Guurka: keebaad guursan lahayd labadaan wiil?

Guurka wuu qurux badan yahay markaad heystato qof kuu qalmo. Noloshu waa raaxo markaad heysatid qof aad kula raaxeysato.


Guur waa nolol, noloshuna waa guur. Haddii aad guursaneysid waxaa fiican inaad guursato qof ku jecel.

Guurka: keebaad guursan lahayd labadaan wiil

Guurka: inta aanan uguda galin mowduuceena ku saabsan guurka ee ah keebaad guursan lahayd labadaan wiil? Aan isla fahannno waa maxay guur?


Guur waa hanasho gabar ay reero dhaleen inaad ku hantido sifo sharci ah oo waafaqsan shareecada islaamka.



Waa maxay hadafka guurka?

  • Guurka ujeedada laga leeyahay waa dhawrsani iyo in qofka muslimka ahi helo waddo wanaagsan oo uu kaga dhawrsado macaasida iyo wax yaalaha Ilaahay ka xarrimey.

  • Waxaa kale oo ka mid ah hadafka guurka in la helo ubad wanaagsan oo aad ku indho qabowsato iyo aduunka inaad kaga tagto farac wanaagsan oo ilaahay caabuda.


Waxaan horay uga soo hadalnay Erayo Jaceyl oo la isticmaalo guurka ka hor ama aan iraahdo sida loo qoro Shukaansi qoraal ah hadii aadan aqoonin halkaan hoos ka baro..


  1. Sidee loo qoraaa Erayo Jaceyl ah oo soo jiidasho leh?

  2. Sida loo qoro Fariimo Jaceyl

  3. Jaceyl nuucee ah ayaaa ku hayo?

  4. Geeraar Caashaq oo lamaanahaaga uga qoslisiin karto

  5. Sidee ninkaaga ku kasban kartaaa?

  6. Fariimo Jaceyl dad kala fog

KEEBAAD GUURSAN LAHEYD LABADAAN WIIL?

Raaxada guurka, Wiilka dooqaaga ah, ninka aad guursan lahayd


Guurka

  • Waa nasiib, Furiinkuse waa go,aan, Murugtu waa nasiib, Farxaduse waa go‘aan

  • In Noloshadu qof ku jiraa waa nasiib, In aad ilaashataa ama ka tagtaana

  • Waa go‘aan, Dhamaanteen nasiib Ma lihin laakin waxaan leenahay go‘aan.



1. Axmed Taajir


Waa Wiil Taajir ah oo Lacag leh, waxa uu ka dhashay reer hodan, gaari wuxu ku socdaaa BMW ah, Wuxuu dagan yahay guri qasri ah laakin waa wiil xanaaq badan oo jecel xaaskiisa.

Waxa uu jecelyahay in aad asiga ka Amar qaadato wax walbaa oo ay saemyneyso, guriga kama bixi kartid ilaa uu isaga ku fasaxo.