Maahmaahyo Naagaha ku saabsan oo cajiib ah




Beer oo dhan tacbasho kuma wanaagsano, dadka oo dhanna jaceyl uma wada qalmaan.

Maahmaahyo naagaha ku saabsan: Maxay jecelyihiin naagaha? Jawaabta: In loo maahmaaho weliba maahmaahyo qosol leh. Maxaa kale oo ay jecelyihiin? Dabcan maahmaahyo jacayl ah.


Sabab? Sababtoo ah dumarka ninka maahmahyada badan aad ayeey uga helaan. Sidoo kale ninka had iyo jeer ka qoslisiiyo.


Dumarka sidoo kale waxa ay jecelyihiin nin madadaaliyo oo had iyo jeer koolkooliyo, Madaxa u salsalaaxo, filin macaan ah oo jaceyl ah ugu tuuro, laabta geliyo. Haddii aad sidaas u sameyso weligaa kuma iloobeyso. Waxaad noqoneysaa qofka ugu horeeyo ee ay subaxdii ka fikirto markeey hurdada ka soo kacdo iyo midka u danbeeyo qalbigeeda ku haro markeey hurdada aadeyso.



Daraasaad la sameyay ayaa waxaa lagu ogaaday in naagaha ninka riyadoodu ah in uu leeyahay astaamahaan soo socdo. Ninku waa in uu yahay:


  • Nin Shactaraalow ah

  • Nin isku kalsoon

  • Nin hal abuur leh

  • Nin jirkiisu macaan yahay.


Dumar fara badan oo la weydiiyay ninka dooqeeda ah ama ay ku hamineyso in ay hesho mustaqbalka, mid walbaa waxa ay kaalinta koobaad gashatay ama ay ku jawaabtay:

  • Waxaan rabaa nin iga qoslisiiyo

  • Waxaan rabaa Nin isku kalsoon


Goormee gabar ka qoslisiin kartaaa?

  • Jawaabta: Markaad isku kalsoonaato oo aadan hadalka ka baqan.


Maxaa kamid ah kalsooni darada?

  • Jawaabta: in aad ka baqato hadal qalbigaaga ku jiro oo aad rabtay in aad dhahdo qof kale.


Tusaale: Gabar ayaa waxaa tiri, waxaan rabaa in aan wax kuu sheego.


Gabadhii maxay kuugu jawaabeysaa?


Ii sheeg, soo daa, wixii cusub caalamkaa jecel, haye soo daa nooh.


Ka waran haddii aad tiraahdo, hadda kuuma sheegi karo, markale inooga dhig.


Jaa gabadhiii waxa ay dareentay in aad tahay nin aanan isku kalsooneyn oo ka baqanayo waxa qalbigiisa ku jiro.


Jaanis kale ayeey ku siiyay, isla sidii ayaa sameeyay, beri ayaan kuu sheegayaa.


Maxay ku leedahay?

  • Saaxib nagu kala wada. Jaaaw!


Tusaale kale: Gabdhaha ma jeclo ninka calaacalka badan laakin ragga qaarkood waxa ay badsadeen filin hindi af somali ah.


Muxuu leeyahay Maantoo dhan?

  • Abaayo macaanto waan ku baryaaa, Fadaln ifahan, maanta keliya, qalad danbe ma sameeynayo iyo hadalo lamid ah.


Qofka in aad raali geliso waa wax qurux badan laakin abaayo, abaayo, abaayo macaan maantoo dhan waa too much.


Kaaga daran maaantoo dhan wuxuu u qorayaaa Erayo jaceyl ah, waa la fiirinaayaa qoraalkiisa mana loo soo jawaabayo, kadibna waxaa lala hadlayaa Hanad isku kalsoon oo isticmaalayo erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh weliba kalsooni ku dheehan tahay.



Aan ku soo laabano qormadeena maanta Maahmaahyo Dumar.


Dumarka oo keliya ma jeclo in loo maahmaaho ee xitaa ragga aad beey uga helaan dumarka maahmaaho.


Halkani waxaan kuugu diyaarinay Maahmaahyo ragga ku saabsan



Inkastoo aan halkaan u soo koobi karin maahmaahyo ku saabsan dumarka balse waxaan ku soo koobeynaaa intaan. Waxaa inoogu xigi doono maahmaahyo ku saabsan..


  1. Maahmaahyo qosol leh: Sida aad uga qoslisiin lahayd naag walbaa

  2. Maahmaahyo jacayl: Maahmaahyo aad u isticmaali karto xiliga shukaansiga

  3. Maahmaahyo waxbarasho: Goorta aad wax baraneysid maahmaahyo ku dhiiro gelineyso

  4. Maahmaahyo reer Xamar: Markaad maqasho Maahmaahyo reer Xamar ah waxaa qalbigaaga ku soo dhacayo: Kuunto wixiis loo kuusay, kastuumo loo geliyay, karaaamo lee maahinoo:D

  5. Maahmaahyo English ah: Lacala hadaad barato xabadoo british ah, hakaa yaabto.



Sidoo kale hadii aad jeceshahay in aan nala wadaagto maahmaahyada aad ugu jeceshahay fadlan halkaa hoos comment inoogu reeb.



Maahmaahyo Naagaha ku saabsan oo cajiib ah..


  1. Naagi waa balaayo loo baahan yahay.

  2. Naagtaada oo kaa warrantay waa maradaada oo kaa warrantay.

  3. Naagi waa carruur cag weyn.

  4. Naagi yaraan guur kuma leh, ragna yaraan ficil kuma leh.

  5. Naagta gaarida ah gurigeeda ayaa laga gartaa.

  6. Naagi nimaanay rabin laguma karo, nin ay rabtana lagama karo.

  7. Naagta ninkeeda diiddaa, nin kale ayey hoosta ka wadataa.

  8. Naago rag waa u wada ciidan, geelna waa u wada caano.

  9. Dumar iyo carruur layskuma ciyaar baro.

  10. Naago ninkii xariir u gogla xanan bay u goglaan.

  11. Naag Kun bay koolisaa, kowna way ka kala baxdaaa.

  12. Naagi indho ay kugu heyso ayey leedahay laakin kas ay kugu heyso malahan.

  13. Naagi ninkii qaawiyaa kama quusato.

  14. Naagi ninkeey jeceshahay ayey nacasyohow ku tiraahdaa.

  15. Naag been baa lagu xero gelshaa runna waa lagu dhaqaa.