Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 4-aad

Ka bogo Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 4-aad, sida aad uga barateen erayojaceyl.com erayo jaceyl oo macaan iyo geeraaro xul ah.


Maanta waxay idinla wadaagayaan fariimo jaceyl oo xul ah kuwoodii ugu dambeeyay. Inaad u dirto lamaanahaaga fariimo jaceyl waa lagama maarmaan. Sabab? sababtoo ah ma jiraan wax ka farxad badan markaad aragto fariin kaaga timid lamaanahaaga aad sida dhabta ah u jeceshahay.

Ka bogo Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 4-aad
Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 4-aad

Hadaan idin xasuusino waxaan horay kaga soo hadalnay fariimo jaceyl oo xul ah qeybahooda kala duwan, hadana waxaan idin soo diyaarinay qeybtii 4-aad.


Qeybtii 3-aad: Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 2-aad



Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 4-aad


Qaali

Aan kulano caawa


Tan iyo taariikhdeena koowaad, waxaan ku arkay isbeddelada adduunkayga. Shaqada xafiisku waxay umuuqataa mid sahlan, waxaana ku kasbanayaa waqti yar inaan shaqadeyda ku guto. Maamulahaygu wuxuu dareemay isbeddelada jira, sidoo kale, aadna wuu u bogaadiyay goor dambe.


Waxaan sii wadaa inaan si layaab leh ula yaabo markaan waxbadan kaa ogaado, hadana wali wax badan oo aan jeclaan lahaa inaan ogaado ayaa jira. Waan ku faraxsanahay fekerka ah inaan waqti badan kula qaato sababtoo ah waqtigeenna wadajirka ah ayaa iga caawin doona inaan wax badan adiga kaa ogaado.


Durba, waxaan bartay inaan waxbadan iska wadaagno. Waan ku raaxeystaa kala duwanaanshaheena, laakiin waxaan ku faraxsanahay inaan wadaagno fikrado iyo khibrado badan oo isku mid ah. Wax kastoo khilaaf ah oo jira ayaa sii balaarin kara aragtidayda iyo aragtidayada nolosha. Waxaan lumiyay xiisihii aan u qabay inaan arko qof kale, Qaali, maxaa yeelay waan ku jeclahay adiga!


Ugu dambeyn: Waxaan rajaynayaa in aan isla kulanno fiidnimada Jimcaha. Waan ku soo wacayaa,


Cabdi Yare


Qoraa: Mustafa Mmj


Dhamaad


Sidee u aragtaa fariintani, miyeey ku cajab gelisay? aragtidaada waa inoo muhiim si aan kuugu soo diyaarino fariimo kale oo macaan si bilaash ah. Inoo reeb comment.


Halkani waxaan sidoo kale kuugu diyaarinay qeybihii kale, haddii aad xiiseyneyso halkaan riix oo ka akhriso: Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 3-aad