Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 7-aad

La soco Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 7-aad, warqadaha jaceylka tan iyo waagii hore ayaa waxay ahaayeen kuwa loogu jecel oo la isu diro.

Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 7-aad, warqadaha jaceylka, dhambaal jaceyl, erayo jaceyl.
Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 7-aad

Waagii hore waxay dadka isu diri jireen fariimo jaceyl oo xul ah weliba kuwooda warqadaha ah. Maanta jaceylku waa ka duwan yahay sidii shalay iyo sida la isugu diro fariimo jaceyl inkastoo weli ay jireen dad isu diro warqado jaceyl ah oo romantic ah.



Fariintani waxaad ku diri kartaa warqad ahaan iyo sms labaduba. Waxayse ku qurux badan tahay inaad ku dirto si warqad ah adigoo raacinayo hadiyad yar oo qalbiga lamaanahaaga farxad gelin karto. Waxaa laga yaabaa in lamaanahaagu uusan ku fikireynin warqad jaceyl oo ka timaado dhankaaga. Sidaa darteed uga dhig kedis una dir jaceylkaaga. Xusuusnow wax walbaa waxay ku qurux badan yihiin si kedis ah ama lama filaan ah.


Qeybtii hore: Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 6-aad



Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 7-aad


Waad salamay jaceylkeyga,

Waa muhiim inaad akhriso warqaddaan si,dareen leh oo qushuuc leh, sabab? Sababtoo ah waxay kugu qancin doontaa waxyaabo badan.


Laba sano ka hor ayey ahayd markii ugu horeysay ee aad ii sheegtay inaad i jeceshahay oo aad i weydiisatay inaan noqdo saaxiibadaada qaaliga ah. La kulankeenii Ugu horeeyay ayaa ah xusuus aan ku noolahahay had iyo jeer.


Waxaan Helay riyo aan mar walbaa ku riyoon jiray. Waxaan dareemay farxad aan la qiyaasi karin, marka aan adiga ku arko ma ifayo oo kaliya suuradeyda ee waxaa sidoo kale ifayo qalbigeyga. Waxaan ahay gabadha aduunka ugu nasiibka badan madaama aan jeclahay saaxiibkeyga ugu fiican.

Jacaylka aan kuu qabo wuu sii qoto dheeraaday. Markasta oo ay wax wanaagsan dhacaan, waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan rabo inaan la wadaago .. Markaan murugoodo, waxaan ogahay inaan kugu kalsoonaan karo inaad gacantaada igu qabato oo aad ii sheegto inay wax walba hagaagi doonaan.


Waxa kaliya ee aan rabo ayaa ah inaan ku ogeysiiyo inaan had iyo jeer ku jeclahay, oo aanan dooneynin inaan kaa dheeraado. Maxaa yeelay ma jirto meel aan adiga kaa doorbidi karaayo.


Waan ku jeclahay gacaliye


Dhamaad


Qoraa: Mustafa Mmj


Qormooyin kale oo xiiso leh


Halkaan hoose riix oo ka akhriso qormooyin kale oo xiiso leh kuwooda ku saabsan fariimo jaceyl oo xul ah: Somali love words: Qormooyin xiiso leh