Sheeko Jaceyl ah oo macaan



Sheeko Gaaban

Sheeko Jaceyl ah oo macaan waa qormo gaaban oo aynu ugu talo ganay akhristayaasheenna. Waa sheeko gaaban misana macaan.


Waxaa sidoo kale akhristayaasheena ku xiran Erayojaceyl.com ugu talo galnay erayo jaceyl oo soo jiidasho leh .


Erayo Jaceyl Oo Qalbiga Taabanayo

Xikmad Soo Jiidasho Leh

Erayo Jaceyl 2020

Nolosha Guurka

Heeso Qoraal Ah Oo Jaceyl Ah

Erayo Macaan Soo Jiidasho leh

Erayo Jaceyl Qiiro Leh

Jaceyl daacad ah - Wuxuu leeyahay astamahaan soo socdo

Geeraar Jaceyl Top 10




Sheeko Jaceyl ah oo macaan

FARXADEEDU WAA FARXADEYDA.


Fariimihii u dambeeyey ee aan Akhriyey, waxey ahaayeen Fariimaheeda, aad ayaana ugu farxay Akhrinta Fariimahaas, ma aanan rabin in ay daqiiqad iga go'do Fariin iiga timid Dhankeeda, waayo Fariimaheedu waxey ahaayeen kuwo ay ku Qanacsan tahay Nafteyda.


Waa Xilli dambe saacadduna waa 12-kii, balse wakhtigaba ma ogi oo weli waxey ii tahay Fiid, waayo waxey Niyadeydu jirtaa Xaggeeda.


Codkeeda Macaan ee Xambaarsan Xabeebta, Qosolka lagu Diirsanaayo iyo Fur-furnaanta ay Fariimaha iigu soo direyso ayaa ah kuwo aan mudneyn in laga Caajiso, Farxadda aan dareemaayo waxaa ii dheer Kalsoonida aan ku qabo la Hadalkeeda, Dhegaysiga aan Codkeeda Dhegaysanaayo waxaa ii dheer, Dhuuxidda aan Dhuuxaayo Ereyda ka soo baxaaya dibnaheeda.


Iyadu Waa Middeyda, oo waa Gacaladeyda oo

Aniga uun bey Dhab ii jeceshahay, oo Waxba igama qariso, Wax walbana wey ii sheegtaa, oo waxeynu nahay Laba is jecel oo isku Sir ah.


Farxaddeeda ayaan jecelahay, waayo Dhoolla-caddeynta Muuq Quruxoon ayey ku leedahay, Farxadeeduna waa Farxadeyda.


Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.