Heeso Qoraal Ah Oo Jaceyl Ah - Aan ku bilaabo hees aan filaayo in ay dhiiga mucaashaqiinta dhaqaajin


Heeso Qoraal ah, heeso cusub 2020, heeso jaceyl ah, hees jaceyl, Cabduqadir Juba, Hadmaan ku helayaaa, waa ihelay jaceylooo, heestii halis
Baro heeso qoraal ah

Heeso qoraal ah:


waxaana halkaan ku soo bandhigayaa heeso qoraal ah oo xiiso badan weliba erayo jaceyl ah xambaarsan. Aan ku bilaabo hees aan filaayo in ay dhiiga mucaashaqiinta dhaqaajin doonto.


Waxa ay sidataaa dareen jaceyl oo qalbiga taabanayo. Waxa ay soo jiidataa dadku uu jaceylku haleelay, Hadal badani haan ma buuxiyee waa heestii Halis ee Alfanaa Cabdiqaadir Juba.


Waxaan horay u soo bandhignay heeso qoraal ah sida fanaaniinta kala ah Cumar Dhuule, Hanuuniye, Axmed biif, Nimcaan Hilaac, Maxamed Saleebaan Tubeec.



Heeso maqal iyo Heeso qoraal ah maxay ku kala duwan yihiin?



Waxa ay ku kala duwan yihin markaad maqleyso waxaa laga yaabaa in aadan laxanka ka helin laakin markii aad akhriso oo aad fahanto erayada waxaa laga yaabaa in aan ka hesho.


Dadka inta badan ayaa ku kala duwan xiiseynta heesaha halka qaar ay diiniyan aysan jecleyn kuwa maqalka.


Markii aad heeso qoraal ah akhrineyso sida heesah jaceylka ama erayada macaan leh waxa ay ka qurux badan yihiin adigoo maqlayo heesta.


Hadaba maanta waxaa miiska inoo saaran Alfanaan Cabdiqaadir jiba iyo heestii halis..

Waa ihelay jacaylow

Hami igu badnaadiyo

Waan hubaa kalgacalow

Wuu ihayaa dhibkiisee

Sida haadka laylkii

Heehaabo mooyee

Howl yari ma seexdoo

Habeenkoo bar tagay baa

La,ikaa horkeenaaa

Waa howl aduunyee

Ma ii hiilineysaaa

Qofba waa halkiisee

Ma ii hagar baxeysaaa

Waa halis nafteyduye

Hadma Hadma goormaan ku helayaaa

Alla hadma hadma

Goormaan ku helayaaa

Hilaac iyo daruuriyo

Hoobaanta laaacdee

Ishu halacsaneysaaay

Hibashadii nafteydaaay

Ma huraan halbowliyo

Wadnahaay halwanayee

Sida geed hileelaa

Hugunkeyga baxayaaa

Waa hirashadaadee

Waa howl aduunyee

Ma ii hiilineysaaaa

Qofba waa halkiisee

Ma ii hagar baxeysaaa

Waa halis nafteyduye

Hadman hadma

Goormaan ku helayaaa

Alla Hadma hadma

Goormaan ku helayaaaa