Baro sida loo qoro Fariimo jaceyl oo cusub 2020

Waxaan horay uga soo hadalnay qormooyin kala duwan kuwaasoo akhristayaasheenu ay u riyaaqeen. Hadii aadan horay u akhrisan hada hoos ka ka akhriso. Qormooyinkaasi waxaa kamid ahaa...


  1. Erayo Jaceyl Oo Qalbiga Taabanayo

  2. Xikmad Soo Jiidasho Leh

  3. Erayo Jaceyl 2020

  4. Nolosha Guurka

  5. Heeso Qoraal Ah Oo Jaceyl Ah

  6. Erayo Macaan Soo Jiidasho leh

  7. Erayo Jaceyl Qiiro Leh

  8. Jaceyl daacad ah - Wuxuu leeyahay astamahaan soo socdo

  9. Geeraar Jaceyl Top 10

  10. Sheeko Jaceyl ah oo macaan

  11. Erayo Jaceyl ah sida loo qoro

  12. Warqad jaceyl oo macaan


fariimo jaceyl oo cusub 2020

Fariimo jaceyl oo cusb 2020


Marka hore iga gudoon salaan sidato wanaag sarifaneyso xishood sahmineyso jaceyl soo dhaweyneyso guur saadaalineyso aroos sugeyso sacabo furan iyo kalgacal salaan kadib Waxaan ahay ruux kuu ooman, runtii waxaan kuu qaaday jaceyl dhab ah.


Waxaan dareemay in aad tahay qofka aan dunidaan ka raadinaayay mudo badan, waxaad I bartay dhadhanka ay leedahay nolosha, waxaad isiisay farxad aan la qiyaasi Karin, waxaad dhameystirtay riyadeydii qabyada ahayd, Sow ma ogid in aad tahay dhameystirkii nolosheyda, riyadii mustaqbalkeyga, rajadii nafteyda, farxadii qalbigeyga, aragtidii indhaheyga, dareenkii wadnaheyga, Runtii waxaa tahay ruux aan doortay aniga, dareenkeyga iyo qalbigeyga uu raacay.

Dareenkuba waa adiga, daryeelkana waa labadeena, waxaa tahay qofka aan ka helo xili walbaa garab iyo xaalad walbaa aan ku suganahay.


Ma aqaano waxaaan ku dhaho mana aqaano waxaan kuugu mahadceliyo balse waxaa tahay aduunkeyga oo dhan. Waxaan ogahay in aan helay ruux ruuxdeyda u ah nolol oo weliba si, waali ah aan u jeclaaday.


Waana ku jeclaan doonaa inta ay nafta amaanada ay igu jirto