Baro heeso qoraal oo amaan dumar ah kuwii ugu macaan qarniga. Waxaan kolkii hore ka soo hadalnay heeso faro badan oo jaceyl ah, maxaa kamid ah?
Cumar Dhuule
Maxamed Mooge Liibaan
Yurub Geenyo
Khadro Daahir
Lafoole
Baro Heeso Qoraal Ah weliba

Waxaan idin kugu talo galnay oo aan idin soo diyaarinay Heeso qoraal ah oo jaceyl ah qaasatan mid kamid ah heesaha ugu macaan ee qarniga.
Heestani oo aan dhageysan jiray xiligaan ardayga ah, qaasatan habeenka jimcaha Hadaba waa hees nuucee ah?. Heestanai waa hees dhalinta inta badan ay aad u xiiseeyaan waana mid kamid ah heesaha ugu erayada macaan.
Maxamed Saleebaan Tubeec
Alleey lahee markaad maqashay fanaanka hobolada waaberi Maxamed Saleebaan Tubeec waad garan waxaan soo wado, wax kale ma ahan ee waa heesahiisii kuwii loogu jeclaa ILAAHEEY naxariistiisa janno haka waraabiyee. Yaan hadal badani idinku daalin heestu miraheedu waxaa kamid ah.
Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii degan dhulkii hooyo
Nin dhergiyo nin dhowr qaday
Aan dheef hayn
Dhedig iyo laboodba
Hawli kama dhamaatee
Qof walibaa wixii dhibay
Dhafoorkay ku taalaa
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Anba kuguma dhaafeen
Haday taadu dheelido eh
Maxaa dhacay dhankaagay
Ka jiiftaa dhaliishuye
Ma dhiirado nimaan garab
Wax lagula dhisaynine
Nafta dhool hilaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Ana dhaawacaygii
Jaceyl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Jacaylkeediii dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog dhir iyo ubax
Dhamaan hadheeyeen
Dhawristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Wali dhaban mid kula mida
Kama dhalanin adduunkee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Dhamaad
Waxaan sidoo kale halkaan kuugu diyaarinay heeso kale, haddii aad jeceshahay inaad sii akhrisato halkaan riix