Fariimo Jaceyl oo xul ah qeybtii 2-aad

Ka bogo fariimo jaceyl oo xull ah qeybtii 2-aad, weliba fariimo ay isu diri karaan lamaane kala fog. Fariintani waxay xambaarsan tahay murti iyo jaceyl.


Waxaan ugu talo galnay lamaanaha is jecel misana kala fog. Fariintani waxay si qaas ah u khuseysaaa xaasaska nimankooda ka fog. Sidoo kale qasab ma ahan in ninkaaga uu kaa fog yahay ee sidoo kale waxaad u diri kartaa goor walbaa oo aad u xiistay.

Fariimo Jaceyl qeybtii 2-aad, fariin jaceyl, jaceyl dhab ah.
Kuu xiisay - Aniga iyo adiga: Fariimo Jaceyl oo xul ah qeybtii 2-aad

Inaad u dirto ninkaaga fariimo jaceyl dhab ah kuma farxi doono oo kaliya ee waxay dhisi doontaa kalsoonidiisa. Sidaa darteed u dir ninkaaga fariimo jaceyl oo joogto ah. Maxaa yeelay si kastaa oo aad u jeceshahay ninkaaga, haddii aadan u muujin ma dareemi karo waxa qalbigaada ka buuxo. Adiga ayaa og rabitaankaaga, sidaa darteed ka soo saar qalbigaada.



Sidoo kale u dir erayada raga ay aadka u jecelyihiin, haddii aadan horay u akhrisan halkaan ka akhriso oo riix kaliya: Erayada raga jecelyihiin.


Waxaan sidoo kale halkaan idin kugu diyaarinay fariimo jaceyl oo raali galin ah. Haddii uu ninkaaga kaa xanaaqsan yahay ama qalad xagaaga uu ka dhacay u dir erayadaan oo ka raali gali ninkaaga.



Fariintani ma ahan mid u qaas ah dumarka oo kaliya ee waxaa isticmaali karo raga xitaaa. Haddii aad jeceshahay inaad akhristo halkaan ka akhriso: Dhambaal caashaq oo raali galin ah,


Aan uguda galno qormadeena ku saabsan fariimo jaceyl oo ay isu diraan lamaane kala fog qeybtii 2-aad.


Fariimo Jaceyl oo xul ah qeybtii 2-aad


Kuu Xiisay

Gacaliyaheyga Baashi,


Habeenkii, waan jiifaa oo waxaan qiyaasayaa inaad halkan ila joogto.

Ma aanan ogeyn inta ay le'eg tahay kala fogaanshaheena.

Waxaan rajaynayaa inaadan ku jirin murugo aad u tiro badan sidaan kaaga maqanahay.

Waxay dhahaan maqnaashaha wuxuu ka dhigayaa wadnaha mid aad u kora, jaceylkeyguna xad ma leh.


Waxaan jiifaa anigoo soo jeeda waxaan dareemayaa kuleylka jilicsan ee neeftaada sida ay ugu dhaceyso dhabankeyga. Waxaan qiyaasayaa kuleylka jirkaaga inuu ku riixay tayda; adkaanshaha muruqyadaada oo ku seexanaya jilicsanaanta tayda.


Waan soo qaatay barkin oo aan madaxa saartay, anigoo dareemaya garaaca wadnahaaga misana dhagahaygu lulanayo.

Kun balanbaalis ayaa dhunkaday maqaarkayga, waxaana jeclahay inaan dareemo jilicsanaanta bushimahaaga.

In kasta oo aan ogahay inaan markale wada joogi doonno, rabitaankeyga waxaa cadeyn kara oo kaliya qoto-dheerida dhabta ah ee aan adiga kuu hayo.

Ilaa aan ku arko markale, kuguna haysto laabteyda, waxaad ku jiri doontaa riyadayda meel kastaaa oo aad joogto.


Adiga ayaa ileh,


Deeqo


Qoraa: Mustafa Mmj



Dhamaad


Waxaan rajeyn inaad u riyaaqday. Haddii aad jeceshahay inaad sii akhrisato fariimo jaceyl oo kale waxaan kuugu diyaarinay halkaan: Fariimo jaceyl qeybtii 1-aad