Jaceyl daacad ah - Wuxuu leeyahay astamahaan soo socdo


Jaceyl daacad ah - Wuxuu leeyahay astamahaan soo socdo
Jaceyl daacad ah - Wuxuu leeyahay astamahaan soo socdo

Jaceylku iyo dabeyshu waa isku mid waa labo sheey oo jirku dareemo, balse maahan shey gacanta lagu qaban karo, ama la taaban karo. Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo qof iyada la mid ah.



Jaceyl Daacad Ah in la helo waa sida buurta buuraha ugu dheer adigoo korayo. Taasi waxaan ula jeedaa in ay adag tahay inaad hesho jaceyl daacad ah ama qof si dhab ah kuu jecel.


Buurta koristeedu ma ahan sahal, in aad jaceyl dhab ahna heshaaa waa sidaas oo kale. Jaceyl waa dareen macaan badan laakin waa markii aad dhadhamin kareyso.


Jaceylka dhabta ah malahan wax shuruud ah, hadaad aragtana qof shuruudo kugu xirayo jaceylkiisa dhab ma ahan waa mid dano gaar ah.


Hadaba sidee aad ku ogaan kartaa jaceylka Daacada ah, qof si dhab ah kuu jecel.


Qof walbaa wuxuu jecelyahay in uu helo Jaceyl Daacad ah, qof si dhab ah u jecel laakin dadka inta badani jaceylkooda daacad uma wada noqdaaan mana ka run sheegaan marka laga reebo dad fara ku tiris ah oo sida Qeys iyo Leyla oo kale ah.


Jaceyl daacad ah wuxuu leeyahay astamahaan soo socdo

Jaceyl daacad ah wuxuu leeyahay astamahaan soo socdo
Jaceyl

Erayo Jaceyl Oo Qalbiga Taabanayo

Xikmad Soo Jiidasho Leh

Erayo Jaceyl 2020

Nolosha Guurka

Heeso Qoraal Ah Oo Jaceyl Ah

Erayo Macaan Soo Jiidasho leh

Erayo Jaceyl Qiiro Leh



Qofka sida dhabta ah wax u jeceli wuxuu u ilaaliyaa, misana sharfaa Lamaanaha kale ee uu jecel yahay si ka badan sida uu u daryeelo Naftiisa.


Qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay wuxuu noqday Qofka ugu dambeeya ee aad ka Fikirto Habeenkii iyo Qofka u horeeya ee ku soo dhaca Qalbigaada Subaxdii markaad Indhaha kala qaado.


Qofka sida dhabta ah wax u jecel Mar kasta oo uu soo dhaco Talefoonkiisa wuxuu aad u door bidaa inuu noqdo Codka Lamaanaha uu jecel yahay.

Marka uu ku soo eego qof aad jeceshahay oo ay indhihiinu is qabtaan waad Naxdaa, wadnahaaaguna si aan Caadi ahayn ayuu u sii garaacmaa.


Hadduu ku hayo Jacayl dhab ahi aragtida indhahaaga iyo Qalbigaada waxaad Wehel uga dhigtaa Lamaanaha aad sida Xaqiiqda ah u jeceshahay, mar walbana waxaad jeclaataa la joogiisa, Codkiisa iyo aragtidiisa.


Qofka wax jecel uma Quuro Lamaanaha uu jecel yahay Been, Khiyaano iyo Hadal Xun, Guusha horumarka Noloshiisana wuxuu arkaa isaga oo hanta Qalbiga Lamaanaha uu Jecel yahay.


Qofka wax jecel wuxuu jeclaadaa in Dadka oo dhami ay la jeclaadaan Lamaanaha uu jecel yahay, Wakhtigiisa qaaliga ah iyo Naftiisana wuxuu u huraa Hanashada Lamaanaha uu jecel yahay.

Qofka Wax jecel ma dareemo Qalad ama Xumaan kasta oo kaga yimaada Lamaanaha uu jecel yahay ha yaraato ama ha badnaatee.


Jacayl daacd ah:- Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo.


Jacayl gaaban:- Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii.


Jacayl danaysi:- Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo wax u dhigma.


Jacayl Xushmo: Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go,aansato inaad xushmo, tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta.


Jacayl Socod wadaag:- Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado.


Jacayl Guud:- Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm


Jacayl Laab-la-kac ah:- Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun.

W:Q Abwaan Jaceelow - Erayojaceyl.ocm


Halkaan waxaan kuugu diyaarinay 5 calaamadoo oo aad ku ogaan karto qofka ku qiyaanayo, hadii aad xiiseyneyso halkaan ka akhriso oo riix: Qiyaano jaceyl