Fariimo jaceyl dhab ah - Baro sida loo qoro fariimo jaceyl dhab ah



Baro sida loo qoro fariimo jaceyl dhab ah...


Erayo Jaceyl Oo Qalbiga Taabanayo

Xikmad Soo Jiidasho Leh

Erayo Jaceyl 2020

Nolosha Guurka

Heeso Qoraal Ah Oo Jaceyl Ah

Erayo Macaan Soo Jiidasho leh

Erayo Jaceyl Qiiro Leh

Jaceyl daacad ah - Wuxuu leeyahay astamahaan soo socdo

Geeraar Jaceyl Top 10

Sheeko Jaceyl ah oo macaan

Erayo Jaceyl ah sida loo qoro

Warqad jaceyl oo macaan

Shukaansi bilow ah

Fariimo jaceyl dad kala fog

Jaceyl dhab ah qoraal




Kama fogid agagaarka wadnaheyga markastana waan ku dareemaa sida aan u dareemo garaaca wadnaheyga. Ma lihi xusuus waayoo qalbigii xusuusta ayaaba ku maqan xagaaga.


Laba ayaan jeclahay, in mobeelkeyga SMS ku soo dhaco iyo in SMS kaasi uu ahaado mid adiga kaa socod.


Nasiib ayaan leeyahay maadaama qalbigeyga ku raacay. Waxaan xagaaga u soo diray safiir igu qaali ah waana wadnageyga waxaa uu masuul ka yahay dhamaan nafteyda. Waxaan tagay goob dood leh waxaan arkay balanbaalis xageyga u soo duuleysa markaas ayeey ku dagtay agteyda waxaan ogaaday in ay quruxsaneyd laakin waxaa ka sii quruxsanaan laheyd haddii aad ila daawan lahayd.

Waxaan dareemay in aad tahay qofka aan dunidaan ka raadinaayay mudo badan, waxaad I bartay dhadhanka ay leedahay nolosha, waxaad isiisay farxad aan la qiyaasi Karin, waxaad dhameystirtay riyadeydii qabyada ahayd, Sow ma ogid in aad tahay dhameystirkii nolosheyda, riyadii mustaqbalkeyga, rajadii nafteyda, farxadii qalbigeyga, aragtidii indhaheyga, dareenkii wadnaheyga, Runtii waxaa tahay ruux aan doortay aniga, dareenkeyga iyo qalbigeyga uu raacay.