Erayo Macaan Soo Jiidasho leh


Adeegso Erayo macaan soo jiidasho leh

Sidee loo qoraa erayo macaan soo jiidasho leh, erayo jaceyl qoraal ah, geeraar jaceyl oo amaan ah, Waa maxay jacayl? Wax badan waxaan ka soo ka hadalnay sida loo qoro erayo jaceyl oo soo jiidasho leh kuwaasoo kugu dhiiro gelinayo in aad noqoto xidiga jaceylka ama xidigta jaceylka. Hadii aadan horay u baran hada baro. Erayadaasi macaan waxaa kamid ah..



  1. Erayo Jaceyl Oo Qalbiga Taabanayo

  2. Xikmad Soo Jiidasho Leh

  3. Erayo Jaceyl 2020

  4. Nolosha Guurka

  5. Erayo Jaceyl oo soo jiidasho leh



Baro erayo macaan soo jiidasho leh

Erayo macaan oo soo jiidaho leh

Qofka aadka kuu jecel ma ahan qofka maalin walba ku arka ee waa Qofka maalin walba ku fiiriya.


Hadiyaduhu ma xaliyaan dhibaatooyinka jira, laakiin waa bilow wanaagsan haddii aad faraxsan tahay macnaheedu ma ahan in wax walbaa ay kuu hagaagsan yihiin, laakiin wanaagga ayaa kuu muuqda.


Hadal la’aan xiriir ma jiro, Xushmad la’aanna Jacayl ma jiro, Aaminaad la’aanna ma jirto sabab xiriir lagu sii wadi karo.


Qalbigeyga wuxuu ku qaboobaa aragtidaada, indhaheyguna waxay ilinta daadiyaan markaad hab isiiso oo aad ii sheegto in aad i jeceshahay.


Jaceylku waa cudur aan dawo lahayn waana sheyga kaliya ee aan aduunka laga aqoonsankarin baaritaankiisuna adagyahay Dhaqaatiirtuna ka yaabiyay.


Waxaa jiro ruux aduunka kuu jecel Ee adiga uun ha raadsan ruux ku nici doono.

Dhambaalada jaceyl kala mudnaan badan, ragna kala cizi badan, Dumarna kala garasho badan.


Ha u ooyin ruux kaaga tagay cidlada, Waan hubaa maalin inuu kuusoo laaban doono, isagoo waliba ku raali galinaayo, Maalintaasna waa maalinta aad ka guuleysatay oo waliba aad tusisay inaad ka maarmi karto.


U noolow sidaad adigu jeceshahay ee marnaba ha u noolaanin sida ay dadka kale jecel yihiin, ogowna inaad tahay qof gooni ah. Iskuday inaad badashid mabaadii'da bulshada aad ku dhex nooshahay.


Jaceylka dhabta ahi ma dhamaado, ku kalsoonow lamaanahaaga ileen wuxuu kuusoo wadaa hadiyad qiimaheeda aduunka laga helaynin, kaasoo ah qalbiga.


Qof waliba dareen ayuu leeyahay, Dareenkiisa tix gali, Nolol baad u tahay nafteyda, hadanan ku arag mar qura, waxaad moodaa inaanan sanad ku arkin, an is weheshano qali.