12 kamid ah calaamadaha gabadha ku jecel ama ku rabto

Waa maxay calaamadaha gabadha ku jecel? Jawaabta waa mid iska fudud, markaad tahay xidiga jaceylka waxaa kuu fudud garashada gabadha ku rabto.


Dabcan gabadha ku jecel ama ku rabto waxay leedahay calaamado ka duwan gabdhaha kale waana qalbi qof ku jecel. Hadaba sidee lagu ogaadaa astaamaha gabadha ku jecel?

Waxaad rabtaa inaad ogaato Gabadha ku jecel

Way ku soo eegeysaa, kaftankaagana way ku qoslaysaa, waxayna ku dhaqdhaqeysaa hareerahaaga si cabsi leh. Ma hubtid inay kula xodxodaneyso, inay saaxiibtinimo ka tahay, ama aysan ku xiisaynaynin.



12 kamid ah Calaamadaha gabadha ku jecel ama ku rabto


Haddii aad jeceshahay gabadhaas sanado badan oo aad u dhiman laheyd si aad u ogaatid inay dareenadu kula wadaagto, ama haddii aad rabto kaliya inaad ogaato inay ku jeceshahay ama ay ku daneeneyso. Hadaba waxaa jira dhowr siyaabood oo aan caqli-gal ahayn inay kaa qariso misana aad ku ogaan kartid gabadha ku jecel. Gabadha ku rabto waa mid ka duwan gabdhaha kale, waxayn leedaahy calaamadaha soo socdo.


1. Xishood kii ugu darnaa


Xishoodku waa mid kamid ah calaamadaha Ugu horeeyo oo ay leedahay gabdaha u jecel. Xishood xad dhaaf ah oo mararka qaar ku kalifayo inay ku tusin kari weydo wajigeeda oo fooraar kugu qaabisho.


Aniga qudheyda waxaan hadda ka hor ka helay wiil aad u qurux badan, oo aan runtii 4 waxyaabood aad uga jeclaaday sida kaftankiisa, hadaladiiisa, dabeecadiisa iyo furfurnaantiisa. Haddii aan gabdho nahay dooqeenu waa mid iska fudud oo u baahan ka keensasho oo kaliya. Gabdhaha qaarkoodna waxaa laga yaabaa inay mid kamid ah kugu jeclaadaan.


Waxaana isku dayay inaan dareensiiyo dareenkeyga balse waxaa adkaatay inuu i fahmo. Anigoo gabar ah inaan dhaho waan kaa helay aad beey iigu adkaatay. Waxaana dhabarka u xirtay sidii aan u dareensiin lahaa. Dabcan sida lawada ogyahay gabadha markeey wax jeceshahay dareenkeeda ma ahan mid qarsoomayo mana ahan mid ay qarin karto. Hadana weey iska yara xishootaa.


Hadaaan wax jeclaano ama aan wax necbaano, waxaa laga dareemayaa indhaheena. Ma qarin karno rabitaankeena iyo naceybkeena waana sababaha ugu badan ee aan wiilasha uga duwannahay.


2. Cabsi joogto ah


Waxaa gabadha ku jecel ku badanayo cabsi dhan kasto ah. Markeey kula kulanto waxaa garaacmayo wadnaha. Taasi ma ahan wax kale ee waa dareenka ay kuu qabto. Waana tan sababeyso inay isku dhexyaacdo.


3. Hadaaq badan


Gabadha ku jecel waxay markastaa ku hadaaqeysaa magacaada, iyadoo dadka kale ugu yeereyso. Islamarkiina waxay iska dhigeysaa qof qaldoontay balse waxaa ka tan badiyay rabitaanka ay kuu qabto iyo waxa qalbigeeda ku jiro.


4. Weey kaa sheekeyneysaa


Gabadha ku jecel waa mid had iyo jeer ka sheekeyneyso wanaagaada, dabeecadaada wanaagsan markii ay saabixadeeda dhabta ah la joogto. Gaar ahaan kuwa aysan waxba kala qarsan.



5. Waxay la soo baxeysaa shaki weyn


Shakiga weyn oo ay qabto waa mid kamid ah calaamadaha ugu weyn ee lagu yaqaano gabadha ku jecel. Waxay umaleysaa had iyo jeer in laga kor qaadayo jaceylkeeda xittaa haddi ay aaaminsantahay inaad tahay qof daacad ah. Markastaa oo ay aragaada weyso waxay u qaadaneysaa inaad gabar kale ku maqantahay. Taasi oo ku dhalineyso shaki weyn.


6. Waxay kugu eegeysaa indho naxariis leh


Eegmada jaleecada leh oo ay had iyo jeer jeceshahay inay kugu eegto waa calaamad kamid ah oo lagu garto gabadha ku jecel. Waxay jeceshahay daawashadaada. Haddii ay adiga kaa hesho uma baahno Netflix iyo Hindi af Somali ah ee waxay rabtaa aragaada qushuuca leh. Sidoo kale ma jeclo inaad aragto iney eegmada kugu badineyso. Markaad eegto waxay fiirineysaa hoos. Waxayna isku mashquulineysaa waxa ay gacanta ku heyso, tusaale teleefoonkeeda.


7. Maqnaasho maskaxda ah oo mararka qaar ah


Maqnaashiyaha xaga maskaxda waa mid kamid ah calaamadaha aanan sidaa u weyneyn balse markarka qaar dhacdo. Tusaale markeey howl qabaneyso waxaa la arkaa iyadoo iska maqan misana adiga kaa fikireyso. Waxaa hada ka hor dhacday gabar aan saaxibo ahayn islamarkaana dukaan gadi jirtay ayaa maalin anagoo la joogno misana sokor cabireyso ayaa waxay banaanka ka aragtay wiil ay jecleyd misana waxay daadisay sokortii. Gabdhihii kale ayaa waxay ku dhaheen kaalay jaceyl maa ku hayo, intee ku maqan tahay? Waxayna ku jawaabtay maya jaceyl ima haayo.


Markii ay gabdhihii kale baxeyn ayeey ii sheegtay in wiil la yiraahdo Axmed oo ay jeceshahay uu banaanka marayay islamarkaana ay is ilowday. Taasi waxaa sabab u ah oo maankeeda ka buuxo, sidii ay ula kulmi lahayd wiilka ay jeceshahay.


8. Gabadha ku jecel waa mid aragaada raadiso


Waxaa lagu arkaa gabadha ku jecel socod fara badan, iyadoo ay ka tahay inay adiga ku aragto oo kaliya. Waxay kaa baadigoobeysaa meel walbaa oo aad ku badan tahay. Haba ugu badnaatee goobaha adiga aadka lagaaga helo. Waxay dhowr mar ku soo noqnoqoneysaa halka aad taagan tahay ama aad joogto si aad u aragto iyada. Waxay soo xiraneysaa labiska ugu quruxda badan ee ay heysato. Su,aashu waxay tahay, maxay kuu raadineysaa? Wax kale mahan ee indhaheeda ayaa kugu doogsado. Waxayna rabtaa inaad la hadasho.


9. Erayadeeda ugu badan Haye Abowe/walaalo


Macnaha waxaa ku adag inay maya ku tiraahdo. Sidaa darteed waxaa hadalkeeda ku badan haye, si ay kuu adeecdo una ixtiraamto rabitaankaaga. Muhiimadeeda ugu weyn waa kasbashada qalbigaada. Waxay taqaanaa sida ugu fudud ee loo soo jiito raga. Haddii ay jiraan wax ku culus, waxay isku dayeysaa inay kaa qanciso ama kugu tiraahdo hadal aan waxba kuu dhimeynin sida, ma awoodi karo aboowe. Iga raali noqo. Waan ka xumahay iyo erayo kale oo lamid ah. Laakin markii ay jaceyl dhab ah kuu qabto oo aysan marnaba kaa maarmeynin waxaa aad ugu adag inay maya ku tiraahdo.


10. Hadalkaagu waa u nasteexo


Sida caadada ah gabadha ku jecel hadalkaagu waa u nasteexo. Marnaba kuma dhibsaneyso.

Haddii ay noqo lahayd af xumo iyo caay, hanjabaad iyo wixii lamid ah. Kaama xumaan karto waayoo waxay u silsiladeysan tahay jaceylka ay adiga kuu qabto. Waxay ku fikireysaa goor walbaa farxadaada iyo raali galintaada. Waxa mararka qaar ka soo fakanayo hadalada dareenka leh ee ay raga jecelyihiin.


11 Muuqaalkeedu waa sida Ugbaad Aragsan


Kama wado inay u muuqato sida Ugbad Aragsan ee waxaaan ula jeedaa waa labis qurxoon tahay. Xarrago xarrago dhaaftay. Waxay u xaragooneysaa sidii ay kuu soo jiidan lahayd, indhahaagana ay u qaban lahaayeen. Inkastoo taasi ay ku xiran tahay gabadha. Maxaa yeelay labiska iyo ilbaxnimadu waxay ku xiran tahay shaqsiyada gabadha. Waxay ka fikireysaa mar walbaa in lagu naco xarrago xumo. Waxayna maalin walbaa kuu soo gashaneysaa labis kala duwan, iyadoo ku soo agmareyso dhowr jeer. Macnaha muhiimadeydu waa i arag oo isoo raac.


12. Gabadha ku taqaano weey ku soo xiriirisaa


Haddii aad wada hadashaan ama aad si fiican isu taqaanaan, waxaa suurto gal ah inay mar walbaa kula soo xiriirto. Haddii ay taasi awoodi weysana waxay isku dayeysaaa inay xiriir la sameyso asxaabtaada, walaalaashaa iwm.


Dhamaad


W.Q:- Saabiriin Sabnaa - Erayo Jaceyl Team



Aragtida ugu dambeyso


Tilmaamaha Gabadha ku jecel ma ahan in boqolkiiba boqol calaamadahaan yeelato. Laakin waa qaab nuucaan u dhaw, oo waxaad ku arkeysaa calaamadaha intooda badan.