Baro geeraar jaceyl top 10: Sida loo geeraaro ma ahan wax adag, waxaa baran karo qof walbaa. Jaceylku iyo dabeyshu waa isku mid waa labo sheey oo jirku dareemo, balse maahan shey gacanta lagu qaban karo, ama la taaban karo. Hadaba baro geeraaradaan oo udir lamaanahaaga aad jeceshahay.
Geeraar Jaceyl oo qalbiga soo jiidanayo

Geeraar jaceyl
Geeraar jaceyl
Geeraar jaceyl
Geeraar jaceyl
Geeraar jaceyl
Geeraar jaceyl
Geeraar jaceyl
Geeraar ajceyl
Geeraar ajceyl
Geeraar ajceyl
1. Geeraar Jaceyl
Kalgaceyl ma ku wada aqal galnaa
Caashaqana wada doogsanaa
Muxibada ma wada diirsanaaa
Dareenka maku wada dalxiisnaa
Farxadda ma wada daadaheynaa
Danta meel ma u wada jiheynaaa
Jaceyl ma wada xusnaaa
Habeen, maalin iyo xili walbaaa.
2. Geeraar Jaceyl
Macaneey noloshu la,aantaa
Waa Pizza bilaa jiis ah
Noloshu la,aaantaa
Waa Baasto bilaaa suugo ah
Quruxeey noloshu la,aantaa
Waa bariis bilaa moos ah
Qalbiyeey noloshu la,aantaa
Waa bilaa dhadhan
Waan ku jeclahay.
3. Geeraar Jaceyl
Qurux lagu daray hanaan
Heybad lagu helo amaan
Aqoon lagu saday hafnaan
Naxariis hiil iyo mudnaan
Hodannimiyo gacan furnaan
Milgeyn hooyiyo samaan
Canabaa hablaha dhamaan
Aduunyada u ah hoggaan.
4. Geeraar Jaceyl
Hadii shinidu Ogaan lahayd
Macaanka labadaada dibnood
Malabka weey ka soo tagi lahayd
Oo dibnahaaga ayeey ku noolaan lahayd.
5. Geeraar Jaceyl
Hamigii nafteydaay
Haween boqoradeydaay
Haasaawe taan wadaagnee
Hami guur u qaaday
Hooy in aan wada galnoo
Hanad ii xambaartaan
Haminaayaa macaaneey
Hadal aan dhameeye
Howsha ila qabo oo
Hamigeyga ii rumee
Haween boqoradeydaay
Hubaal waan ku sugayaaa
Hanti tan u qaalisaneey
Hadal aan dhameynee
Howsha ila qabo oo
Hamigeyga ii rumeeey.
6. Geeraar Jaceyl
Garab baan kaa rabaa
Gacal aan wadaagnoo
Galabtii alle keeno
Garbahaan isku hayaa
Gargaar ii fidi
Haddaan ku waayo habeenkii
Hurdo waan ka quustaa
Harsina warkeed daa
Halbowlihii dhiigga sidey iyo
Hungurigaa I istaagey
Hamuun baa ii heysee
Hal mar ii imow
Adaan kuu hilboobee
Intaan iilka lay dhigin
Intaan alwaaxa laygu xirin
I saar sambabada agtoodiyo
Saableyda caloosha
Si uun aan u maqsuudo
Sahal ma ahan caashaq
Sidaan ha ii gelin.
7. Geeraar Jaceyl
Sahal maahan caashaqu
Mar hadduu ku saaqo
Wadnahana surnaado
Suuradaada wacan baa
Saqda dhexe habeenkii
Sahwi baan dareemaa
Siduu ii saaqay daranaa
Sida aan u surnaa
Saqdi dhexe habeenkii
Barbarkaan u jiifsado
Baryo ka soo kici maayo
Bogga iyo calooshiyo
Beerkaa la iiga badan yahay
Bartaada hadaan arko
Bisha afar iyo tobnaad baa
Ber walba ku moodaa
Bilicdaada wacan baa
Bartamaha habeenkii
Bilicsami u eegaa.
8. Geeraar Jaceyl
Haddaan hawada kaa arkey
Hungurigii oo idil
Hami waan u waayey
Hilow caahaq baan hiigsadaa
Ma hurdo habeenkii
Halbowlihii dhiigga wadey iyo
Hagihii nafteydaa adigaan kuu hibeeyee
Haddan adiga ku helin
Hubaal waxaa ah
Hambalyaan iska daayee
Harsi waan ka sabrey
Iyo hurdo habeen oo idil
9. Geeraar Jaceyl
Markii aan ku waayey
Midigteydi baa luntey
Marxabeyn iska daayee
Murug baan dareemey
Macnahaasi maan garan
Ma caashaq baa I helay
Ma hogaan baan rabaa
Ma adigaan ku tabey
Marxaladaan joogo
Ma qiyaasi karaayo
Marxuum in aan ahay
Mugdi inaan ku jiro
Marqaati looma haabno
Midig caashaq ii fiiri
Mar haddaan ku waayo
Mugdi baan dareemaa
10. Geeraar Jaceyl
Dahab baa lagu moodaa
Hadduu ruux ku daawado
Kaama daayo eegmada
Danihiisa wuu gabaa
Da,yar wacan inaad tahay
Dadkaan u sheegaa
Daliil looma baahna
Da,yartii qurxooneyd
Dadku eegi waayeen
Dahab la mood inaad tahay
Daah igama saarna
Dooq haduu jiro
Da,yar loo qaado
Dad kale uma qalmo
Doolar iyo diinaar
Inta hanti dunidaan taalo
Adigaa ka door roon
Damqashada jirkeygaan
Weli wuu dareemaa
Daacad wacan inaad tahay
Dadkoo dhan wey yaqaanaan.
Haddii aad ka gudubtay iskaabulo, waxaan halkaaan kuugu diyaarinay erayo aad ku farxadgelin karto xaaskaaga/Ninkaaga. Riixa halkaan: