Raali galinta dadka: Baro sida loo saxo qaladka


Markuu qalad kaa dhaco waxaad u baahantahay raali galin, in lagu raali geliyo. Sidaas si lamid ah ayuu qofka kalena kaaga baahanyahay inaad ka raali galiso.


Haddii aan nahay biniaadam waxaan sameyneynaa qaladaad fara badan, balse taasi macnaheedu ma ahan ineynu nahay dad xun. Markaan qalad galno waxaan u baahanahay inaan barano sida loo saxo qaladka.

Raali galinta dadka

Qofka qalbiga wanaagsan waa kan ka damqado qaladaadkiisa iyo waxa uu sameeyay. Haddii qalad ogaal u gasho misana aadan ka damqaneynin qalbigaadu nadiif ma ahan. Sidaa darteed waa muhiim inaad qalbi wanaagsan oo nadiif ah la timaado.



Raali galinta dadka: Baro sida loo saxo qaladka


Qalad qalad laguma saxo, ee baro maanta raali galinta dadka. Waxyaabaha janada lagu galo waxaa kamid ah in qofku uu leeyahay qalbi nadiif ah, si kastaa oo aad salaad u dukato, hadaad qalbi xun leedahay salaadaadu macno dheeri ah ma sameyneyso, maxaa yeelay Ilaahey wuxuu ogyahay waxa qalbigaada ka buuxo.


Ma jiro aduunka qof aanan qalad geleynin sidaa darteed waa lama huraan inaad barato raali galinta dadka aad qaladka ka gashay. Ma jiro wax ka farxad badan markii qalad lagaa galo misana lagaa raali galiyo. Sidaa darteed Ku raali gali 3 eray oo fudud dhihidood.

Waxaan arkay dad inteey ku dardaraan hadane aanan ku dhaheynin raali noqo, haba ugu badnaadaan dadkeena Soomaaliyeed. Qaarkood inteey kugu istaagaan ayeey hadana inteey ku eegaan iska baxayaan. Ma wuxuu awoodi waayo inuu kaa raali galiyo? Jawaabta maaya ee waxaanan la barin raali galinta dadka.


Raali galinta dadka waa wax la barto laguna soo barbaariyo ubadka. Waxaa laga yaabaa inaad qof xamato balse qofkii markii aad aragto aadan ku dhihin, walaal maanta waan ku xantay ee iga raali noqo. Wey fiicantahay inaad u sheego sababta aad u xamatay laakin daruuri ma ahan, waxaa ku filan oo kaliya waan ku xantay walaal ee iga raali noqo.


Waxaa jirto raali gelin dhowr nuuc ah sida markaad qof qalad ka gasho iyo markaad rabto inaad dadka oo dhan raali galiso, calashaan ficil walbaa oo aad sameyneyso inuu dadka farxad gelinayo taasi ma ahan mid suurto gal ah.Dadka qaar waxay isku dayaan raali galinta dadka xittaa hadduusan wax qaldin.


Tusaale wuxuu sameynaa wax, waxaasi wuxuu jecelyahay inay noqdaan wax dadka raali galiyo, qofna qalad buu galay hadana qaladkiisa ma saxayo.

Marka dadka sida ay rabaan looma raali galin karo laakin qaladka qofka aad ka gasho raali gelinteeda waa wax fudud. Waxaa jiro sheeko uu qoray Abwaanka weyn C/ Qaadir Nuur xuseen Maax ee ku saabsan raali galinta dadka. Waxay ku bilaabaneysaa sida tan.


Beri baa waxaa dameer wada raacay wiil iyo aabihii, waxayna ka safreen Magaalo, waxayna u socdeen magaalo kale, markii ay magaaladii ka baxeen ayuu odaygii wuxuu dameerkii saaray wiilkii isaguna wuu hogaaminayey.


Markii ay cabbaar socdeen ayey waxay soo mareen dad meel tuban. Dadkiibaa yaab muujiyey. Waxayna yiraahdeen waa aakhiro sabaan, 'Odaygii waayeelka ahaa baa lugaynaya, wiilkii yaraana Dameer buu saran yahay' Bal muu odaygu fuulo oo wiilku hogaamiyo!!


Odaygii wuxuu maqlay hadalkii dadka, markay dhaafeen ayuu wiilkii ka dejiyey Dameerkii, oo isagii baa fuulay, markay hal cabbaar ah socdeen ayaa waxay soo mareen dadk kale oo meel tagtaagay dadkiibaa misana amakaag muujiyey oo waxay yiraahdeen Odaygaan cimrigiisa soo qaatay dameer buu saaran yahay. Wiilkii yaraana wuu lugaysiinayaa, bal may labadooduba wada fuulaan hadduusan wiilkaba saareyn.

Odaygii hadana hadalkii buu maqlay, markay xoogaa socdeen ayuu wiilkii ku yiri; 'ila soo fuul dameerka oo iso fangal, halkii ayey socodkoodii ka sii wateen Markay in cabbaar ah socdeen oo ay magaaladii u sii dhowyihiin, ayey waxay soo mareen misana dad kale oo rag iyo dumarba leh oo meel tuuran, intay qosol iyo yax-yax muujiyeen ayey yiraahdeen Miskiin Dameerka waxay ku fuushan yihiin laba qofood, so ma oga in xayawaanku cuquubo leeyahay, waxaa uga sidaan uga kheyr badnaan laheyd inay isagaba markiisa nasiyaan oo ay qaadaan!!

Odaygii hadana hadalkaas buu maqlay markay wax yar socdeen ayey intay labadoodiiba Dameerkii ka degeen oo afarta lugood ka xireen oo ul dhexda ka geliyeen ayey walwaaleen oo ay qaadeen iyagoo sidii u sida ayey soo gaareen Buundadii Magaalada laga galaayey, dadkii ayaa yar iyo weynba ka daba yaaceen, kuna oriyeen oo ku yiraahdeen war waamaxay labada doqon ee dameerka sida.

Buuqii sawaxankii iyo qayladii dadka ayuu dameerkii ka sasay markaasuu iska haraatiyey oo ka fakaday xarigii islamarkaana buunadii ka dhacay oo webigii bartanka u galay odaygii iyo wiilkiisii oo xarko maran sida ayaa mgaaladii galay, waxaana odaygii laga hayaa 'qofkii dadkoo dhan raalli geli isyiraa wax la'aan baa u dambaysa'


Hadaba taasi waa qeyb kamid ah isku dayga raali gelinta dadka balse aysan suurto gal ahayn. Tan xigta waxay tahay markaad qalad sameyso. Raali gelinta wanaagsan waa 3 qeybood,



1. Waan ka xumahay


Waan ka xumahay wixiii dhacay fadlan iga raali noqo, sida ay wax u dhaceen raali kama ahayn balse wey iga dhacday. Waxaan maanta kuugu imid inaad iska key cafiso, qalbigaadana aad saafi iigu dhigto. Maxaad umaleyn qof adiga kuu yimid misana sidaa kuu raali galinayo, waxaan umaleyn inaad iska cafin lahayd.


2. Qaladaadka anaa iska leh


Waxaad sameysay qalad ama waxaa lagaa galay qalad, si kastaba ha u dhacdee waxaa fiican hadduu midkiina qaladka qaadan waayo, inaad qaladka adigu isa saarto, isagana sabarto si halkaasi cafis uga soo baxo.


3. Sidee qaladka u saxnaa


Waxaad qalad ka gashay qof laakin qofkii raali galintaada wuu qaadan waayay, wuuna kaaa diiday, hadaba maxaa kula gudboon? Dabcan inaad isaga ka codsatid sidee qaladka u saxnaa? maxaan kuu sameeyaaa oo aad jeceshahay, Wax kastaa oo aad ku qanceysid waan kuu sameyn, Fadlan iga raali noqo. Waxaa laga yaabaa in qofkii uu ka soo dabco halkii hore, xal waarana aad ka gaartaana wixii dhacay.


Dhamaad


Haddii aad tahay qof naxariis oo qalbi wanaagsan waxaad arkeysaa dad ku qiyaamayo kuna dhibaateynayo, marka sii ahaaw qof naxariis badan, qalbi wanaagsan leh si kastaa oo xaalku yahay.


Hadduu jiro qof aad ka galay gashay ka raali gali maanta oo cafis weydiiso. Halkaan waxaan ku diyaarinay qormyoonin kale oo xiiso badan Riix: Sida loo dhiso kalsoonida