Jaceylka dhabta ah waxaa lau gartaa calaamadahaan

Baro Calaamadaha jaceylka dhabta ah, Sida aad ku garan karto dareenka jaceylka dhabta ah iyo waxa uu kaga duwan yahay jaceylka dhalanteedka ah.

Jaceylka dhabta ah waxaa lau gartaa calaamadahaan

Dareenka Jacaylka dhabta ah waa macaan, markaad heysato qof si dhab ah kuu jecel, adiguna aad u jeceshahay. Jaceylka dhabta ah ma dareemi karo qof walbaa ee waxaa dareemi karo macaankiisa iyo qaraarkiisa qofkuu haleelo.



Jaceylka dhabta ah waxaa lau gartaa calaamadahaan


Qof walbaa inuu fahmo dareenka jaceylka dhabta ah wey adag tahay. Maxaa yeelay qof aanan weligiisba wax si dhab ah u jeclaanin, ma dareemi karo qof kale dareenkiisa. Qofka uu haleelo jaceylka dhabta ah wuu ka duwan yahay qofka kale. Haddii qofkaasi uu arko qof kale oo isaga si dhab ah u jecel, wuu dareemi karaa dareenkaasi. Ka waran haddii aad jeclaato qof aananba aqoonin jaceylka dhabta ah iyo dareenkiisa waxa uu yahay? Jawaabta macquulka ah: Aad beey u adag tahay inuu fahmo waxa aad ka hadleyso.


Dad badan ayaa waxayba moodaan in jaceylka dhabta ah uu yahay in la isguursado oo kaliya, kadibna sariirta lagu wada raaxeysto. Laakin taasi lama dhihi karo jaceyl dhab ah. Ka waran qof aadan aqoonin, dabeecadiisa, dhaqankiiisa, kaftankiisa, naxariistiisa, siduu noqon karaa dareenkaaga, markaad adiga iyo asiga qol wada tagtaan? Jawaabta macquulka ah: Waa dareen naxdin leh, oo aadan aqoonin halka ay ku dhamaaneyso. Dareenkaasi waxaa si qaas ah u dareemi karo gabdhaha.



Talo ku socoto gabdhaha


Gabaryaheey guurso nin si dhab ah kuu jecel oo dareenkaaga fahmi karo, habeenka aad la aqal galeyso aad ku faraxasantahay la kulankiisa. Hadaad fiiriso hantidiisa oo kaliya noloshaada ma noqon doonto mid farxad leh. Nin aadan ku qanacsaneyn inaad hoos jiifato waxa ka dhalanayo waa uun sheeko murugo leh iyo qalbi jab. Imisa gabdhood ayaa jiro oo qabo nin hanti leh misana qalbiga ka gubanayo? Imisa gabdhood ayaa jiro oo aanan ku qanacsaneyn raaxada ninkeeda?


Hadaba raaxadu waxay ka timaadaa qalbiga, nin aadan jecleyna maba la raaxeysan kartid. Iskaba daa inaad farxad dareento. Maxaa yeelay maba jirto qanaaco iyo jaceyl dhab ah. Noloshu ma ahan hanti oo kaliya ee waa farxad. Qof walbaa wuxuu raadiyaa nolol farxad leh ee ma raadiyo hanti uun. Sidaa darteed raac waxa qalbigaada uu jecelyahay ee ha raacin hantidaas.


Muxuu leeyahay jaceylka dhabta ah?


Jawaabta: Jaceylka dhabta ah wuxuu leeyaahy farxad, waxaad noqoneysaa qof aad u faraxsan, waxaana mar walbaa hareerahaaga jooga qofka aad si dhab ah u jeceshahay. Waxaad dareemeysaa naxariis. Waxaa kuu dhaw kalgacayl. Markaad maanta murugo dareento, waxaad heysataa qof murugadaasi kula wadaago, kuna dhiirogeliyo, had iyo jeerna garabkaaga joogo.


Jaceylka dhabta ah malahan farxad oo kaliya ee sidoo kale wuxuu leeyahay dabeecad wanaag. Hadalada qofka inta badan waa mid miisaaman xittaa markuu kaa xanaaqo. Sabab? Sababtoo ah qofka sida dhabta ah kuu jecel, wuxuu kaa ilaalinayaa inuu qalbigaada dhaawacmo. Qalbigu waa sida muraayad oo kale, Muraayada haddii ay mar jabto sida la isugu kabkabo wey adag tahay. Qalbiguna waa sidaas oo kale.


Jaceylka dhabta ah wuxuu leeyahay dareen ka duwan dareenada kale. Hadaaad aragto qof aad si dhab ah u jeceshahay, aragtidiisu waa mid la yaab leh. Wuxuuu kaaga soocan yahay dadka kale. Wuxuuna leeyahay dareen ka qurux badan dareenada kale. Waana sababta uu adiga qaas kuugu yahay. Markaad aragto waxaad dhoola cadeyneysaa dhoola cadeyn farxad leh oo kal iyo laab ah.


Qofka sida dhabta ah kuu jecel kuma jeclo oo kaliya markaad barwaaqeysan tahay ee sidoo kale wuxuu ku jecelyahay markaad murugeysan tahay. Murugada waa astaan Kamid ah jaceylka dhabta ah. Waqti kastaa oo isfaham waa dhaco, waxaad dareemeysaa murugo, xittaa haduu kaa qaldan yahay.

Jaceylka dhabta ah waxaad sidoo kale ku dareemi kartaa Isha. Indhahaa kuu macalin ah. Qafka sida dhabta ah kuu jecel markaad indhohiisa eegto waxaad ku arkeysaa astaan ka duwan dadka kale. Isha waa waxa ugu horeyo ee aad ku garan karto qofka adiga ku xiiseynayo ama ku jecel. Hadaba dareenka jaceylka dhabta ah ma ahan mid aan qoraal oo kaliya ku soo koobi karno balse waxaan kaga hadli doonaa qormooyinka kale ee soo socdo insha Allah.


Dhamaad


Qoraa: Mustafa Mmj



La soco qeybaha kale


Haddii aad xiiseyneyso qormooyin kale oo xiiso leh, fadlan nala wadaag aragtidaada siina gaarsii asxaabtaada kula mid ah.


Qofkii wanaag kuu falo, waxaa lagu taageeraa wanaagiisa. Laakin haddii aan nahay somali ma naqaano abaal gud. Si aan qormooyin kale oo free idin kugu soo diyaarino fadlan sii faafi boggeena. Maxaa yeelay hadafkeenu waa haqabtirka dhalinyarada mucaashaqiinta ah. Sidoo kale inoo reeb comment aragtidaada si aan u hormarino bogga mucaashaqiinta.


Halkaan waxaan kuugu diyaarinay qormooyin kale oo xiiso leh. Fadlan guji oo kaliya haddii aad jeceshahay inaad akhrisato.

  1. Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 1-aad

  2. Baro 3 waxyabood oo uu guurku leeyaha

  3. Qiyaano jaceyl: 5 calaamadood Qofka ku qiyaanayo leeyahay