5 kamid ah calaamadaha gabadha aan ku rabin

Gabadha waan is naqaanaa, waxaan is dhaafsanaa erayo kaftann ah laakin ma fahmi karo halka ay ii wadato. Waa maxay calamadaha gabadha aan ku rabin?


Miyeey i rabtaa mise xriir walaaltinimo, damac mise anaa Garowe ka heesayo?

Gabadha aan ku rabin, gabadha aan ku jecleyn, xiriir walaaltinimo iyo damac jaceyl.
Gabadha aan ku rabin

Sida aad ku ogaan karto gabadha aan ku rabin ma ahan wax adag! Haddii aad raacdo calaamadahaan..



5 kamid ah calaamadaha gabadha aan ku rabin


Aqoon ayaad u leedahay gabadhaan cajiibka ah, waxaad u aragtaa si joogto ama waxaad u qortaa Sms, Facebook, Whatsapp. Waxaa laga yaabaa inaad marmar kulantaan, Kadibna kugu tuurto hal sadar oo holac ah oo weli qalbigaaga ka dhex guuxayo.


Ama waxay kugu dhahday erayo kuu cadeynayo inaysan kuu awoodin walaaltinimo ka badan. Hadda waxaad isweydiineysaa “miyeey Iga heshay misa walaltinimo uun beey igu ixtiraamtaa!“


Hadda waad ka niyad jabtay oo kuma faraxsanid erayada gabadha, sababtoo ah waxaad dhab ahaantii dooneysay in ka badan saaxibtinimo iyo walaalnimo.


Waxaad ku fikirtaa: “Miyeey i rabtaa. Weli fursad ma u leeyahay inaan ku guuleysto hanashadeeda, ​​jacaylkeeda iyo xiriirkeeda? Mise waan iska illaawaa ama waxaan aqbalaa xiriirka saaxiibtinimada ah ee iyadu dooneyso?


Fikirkaagu wuxuu kusii socdaa su’aalahan tirada badan adigoon xal wanaagsan la imaan. Calashaan wax la fahmi karo, maxaa yeelay waxaad gebi ahaanba ku jahwareersan tahay dhammaan jacaylka iyo dareenka kale ee xun.


Laakiin waxba ha welwlin! Waxaan jecelnahay inaan taa kaa caawino si aad u hesho wado aad uga bixi karto jahwareerkaan leh tilmaamaha soo socdo.


Qish 1: Sidaan ayaa loo shukaansadaa gabdhaha


1. Walaalkey ayaa tahay


Gabadha aan ku rabin had iyo jeer waxay raadisaa qiil. Waxay isku dayeysaa inay kaa leexiso wadaada. Calaamadani waa calaamadaha ugu badan ee aad ku ogaan karto markaad gabar u soo bandhigto rabitaankaaga. Abowe waxaa tahay walaalkey camal. Sidee wax kaa noqdeen, iyo erayo kale. Dabacan walaalo waxaa ah dadkoo dhan, Soomaalida oo dhan, muslimiinta oo dhan laakin maxaa xiligaan keenay? Jawaabta wiska cadahay.


Iyada hadduu damc ku jiri lahaa kuma dhahdeen, waxaa tahay walaalkey ee waxay ku dhihi lahayd ugu yaraan: Waan ka soo fikirayaa . Kadibna waxay kuu soo noqon lahayd iyadoo wadnaha dhag dhag dhahayo sida Farxiyo Fiska.



2. Waan mashquulsanahy


Waxaa tiri waa lagu waayay, dadka ma soo raadineysid, waxaan rabaa inaan kulano, ma is arki karnaa? kadibna waxay kuugu jawaabtay: Waan mashquulsanahay aboowe, iga raali noqo.


Calaamadaasi waa mid kamid ah calamadaha gabadha aan ku rabin ee huuno waqti ha isaga lumin. Haddii ay ku rabto runtii kuma dhahdeen waxaan ahay mashquul ee waxaad arki lahayd iyadoo ku dhaheyso, Abowe maxaad ii soo raadin weysay?


Ma kula tahay qof aad xiiseyneyso inaad ka mashquuli karto hadalkeeda? Of course maya.


Qish 2: Erayo macaan oo shukaansi ah oo muuqaal leh


3. Xaaladahaaga waxba igama gelin


Liibaan: Sidee tahay abaayo'?

Jamaad: Fiican.

Liibaan: Kawaran reerka?

Jamaad: Wey ladanyihiin.

Liibaan: Haddii lagu arko.

Jamaad: Waan joogay lee.


Liibaan maba la weydiinayo xaaladihiisa ugu yaraan, adiga sidee tahay, mana laga wareysanayo xaaladahiisa guud iyo mida reerkisa midna. Taas oo cadeyneyso, inaysan waqti iyo xiiso u heynin. Hadaad ku aragto gabadha inaysan marnaba dib kuu wareysaneynin, gab ka sii, liifadana u gaabi.



4. Waan kugu soo celinayaa telka


Markad wacdo gabadha oo aad rabto inaad la sheekeysato misana kugu dhahdo, walaalkey dib baan kuu soo wacayaa, waxaan ahay mashquul. Kadibna aysan kugu soo celin, sheekadaadu waa gubataa. Gabadhaasi waa Farxiyo Fiska oo kale misana ku dhahaheyso, yara qabowso, qof aan ku rabin la iskuma qor qoree wadada ku qulqul. Waxay kaga duwan tahay oo kaliya runta kuuma sheegeyso ee waxay rabtaa inaad iska quusato.


5. Waxaan jecelahay Mustaf Rasto

Markaad maqasho Mustaf Rasto ha umaleyn inaad murqo dhisid ubaahan tahay huuno oo aad calool weyn leedahay ee waa tusaale. Waxaan ula jeedaa, haddii ay ku dhahdo, waxaan jecelahay hebel, taas oo kuu cadeyneyso inaadan halkaas waqti isaga lumin. Calaamadani waa calaamad kamid ah calaamadaha Gabdhaha intooda badan ay istcimaalaan markeey rabin wiilka.


Waxaa jiro wiilal fara badan oo badsaday daawashada aflaanta hindiga misana jilayo filim calaacal ah, iyagoo ismooday inay ka qaadi karaan wiilka ay jeceshay. Waxay adeegsadaan erayo jaceyl kuwaasoo ay umaleeyaan in ay ku soo jiidan karaan.


Qish 3: Sidaan ayaad u qori kartaa warqad jaceyl ah oo macaan

Erayo jaceyl calaacal ah


Horay waan ku jeclaa, hadana waan ku jeclahay. Indhaheyga markeey xiran yihiin adiga ayaa n ku arkaa. Markaan furana waxaan jecelahay adiga inaan ku arko. Adiga haddii aan ku waayo anigoo dhan murug ayaa iqabaneyso. Indhaheygu waxay raadiyaan adiga oo kaliya. Daqiiqad hadaan ku waayo waxay ila noqonee anigoo hal saac ku waayay.


Hadaad rabto waali ku tilmaam ama waxaad rabto balse aniga xageyga waxay ka yihiin jaceyl. Jaceylku sidiisana dadku waa ay sameeyaan, Laakinse jaceylka aniga ihayo mid lamid ah qof uu hayo ma jiro. Sababtoo ah gabadha aan jeclahay mid lamid ah dunidaan kuma noolo. Macnaha makaa maarmi karo oo aniga ayaanan rabin inaan kaa maarmo. Ilwaadey waxaan diyaar u ahay inaanan weligeey kaa quusan ilaa aan arko adigoo riyadeyda rumeeynayo.


Hadaba qof aanan adiga ku rabin si kastaa oo aad ugu calaacashaa, waxna kuu suurto gali maayaa marka laga reebo in ay iyada ku jeceshahay.


Dhamaad


W.Q:- Raxmo Ruun - Erayo Jaceyl Team