Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 5-aad

Akhriso Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 5-aad, haddii ay ku adag tahay sida loo qoro fariimo jaceyl oo gaaban wax dhib ah malahan, sabab?


Sababtoo ah anagaa xil iska saarnay inaan kuu soo diyaarino misana kula wadaagno si free ah. Kulama wadaagi doono fariimo jaceyl oo kaliya ee waxaan kaa saaci doonaa wax walbaa oo aad jeclaan lahayd. Haddii ay ahaan lahayd erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh iyo su,aalo kale oo aad qabto.

fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 5-aad, fariimo jaceyl, dhambaal jaceyl, erayo jaceyl.
fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 5-aad

Sida aan ognahay inaan soo jiidano raga ma ahan wax adag, balse waxaan u baaahannahay inaan fahanno sida loo soo jiito. Markaad rabto inaad soo jiidato ninkaaga uma baahnid oo kaliya inaad isku qurxiso, cuntooyin macaan u karisid ee sidoo kale wuxuu kaa sugayaa fariimo jaceyl oo qalbigiisa soo jiidanayo. Qaladaadka ugu badan ee aan sameyno waxaa kamid ah, inaanan nimankeena u qorin fariimo jaceyl goorta ay inaga maqan yihiin weliba anagoo qalbiga ku heyno.



Haddii aan nahay dumar waxaan qarsanaa dareenkeena laakin ma ahan wax fiican. Maxaa yeelay raga waxay jecelyihiin xaaasaka dareenkooda u soo bandhigo. Sidaa darteed marnaba haka qarin isku day inaad u sheegto wax walbaa oo qalbigaada ku jiro.



Si kastaba ha noqotee u dir ninkaaga markuu kaa maqan yahay fariimo ka turjumayo rabtitaanka qalbigaada.


Fariimo jacreyl oo xul ah qeybtii 5-aad



Ninka aan doortay,

Jaceylkaada had iyo jeer maskaxdayda ayuu ku jiraa. Markaan kaa maqnaado, waxaan u hanqal taagayaa taabashadaada diirimaadka leh, raaxada gacmahaaga, iyo taabashada jilicsan ee bushimahaaga. Aad baad iiga farxisaa. Waqti kastaa oo aan adiga kula qaato, waxa igu sii kordhaya jaceylka aan kuu qabo. Waan ku jeclahay adiga - waana ku jeclaan doonaa.

Waxaad tahay ninka riyadayda dhaafsiisan: ninka aan doonayey inaan guursado, ninka aan mar labaad guursan doono, kan ugu horreeya ee aan ka fikiro markaan tooso, iyo kan ugu dambeeyo ee aan ka fikiro markaan seexanayo.

Waad ku mahadsan tahay inaad heerkaasi igaarsiisay. Noloshayda ma qiyaasi karo adiga la'aantaa.


Xaaskaaga,


Faadumo


Qoraa: Ayaan Daahir



Dhamaad


Waxaan rajeyneynaaa inaad maqsuud ku noqotay, udir ninkaaga, asigaaba dhihi doono. Waaw xaaskeyga caawa caadi ma ahan. Haddii uu ka helana hanaga iloobin inaad nala wadaagto, si aan kuugu soo diyaarino fariimo kale oo qalbiga lamaanahaaga dareen gelinayo.


Waxaan sidoo kale halkaan idin kugu diyaarinay qeybihii kale. Haddii aad rabto inaad akhrisato waxaad u baahantahay oo kaliya inaad riixdo.


  1. Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 3-aad

  2. Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 4-aad


Waxaad rabtaa inaad inaad lamaanahaaga raali galiso, hadaba halkaan ka baro sida loo raali galiyo: Dhambaal caashaq oo raali galin ah