wey aragtaa Caqabadda heysata, kamana maaranto Ninkaan oo Laabteeda ayuu Boos weyn ku yeeshay. Labadaba, Feker iyo Talo rogrog bey maalin walba isugu yimaadaan iyo sidii ay arrintooda ku wadan karaan.


Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Gabadhii waxey keentay Talo Cajiib ah oo uu Ninkii la dhacay. Waxey tiri, “Xabiibi, waxaad raadisaa meelaha ay u badan yihiin Wadaadda Xaasaska badan leh. Xitaa waxaad raadisaa meelaha ah ay Madaarista ku leeyihiin. Kolka aad hesho, waxaad sameysaa, Xaaska halkaas u Rar. Waxa aad ku dartaa iyada iyo Caruurtaba Madaaristaas. Marka ay Lix Bil joogto oo ay Fahanto, markaas aanu is guursanno.


In kasta oo ay Kici doonto, laakiin Min yarooyinka iyo Min weynooyinka Culimada ayaa Dejin doona, Diintana wax ka Fahansiin doona, xaalkuna waa iska degayaa, anaguna Jacaylkaan ayaan ka Lib keeneynaa”. Ninkii arrintani waa la Fiicnaatay. Waa soo dhaweeyey, waana qaatay taladaas.


Ninkii wuxuu raadiyey meelaha ay Wadaaddadu u badan yihiin, kolkaas buu muddo ka dib wuxuu soo helay Madrasada Salafiyada. Waa Madraso ay wax ku bartaan Caruurta iyo Haweenka Culimada Salafiyada iyo Dadka taabacsan. Ka dib Ninkii Xaaskiisii buu inta u tagay, ka Dhaadhiciyey iney halkaas Degto, oo ay iyada iyo carruurtuba diinta ka bartaan. Wuu soo tusay, waana ka yeeshay. Kolkaas buu Ninkii halkaas Boos ka iibsaday, oo dejiyey Reerkii.


Xaaskii iyo Caruuriiba horay bey ka galeen Madrasadii. Xaaskii oo aan Awal ku fiicnayn Qur’aanka ayaa ka heshay Barashada Diinta, aadna ugu Riyaaqday. Waxa kale oo ay heshay Dumar Culimo oo ay Saaxiibo ka dhigatay. Ninkii, wuxuu arkaa Xaaskiisii oo Xijaab weyn iyo Indha Shareer xiratay iyo iyadii oo u Toosineysa Salaadda Subax, kuna Khasbeysa in uu Masajidka ku Tukado.


Markii muddo la joogay, ayuu Gabadhii Guursaday, oo uu la aqal galay. Marrkii ay Maqashay ayey is martay. Dumarku, kolka ay wax ku soo Ziyaadaan Saaxiibadood bey la aadaane, waxey arrintii u sheegtay Dumarkii Xerta ahaa ee ay Baratay, kolkaas bay inta ku qosleen, la yaabeen, waxeyna ku yiraahdeen, “Ukhti, ma Naagtii Labaad baad sidaas uga amaseeraysaa, Anigu waxaan ahay Xaaskii Labaad, tani waa Xaaskii Saddexaad, taasnina waa Xaaskii Afaraad”.


Markaas bay haddana dhanka Diinta wax ka tuseen. Sidii ay wax u Tusaaleynayeen, Xaaskii wey degtay. Markaas bey maalin inta Ninkii wacday, ku tiri, “Xaaji Hambalyo, Xaaska Cusub Allaha inoo Barakeeyo” Minyaradii inta is Barteen ayey si Wanaagsan ula Hadashay.


Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.