Sidaan ayaad ku dhisi kartaa kalsoonida naftaada

Qaabka dhisida kalsoonida nafta, sida aad u dhisi karto kalsoonida naftaada, raac tilmaamahaan si aad u noqoto qof isku kalsoon, dadkana ay ixtiraamaan.

Kalsoonida naftaada

Maanta waxaan rabnaa inaan kula wadaagno sida aad u dhisi karto kalsoonida naftaada. Haddii aad raacdo tilmaamahani waxaan hubaa maanta wixii ka dambeeyo inaad ku kalsoonaan doonto naftaada.



Sidaan ayaad ku dhisi kartaa kalsoonida naftaada

Ma is ogtahay qofka aad tahay? Ma isweydiisay weligaa yaan ahay, markaad aragto qof hoos kuu dhigayo. Waxaan maqli jiray qof hebel wuu isla qab weyn yahay. Anigoo qof nuucaas a miyuu sidaan ii liidi karaa? Anigoo Somali ah miyuu afrikaan kale iga sareyn karaa? Hadaladaasi waxaa isticmaali jiray dadkii hore.


Hadda iska daa qabweyni, dalkeena Somalia waxaa waardiyeeyo Afrikaankii aan sidaas u yasi jirnay maanta inakala celinayo. Si kastaba ha noqotee qodobkeena maanta waxuu ku saleysan yahay dhisida kalsoonida naftaada. Markaan nafteena dhisno ayaa dalkeena iyo dadkeenana dhisi karnaa? Waxaan umaleyn inaad taas igu raacday.


Kalsoonnida naftaada


Markaad rabto inaad dhisto kalsoonida naftaada waxa ugu horeeyo waa aaminida naftaada. Shuruudani waa shuruudaha ugu horeeyo uguna muhiimsan, markaad rabto dhisida kalsoonida naftaada. Bilaa shuruudani wax kuu hagaagayo ma jiraan, taasi hadda ayaanba horay kaaga sheegi karaa.


Ugu horeyn markaad si qalbiyan ah 100% aad u aqbasho inaa tahay qofka kaliya ee naftiisa masuul ka ah, kadib ayaad naftaada wax u qorsheyn kartaa, qaasatan waxa aad ku hamineyso.

  • Waa maxay sababta ugu badan oo ay dadku ugu nooleen riyooyinkooda?

  • Sabab aysan u heysan nolosha farxada leh, shaqooyinka riyadooda ah?

  • Waa maxay sababta dadka intooda badan aysan naftooda ugu kalsooneyn?

Jawaabtu wey iska fududahahay:


Dadku weli ma aysan damaanad qaadin naftooda, mana ka noqon masuul. Waxay aaminsanyihin in qaladka ay leeyihiin dad kale sida waalidiintooda, saaxibadooda iyo inaysan helin fursado ay taas ku gaaraan.


Sidaa darteed xusuunow:


Adiga oo Adiga oo kaliya ayaa naftaada masuuliyadeeda leh! Qof kalena kulama qaadeyso. Haddii aad naftaada wax la rabto, adiga ayaa ah qofka gaarsiin karo, masuuliyadeedana leh. Ma jiro qof kale oo naftaada waxay ku hamineyso u sameynayo. Mana jiri doono qof kale oo u sameyn doono, Adiga oo kaliya.



Waxaad rabtaa inaad dhiso kalsoonida naftaada?


Hagaag. Hadaba maanta ku dhaqaaq! Wixii tagay iska ilow oo hadda dhis kalsoonida naftaada. Si aad u gaarto guulaha iyo riyooyinka naftaada.


Ka bax aagga raaxada naftaada - Maalin walbaa


Waa maxay macnahaasi? Markaad meel kuu qoyan tahay oo aad istiraahdo. Hadaad halkaan lugta kala baxda xagana aad ku khasaarto ka waran? Haddii ay cabsi nuucaas kugu jirto horumar iska ilow. Nolosha raaxada leh waa 50 50. Guul ama guuldaro.


Markii aan rabay dhisida kalsoonida nafteyda si xoog leh, waxaan bartay waxyaabo badan oo ii cadeynayo inaan nafteyda gaarsiin karo haba ugu badnaadaan guulo badan oo aan ku haminayay. Maxay yihiin waxaasi oo aan bartay? Jawaabta:


Ficil la,aan, natiijooyin malahan, Saami la,aan ma sameyneysid wax guul ah.


Dhisida kalsooni Xoog leh: waxaad u baahan tahay marka hore inaad lid ku noqoto cabsida ah. Sidaan ameey dhacdaa? Ka waran haddii cilad nuucaas ah timaado? Kawaran intaad sidaan bilaawdo hadana aad gaari weyso? Su,aalahaasi waa kuwa ugu badan ee dadka intooda badan aysan u gaari karin hamigooda. Goormee qaladkaaga baran kartaa? Jawaabta macuulka: Markaad ficil sameyso, laakin haddii aadan ficil sameyn waxba baran meysid.


Sidaa darteed Haddii aadan haysanin kalsoonida naftaada, waxaad lumin doontaa fursado badan oo aad guulo ku gaari karto. Sababtuna wax kale ma ahan waa baqdin darteed. Marka ma ahan inaad baqato.


Dhisida kalsoonida naftaada ma ahan dhaxal


Inaad dhisto kalsoonida nafta ma ahan wax aad dhaxal u heleyso mana ahan wax la dhaxlo ee waa dabeecad la barto. Dhisida kalsoonida naftaada adiga ayaa tababari karo waana wax fudud, haddii ay dhab kaa tahay inaad taas ku dhaqaaqdo. Waxaad la kulmeysaa caqabado kale duwan balse aakhirkii waxaad muudsaneysaa guusha hadafkaaga.


Waxa aad maraysaa inta aad nooshahay heerar kala duwan oo ku saabsan dhisida kalsoonida naftaada, taas oo ku xiran hawlaha kala duwan ee aad qabato. Kalsoonidu maaha wax joogto ah, marna wey xumaataa marna wey fiicnaataa iyadoo kolba ku xiran marxalada ama waayaha aad ku sugan tahay.


Hadaba si aad u dhisto ama aad u xoojiso Kalsoonida naftaada si toggan oo positive ah ula faq nafsadaada oo ula hadal. Sida aad naftaada ula hadasho ama aad u aaminto waxay saamayn laxaad leh ku yeelataa Kalsoonida naftaada.


Haddii aad naftaada ka dhigto mid liidato oo aan awood lahayn isla markaana aad hoos u dhigto oo aad liido waxaa hubaal ah inay kalsooni darro aad kasoo waaqsan waydo ay naftaada haleeli doonto.


Si aad Kalsoonida naftaada u dhisto naftaada ka fogee quusta iyo ficilada hoos u dhigaya Kalsoonida naftaada. Mar walba dhoola-Cadeey oo wajigaaga fur isla markaana wehel ama saaxib ka dhigo oo naftaada ku hareeree dadka farxada badan ee murugada la dagaalama.


Maxaan ula jeedaa taas? wax kale ma ahan ee macnaheedu waxay tahay: Markaad saaxib la noqoto dad wada negative ah oo aan hami midna toona lahayn, waxay naftaadana ka dhigayaan mid negative ah.

Hoos ha u dhigin kalsoonida Naftaada


Inaad hoos isu dhigto kalsoonida naftaada waa albaabka laga galo hoyga guul-darada iyo kalsooni daarada. inaad naftaada ku dhereriso dadka kale adigoo iskaga dhererinaya dhinacyada hantida ay haystaan, Farxadooda, shaqadooda, quruxdooda, af-tahanimadooda, Cilmigooda IWM.


Sababta oo ah qofkasta oo ka mid ah ehelkaaga, asxaabtaada iyo dadka aad taqaano oo dhami waxay leeyihin ama uu Ilaahay siiyey wax u gaar ah oo aanad adigu lahayn ama aysanba haysanin. Haddii aad caado ka dhigato ama aad joogtayso inaad naftaada barbar dhigto waxaad qiimo-tiri doontaa naftaada, Taas oo sababi doonta inay kalsoonidu kaa burburto gabi-ahaanteedba.



Ugu dambeys ku qanci naftaada


Si aad naftaada uga badbaadiso mushkiladahaas, markaa hore ku qanac waxa uu Alle SWT ku siiyey, ogowna haddii aad aragtgo qof haysto waxaadan haysanin inay jiraan in isla qofkaasi aanu haysanin wax aad adigu haysato oo Ilaahay ku siiyey.


Xusuusnow oo fahan had Iyo jeer haddii qofkaas wax kaaga fiican yahay inay jiraan wax aad adiguna uga fiican tahay.


Dhamaad


Qoraa: Mustafa Mmj

Qormooyin kale oo xiiso leh


Haddii aad rabto inaad ogaato waxa ay kalsoonidu tahay, waxaa halkaan ku sharaxnay macnaha erayga kalsooni: waa maxay kalsooni?

Sidoo kale halkaan waxa ku diyaarinay qormooyin ay akhristayaasheena ugu jecelyihiin.

  1. Qormooyin xiiso leh

  2. Noqo akhristaha ugu horeeyo ee Erayojaceyl.com