Guurka: keebaad guursan lahayd labadaan wiil?

Guurka wuu qurux badan yahay markaad heystato qof kuu qalmo. Noloshu waa raaxo markaad heysatid qof aad kula raaxeysato.


Guur waa nolol, noloshuna waa guur. Haddii aad guursaneysid waxaa fiican inaad guursato qof ku jecel.


Guurka: inta aanan uguda galin mowduuceena ku saabsan guurka ee ah keebaad guursan lahayd labadaan wiil? Aan isla fahannno waa maxay guur?


Guur waa hanasho gabar ay reero dhaleen inaad ku hantido sifo sharci ah oo waafaqsan shareecada islaamka.



Waa maxay hadafka guurka?

  • Guurka ujeedada laga leeyahay waa dhawrsani iyo in qofka muslimka ahi helo waddo wanaagsan oo uu kaga dhawrsado macaasida iyo wax yaalaha Ilaahay ka xarrimey.

  • Waxaa kale oo ka mid ah hadafka guurka in la helo ubad wanaagsan oo aad ku indho qabowsato iyo aduunka inaad kaga tagto farac wanaagsan oo ilaahay caabuda.


Waxaan horay uga soo hadalnay Erayo Jaceyl oo la isticmaalo guurka ka hor ama aan iraahdo sida loo qoro Shukaansi qoraal ah hadii aadan aqoonin halkaan hoos ka baro..


  1. Sidee loo qoraaa Erayo Jaceyl ah oo soo jiidasho leh?

  2. Sida loo qoro Fariimo Jaceyl

  3. Jaceyl nuucee ah ayaaa ku hayo?

  4. Geeraar Caashaq oo lamaanahaaga uga qoslisiin karto

  5. Sidee ninkaaga ku kasban kartaaa?

  6. Fariimo Jaceyl dad kala fog

KEEBAAD GUURSAN LAHEYD LABADAAN WIIL?



Guurka

  • Waa nasiib, Furiinkuse waa go,aan, Murugtu waa nasiib, Farxaduse waa go‘aan

  • In Noloshadu qof ku jiraa waa nasiib, In aad ilaashataa ama ka tagtaana

  • Waa go‘aan, Dhamaanteen nasiib Ma lihin laakin waxaan leenahay go‘aan.



1. Axmed Taajir


Waa Wiil Taajir ah oo Lacag leh, waxa uu ka dhashay reer hodan, gaari wuxu ku socdaaa BMW ah, Wuxuu dagan yahay guri qasri ah laakin waa wiil xanaaq badan oo jecel xaaskiisa.

Waxa uu jecelyahay in aad asiga ka Amar qaadato wax walbaa oo ay saemyneyso, guriga kama bixi kartid ilaa uu isaga ku fasaxo.


Sababtoo ah wuu kugu qeylin oo wuu ku Dhirbaaxi hadaad ka caraysiiso. Nabadna kama heleysid aad waxaad doonto ku Sameysan kartid Laakin sida kale waa nin aad u furfuran oo aan waxba kaa baqiileynin, waxa uu jecel yahay oo kaliya in aad amarkiisa qaadato lacag iyo wax kastaa oo aad u baaahan tahayna wuuu ku siin oo ma ahan nin bakhiil ah.

2. Axmed Jaceelow


Waa wiil aan Lacag lahayn kana dhashay reer faqiir ah, noloshiisana wuxuu ku maareeyaaa shaqo yar oo nolol maalmeed ah, waa wiil aan xanaaq badneyn oo aad u dagan, waana wiil shactaraalow ah oo kaa qoslisiinayo.


Wuxuu kugu koolkoolin Erayo Macaan oo soo jiidasho leh, wuxuu ku dareensiin nabad iyo naxariis, ma ahan mid kaa xanaaqayo oo wiil samir badan, marwalbaa waa mid kuu dhoola cadeynayo, dhibaatada jirto kaliya ayaa ah ma ahan wiil lacag heysto, kamana heleysid wixii aad rabto marka laga reebo nolol maalmeedkiina.

Dhamaad


Hadaba keebaad guursan lahayd labadaan wiil? Aragtidaada comment ka bixi oo hoos inoogu reeb.


Sidoo kale waxaan kuu diyaarinay sheekooyin kale oo jaceyl ah welliba qeybo badan ah. Haddii aad xiiseyneyso halkaan ka akhriso Qiso jaceyl oo gaaban