Baro Qaabka loo soo jiito raga


Qaabka loo soo jiito raga waa wax fudud haddii aad taqaano erayadaan. Sidee loo soo jiitaa raga maanta jiro? Jawaabta wey fududahahy.

Baro Qaabka loo soo jiito raga iyo kasbashada qalbiga ninka, sidee ugu raaxeya ninkeyga, raaxada ninkaaga
Baro Qaabka loo soo jiito raga

Waa maxay qaabka loo soo jiito raga? Sidee ku soo jiidan karaa ninkeyga?

Waa maxay erayada ay raga jecelyihiin? Jawaabta: Weey fududahahay.



Baro Qaabka loo soo jiito raga


Qaabka lo soo jiito raga ma ahan wax adag ee keliya waxaad u baahan tahay in aad raacdo tilmaamahaan soo socdo...


Gabdhaha inta badan kasbashada ninka weey ku adag tahay halka kuwo qaar ay yihiin khabiir ku takhasusay nimankooda.

Weey sahlan tahay in aad barato ninkaaga waxa uu jecelyahay iyo waxa uu necebyahay keliya waxaad u baahan tahay in aad barato oo xiiseyso.


Maxay dhahaan dumarka qaarkood?

  • Alla ninkeyga waan ka xishoonayaaa

  • Alla ninkeyga waxaas ma dhihi karo

  • Alla waxaasi waa ceeb iyo balaA balaaa.

Ogow ragga ma jeclo dumarka nuucaas ah, hadalkeyga meel ku qoro.


Waa kuwee ragga dumarka ay jecelyihin?

  • Xaliimo 5 Star ah oo isku kalsoon

  • Xaliimo guriga Atariisho ka ah

  • Xaliimo taqaaano waxa uu ninkeeda jecelyahay

  • Xaliimo romantic ah

  • Xaliimo la socoto sanadka la maraayo 2020

Aan su,aal ku weydiiyo ma jeclaan lahayd nin aanan aqoonin waxa aad jeceshahay?

  • Jawaabta macquulka ah waa: MAYA.

Sidee ku baran karaa ninkeyga waxa uu jecelyahay?

  • Haka xishoon ninkaaga hana ka cabsan.

  • Weeydii waxa uu jecelyahay si, sarbeeb ah adigoo la sugayo waqti ku haboon.

  • U qor qoraalo jaceyl ah marka uu guriga ka maqan yahay.

  • Haka baqan in aad sariirta ku balansato.

  • Weydii dharka uu jecelyahay in aad xirato adigoo sms jaceyl ah u qorayo sida..


Erayada raga ay jecelyihiin

  1. Waa maxay waxa ugu dareenka badan ee aan kuu sameyn karo goorta aan ku arko?

  2. Qiyaas waxa aan hada ka fikirooyo?

  3. Goorta aad daafaha wareegeyso, jirkeyga oo idil wuu yaqaanaa.


Erayadaas iyo erayo kale oo lamid ah, haddii aad rabto in aad sii barato erayada dareenka leh ee ay ragga jecelyihinn halkaan ka baro oo riix: Erayada ragga ay jecelyihiin.

Maxaan kor kusoo xusnay, haddii aad xusuusato?

  • Jawaabta: Qaabka loo soo jiito raga


Maxaan dhahnay?

  • Qaabka lo soo jiito raga ma ahan wax adag ee keliya waxaad u baahan tahay in aad raacdo tilmaamahaan soo socdo..


Ilaahey SWT wuxuu labada qofood ee isqaba ka yeelay xiriir joogto ah oo ay tahay lagama maarmaan.


Sow kama fikirtid ninkaaga?

  • Jawaabta macquulka ah: Haaa!


Ogow ninkaagana sidaas ayuu kaaga fikiraaa.

Ilaahey muxuu kale oo ka yeelay labada qofood ee isqaba?

  • Mid walbaa inuu ka fikiro sidii uu u soo jiidan lahaa kan kale, kana taxadiro qalbiga qofka kale.

Ninkaaga waad ka taxadirtaa sow maahan?

  • Jawaabta macquulka ah: Haa dabcan waana sababta ikeentay halkaan: Erayo Jaceyl.


Raaxada Nolosha Guurka: Labada qofood markii ay isguursadaan ma ahan sida filim hindi af somali ah oo la daawaday oo kale..


Sababtu maxay tahay?


Filim hindi af somali ah waxa uu leeyahay dhamaad waana ogtahay in uu dhamaan doono laakin markaad adiga iyo ninkaaga isguursaneyseen u jeedku ma ahayn in uu dhamaado sida filimkaas oo kale. Oo qof walbaa wuxuu jecelyahay in inta cimrigiisa ka dhiman inuuu la qaato qofkaas sida inay isku noqdaan Awoowe iyo Ayeeyo ama Abkow iyo Abooto, Qeys iyo Leyla, Cilmi iyo Hodan, Cantar iyo Ceebla.


Maxay noqon kartaa Soo jiidashada qof aad jeceshahay?


  • In aad is caawisaan oo qofba qofka kale dhibtiisa la wadaago.

  • In aad isdhahdaan mar walbaa erayo macaan, weliba erayo jaceyl ah.

  • In aad mar walbaa is marxabeysaan oo aad is dhunkataan ama aad aad shidataan shumaca jaceylka.

  • In aad isu hadiyadeysaaan sida hadiyado romantic ah.

Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka ayaa waxaa la weydiiyay: Maxaad jeclaan lahayd in ninkaaaga uu kuu sameeyo hadda?


Waxa ay ku jawaabtay: In ninkeyga markale ishukaansado oo iguursado, taasoo ay ula jeeday in aysan jirin wax ka qurux badan markii ay is shukaansanayeen oo ay isguursanayeen.


Taasi waxaad ka garan kartaa in noloshu aysan ahayn waan ku arkay, waan ku caashaay, waana ku guursanayaa.


Ogow guurku waa nolol, noloshuna waa farxad, farxaduna waa jaceyl, haduusan jaceyl jirin nolol ma jirto.


Lamaane fara badan ayaa waxa ay ku noolyihiin nolol aanan farxad laheyn, ixtiraam aanan jirin iskaba daa jaceyl warkii.

Waxaa laga yaabaa in ay jeclaan laheyd in ninkeeda ay la qaadato waqti qurux badan sida in ay Tv isla daawaadaan, banaanka isla aadaan, isla soo casheeyaan, habeen qurux badan isla soo qaataan.


Raga qaarkood maxay sameynayaan markaasi?

  • Waxa uu dhageysanayaa wararka Somalia: BBC Somali „Dhiiwn dhiiwn dhiiwn” Halka aad nagala socotaan waa BBC Somali, muujadaha gaagaaban iyo kuwa dhaadheer, magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso, Hargeysa, kismaayo iyo Garowe.


BBC Somali markeey soo galeyso maxaad maqashaaa?


Jawaabta macquulka ah: Dagaal ka qarxay Caasimada Somalia. 20 qofood oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Muqdisho. Dowladda Somalia oo ka codsatay beesha caalamka. Jamhuurida iskeed isugu dhawaaqday ee Somaliland oo amaro soo saartay iyo balaa balaaaaaa.


BBC Somali ma arkeysid iyadoo ka sheekeyneyso, Nolosha Qoyska iyo Raaxada Guurka, horumarka dadka wada dashay ee Soomaaliyeed keliya balaayo iyo kala fogeyn.


Nasiib wanaag dadka Soomaaliyeed waa dad isjecel xitaa haddii ay kala aragti duwan yihiin, ma nihin dad la isku diri karo, mana nihin dad is neceb. Waxaan dhaqan u leenahay in aan caawino qof walbaa oo magac Soomaaliyeed sito.


In aan kala aragti duwanaano waa wax caadi ah, laakin waxaan ognahay in aynu nahay dad Soomaaliyeed oo somali ah.


Shacabku weey ka soo gudbeen dhageysiga BBC Somali waxa ayna hamigoodu yahay dal qurux badan, dad wadajir ah, dal horumarsan iyo nolol jaceyl ku dhisan.


Dhalinta maanta

  • Waxaad arkeysaa dhalinta intooda badan in ay dalkoodu ka soo gudbiyaan sawiro qurux badan, Muuqaalo cajiib ah una gudbiyaan aduunka in Soomaaliyadii hore aysan ahayn maanta oo ay tahay dal horumar tiigsanaayo.


Hal ku dhiga shacabka maanta: Ma nihin Qaraxland. Dal baahi ah oo dadkoodu gaajo u dhiamanaayaan mana nihin dalka aduunka ugu liito ee waxaa nahay dad Soomaaliyeed iyo dal la yaqaano "Somalia Rising".





Aan ku soo laabano qormadeeena ku saabsan qaabka loo soo jiito raga


Xaliimo: BBC Somali maba xiiseyso ee waxa ay rabtaa nin romantic ah oo laabta ku heynayo misana Filim gurux badan la daawanayo. Waxaa laga yaabaa in ay qalbiga iska tiraahdo, ninkaan BBC Somali iyo Warar ayuu ku waashay warba uma haayo in aan taas xiiseyn.


Maxay rabtaa Xaliimo?


❤Dabcan nin dhahaayo " Qaali na keen aan caawa waqti isla soo qaadano" Aan soo damaashaadno anaga iyo caruurta. Halkee dooribideysaa caawa in aan ku soo casheyno?

Beerta Jaceylka ee Xaafada Daarusalaam, Daruusalaam Muqdisho - Erayo Jaceyl
Beerta Jaceylka ee Xaafada Daarusalaam

Ubax jaceyl, sawiro jaceyl, ubax jacayl, sawiro qurxoon
Maxay jecelyihiin ragga romantiga ah?

  • Xaas u qorto erayo Jaceyl ah sida " Waa maxay waxa ugu dareenka badan ee aan kuu sameyn karo goorta aan ku arko"?

  • Xaas u dhoola cadeyso mar walbaaa.

  • Xaas weydiiso caawintiisa hadii ay u baahan tahay.

  • Xaas kala sheekeysato waxyaabaha hobbigisiisa ah ee uu xiiseeyo.

  • Xaas fiiriso indhahiisa si dareen leh.

  • Xaas umahadceliso mar walbaa.

  • Xaas markuu imaanayo albaabka u taagan oo si qurux badan u soo dhaweyso.

  • Xaas u xirato dharka qafiifka ah ee jirkeeda ka muuqanayo.

  • Xaas isu carfiso weliba isticmaasho Barfuunka uu ugu jecelyahay udugiisa.

  • Xaaas caruurta ku tarbiyeeyso soo dhaweynta Aabahood.


Maxaa lagu yaqaanaa dumarka romantiga ah?


Jawaabta: Waa kuwo mar walbaa u sameeyo nimankooda waxyaabo lama filaaan ah. Sida in ay ulabistsaan aroosad oo kale. Marka ha umaleeyo inaad aroos u socoto, haduu ku weydiiyana hab sii oo laabta geli kadibna ku dheh erayadaan.

  • Waxaan ku lumay Indhahaaga, waxaan dareemayaa Nabad taabashadaada. (Marka u sharax sida ay u dhaqaaqdo midkastoo dareenkaaga ah.)


Maxaa kale oo lagu yaqaanaa gabadha romantiga ah?


  • Gurigeedda waxa ay ka dhigaan nadiif, waxa ay ku sharaxdaa ubaxyo jaceyl ah, leerarka casaanka ah.

  • Qolka jiifka waxa ay ka dhigtaa mid ka caraf badan ka fadhiga

  • Ninkeeda hortiis ma seexdaan marka laga reebo in ay daruufo kale ay jiraan sida in ay balamo leedaahy iyo wixii lamid ah.

  • Waxa ay soo dhaweysaa reerkiisa sida asxaabtiisa oo uu jecelyahay.

  • Waxa ay mar walbaa ku dadaaashaa karinta cuntada uu aadka u jecelyahay.

  • Waxa ay taqaanaa markuu sariirta rabo iyo marka kale.

  • Waxa ay muujiyo dareenkeeda sida in ay xiiseysto raaxadiisa.

  • Waxa ay la wadaagtaa ciyaarta sariirta oo waxay qeyb weyn ka noqotaaa jilitaanka filimka jugta ah ee habeenkaasi dhex marayo iyada iyo ninkeeda.

  • Waxa ay muujiyaan in ay u xiistay markuu safar ka soo laabto ama shaqo ka yimaado.

  • Markuu murugeysan yahay waxa ay la qeybsataa murugtiisa waana mid dhiiro geliso.


Xusuusnow hadalkaan: Raggu waxa ay aad u jecelyihin dumarka dhiiro geliyo, hadduu wax ku haminayo iyo hadii kale.




Ma taqaanaa Raaxada raga ay jecelyihiin iyo Meelaha ay raga ka kacsadaan?


Su,aashani waa mid kamid ah su,aalaha ugu muhiimsan ee ay waajib tahay inaad barato.

Haddii aadan aqoonin halkaan ka baro oo riix Raaxada ragga ay jecelyihin.


Dhamaad


Waxaan ku kalsoonnahay inaad wax badan ka faaiiday waxyaabaha raga lagu soo jiito oo aad ku xirnaan doonto erayojaceyl.com.


Maxaan horay uga balan qaadnay akhristayaasheena ku xiran Erayo Jaceyl? Jawaabta: Wax walbaa oo ay noloshu u baahan tahay. Halkaan waxaan ku diyaarinay erayo kale riix oo kaliya: Erayada raga lagu dhaho subax wanaagsan