Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 3-aad


Ku soo dhawoow fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 3-aad, fariimahani waa fariimo dareen jaceyl leh oo ay isu diri karaan lamaanaha sida dhabta ah isu jecel.


Qaasatan kuwa doonayo inay nolosha isla qaataan inta noloshooda ka dhiman. Noloshu waa mid qurux badan markaad heysato qof si dhab ah kuu jecel.

Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 3-aad, fariimo dareen jaceyl.
Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 3-aad

Sida aan idin kaga balan qaadnay waxaa taxane inoo ahaan doono fariimo jaceyl oo xul ah qaasatan kuwa ugu cajiibsan oo aaminsannahay inaad ka heli doontaan. Waxaan fariintani fariimahii ka horeeyay kaga hadnay laba qeybood.



Haddii aadan horay u akhrisan waxaan kuu dhigeynaa qeybta hooseyso si aad uga bogato.


Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 3-aad


Qalbiga adaa degay

Leylo,


Eray kasta oo aad si kalsooni leh igu tiri, daqiiqad kasta oo yaab leh oo aad ila wadaagto, gudaha ayeey iga dhalaalineysaa. Waxaad u ogolaatay naftaada inaad u nuglaato aaminaad. Marnaba kuma fikirin inaan si dhab ah u heli doono mid adigoo kale oo aan doonayo inaan waqti badan la qaato, taasoo runti taabananeyso noloshayda. Waxaan rajeynayaa inaan sii qaadano daqiiqado badan oo gaar ah oo wadajir ah. Markaan ku arko, waxaan arkaa mustaqbalkeyga. Markaad dhoola cadeyso waxaa ifayo qalbigeyga.


Tani ma ahan hadal oo kaliya. Runtii waxay ka timid qalbiga. Waxaa i baabi'iyey hamigii aan kula jiray, inaan kula hadlo oo aan dareemo inaad ii dhowdahay. Waxaan rabaa inaan hab ku siiyo, kula hadlo, kula qoslo, kula ooyo. Waxaan rabaa inaan kula ciyaaro, kulana dhameysto nolosha inta iiga harsan. Waxaan u maleynayaa inaad ii noqon karto wax walba. Waan ogahay inaan doonayo inaan wax walba adiga kuu ahaado.


Markaan wada joogno, waxaan indhahaaga ka arkaa jacayl, ku faraxsanaan aad aniga igu faraxsantahay. Markaad mustaqbalkaaga saadaaliso, miyaad igu aragtaa aniga, oo kugu soo dhaweynayo gacmo furan? Runtii waan ku jeclahay, si waalli ah oo qoto dheer, waxaansi walaac leh u sugayaa jawaabtaada.


Si kalgacal leh sida Had iyo jeer,


Cawaale


Qoraa: Mustafa Mmj



Dhamaad


La soco qeybaha kale, waxaan rajeyneynaa inaad ka heshay. Fadlan inala wadaag aragtidaada iyo dareenkaaga si aan u soo badino fariimo jaceyl oo kale. Fariimaha soo socdo maxaad jeclaan lahayd inaan ka hadalno fariimo nuucee ah? Comment hoos inoogu reeb.


Sidoo kale waxaan halkaan kuugu diyaarinay qeybihii kale ee akhristayaasheenu la dhaceen. Si fudud riix linkiga hoose.


1. Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 1-aad

2. Fariimo jaceyl oo xul ah qeybtii 2-aad