Baro Erayo Xikmad leh oo jaceyl ah

Sida loo qoro xikmad qiimo badan, xikmad jaceyl ah oo murti leh gaar ahaan xikmad cusub.

Sida loo qoro erayo xikmad leh

Xikmadu waxa ay leedahay dhowr nuucood sida xikmad nolosha ka hadleyso, xikmad jaceyl iyo xikmad Soomaaliyeed taasoo sidato murti dadka Soomaaliyeed u qaas ah. Intaas oo keliya kuma eko ee waxaa jiro kuwo kale xikmado kale.


Qish 1: Baro sida loo qoro warqad jaceyl ah oo macaan


Waxaan maanta Akhristayaasheena qiimaha badan ee ku xiran shabakada Erayojaceyl.com ugu talo galnay qormo cajiib ah taasoo ku saabsan xikmad, erayo ka turjumayo qiimaha ay leedahay xikmada.



Erayo Xikmad leh


1. Ha dhibsan qof ku jecel, waayo waxaa heysta dhib ka badan midka aad ka tabaneyso adiga.

Hadda aad Qalbi wanaagsan leedahay, ogow farxaduna deris beey kula tahay.


2. Maska si walbuu u toxob siibto waa maskii uun, midaas xusuusnow inta aadan ogolaan dadka qaar inay dib noloshaada ugu soo laabtaan.


3. Marka aad ku faraxsantahay qof, si qarsoon. Uma baahnid in aad ku muujiso Social-media, Dheymankuba way qarsadaan dadka heysta.


4. Qof kasta qeyb wuu ka noqon karaa noloshaada, balse qof kasta qeyb kama noqon karo dhamaadka noloshaada.


5. Ha igu oran waan kuu xiisay adigoon xitaa ogeyn xaalkeyga.

Nolosha taagan wax dhaama lawaa.


6. Adiga, waxaad tahay qof wanaagsan, waxaad u qalantaa farxad in aad hesho, waxaad u qalantaa jaceyl, waxaad u qalantaa qof garabkaaga taagan mar kasta, waxaad u qalantaa nolol fiican inaad ku noolaato.


7. Maalin waxaa noloshaada soo gali doona qof, kugu jecel sidaas ay tahay mar walbaa qiimeeya fikirkaaga, kuna faraxsan noloshaada heerka ay tahay.


8. Waxaa tahay qofka kaliya inuusan iga tagin aan rabo, ha iga dheeraan Qalbi.


9. Waxaa tahay nolosheyda qofna kuguma badalan karo.


Qish 2: Calaamadaha jaceylka dhabta ah


10. Waan iska aamusaa markaan maqlo wax dhaawacayo dareenkeyga.


11. Ha u murugoon hana u ilimeyn qof kaa dilay farxadaada, nolosha intaas way ka badantahay.


12. Ka tag wax walba laakiin waligaa haka tagin salaada.


13. Farxaddu ma'aha inaad hesho qof ku jecel balse waa in aad heshaa qof ku fahma xaalad walbaa.



14. Jaceylku waa indho la,aan sababtoo ah hooyadey waxa ay ijcelaatay iyadoon i arag.

Kaliya dadka saxda ah ayaa kula joogi doono ilaa dhamaaadka.


15. Qofna ma arko ilmadaada, murugadaada, xanuunkaaga laakin qof walbaa wuxuu arkaa qaladkaaga kaliya.


16. Weli waxaa ii tahay muhiim ila hadal ama ha ila hadlin.


17. Dadka qaarkii weey ku jecel yihiin laakiin kuuma sheegayaan, dadka qaarna weey kuu sheegayaan laakiin kuma jecla.


18. Nasiib daro gabdhaha qalbiga wanaagsan leh had iyo jeer ma helaan xiriir wanaagsan.

Qofkuu doono ha ahaado qofna noloshaada haku qasbin Qof aan ku rabin, ha isku dhajin oo haku qasbin inuu ku jeclaado Qofka kaliya ee aan marnaba ku nici doonin waa hooyadaa.


19. Qofna haka ogolaan in uu kaa yeelo siduu rabo, jaceyl aad u qabto dartii.


20. Waa laga yaabaa in ay kugu adkaato in aad qof raaligeliso, balse macquul maaha in ay kugu adkaato in aad ALLAAH raaligeliso.


21. Waxaad ubaahan tahay qof arka xumaantaada oo dhan hadana sidaas kugu jecel.

Hadii aad qof jeclaato ha iloobin in aad tiraahdo goormee i khiyaami doontaa waayo waqtiyadaan dambe waxaa batay dadka khaimiinta ah.


22. Majiro wax aad nolosha ka baratay hadii aad tahay qof mar walbaa isla saxan.

Weey fiican tahay in aad keli ahaato intii aad xiriir qaldan sii wadi lahayd.


23. Dadka qaar waxay i dhaawaceen in ka badan intii aan u qalmay maxaa yeelay waxaan jeclaaday intii ay u qalmeen in ka badan.


24. Maanta hadii aysan maalintaada ahayn, beri waa maalintaada.


Qish 3: 12 kamid ah calaamadadaha gabadha ku jecel


25. Qof walbaa wuxuu ku leeyahay iska ilow wixii hore ee ku raaxeeso noloshaada balse qofna ma'oga waxa aan gudaha ka dareemaayo.


27. Way fududahay inaad qof jeclaato balse way adagtahay inaad hesho qof si daacad ah kuu jecel.


28. Inteey qalbiga kaa jabiyaan ayeey ayeey hadana ku leeyihiin maxaad u murugooneysaaa.

Waxaan ahay qof si, daran loo dhaawici karo, balse awood u leh in uu dhoolacadeeyo.


29. Waan ogahay ma ihi qof dhameystiran balse ma ihi qof xun.


30. Waan ka xumahay qaladkeyga waxaan umaleeyay in aad i jeceshahay.

Naftaada wax walbaaa u sameeyay balse ha iloobin wixii aduunka laguu keenay.