Erayo macaan oo shukaansi ah misana qalbiga soo jiidanayo

Qomadeena maanta oo waxay ku saabsan erayo macaan oo shukaansi ah misana qalbiga taabanayo.

erayo macaan oo shukaansi, shukaansi barasho, sida loo shukaansado gabdhaha, shukaansi qoraal ah, shukaansi jaceyl
Baro erayo macaan oo shukaansi ah

u adeegso erayadaan soo socdo lamaanahaaga.


Erayo macaan oo shukaansi ah?


Waxaa shukaansi ina dhex maray wiil ama gabar laakin ma aqaano erayo macaan oo shukaansi ah. Waa maxay shukaansi?


Waxaan caad saarneyn marka laga hadlayo erayga shukaansi in dad badani ay dhagta u taagayaaan oo ay niyadoodu ku dhaceyso wiil iyo gabar shukaansi dhex maray.


Waxaad inta badan maqli jirtay saaxibadaada oo ku dhahayo caawa waxaan u socdaaa shukaansi waxaan isbaranay gabar shidan oo aad u qurux badan ama inaad maqasho heblaayo waxaa shukaansi dhex maray hebelow.

Shukaansi waa eray macno fara badan leh waxaana loo isticmaalaa habab kala duwan..


Tusaale markaan rabo in aan dhar soo iibsado ama waxyaabo kale oo aanan lacag heysanin waxaan dhihi jiray aabe ayaan soo shukaaminayaaa oo lacagtaasi ka soo qaadayaa.

Erayga shukaansi waxaa lamid ah haasaawe, xodxodasho, sheekeysi laakin waxa inta badan la isticmaalaa shukaansi ama haasaawe.

Afkeena hooyo aad buu u badan yahay mana ku soo koobi karno macnaha erayga shukaansi.

Aan ugu gudubno qormadeena ku saabsan sida loo qoro erayo macaan oo shukaansi ah ama erayo jaceyl oo la isticmaalo xiliga haasaawaha.

Shukaansi oo aan erayo macaan lahayn waa sida shaax bilaa sokor ah. Ma macyahay shaax bilaa sokor ah? Waa maya. Shukaansiguna hadaanan erayo jaceyl lagu sokareynin wuxuu noqonayaaa sida shaaxaas oo kale.


Goormee la isticmaa erayo macaan oo shukaansi ah?

Adigoo shalay gabar soo bartay horay maka dhihi kartaa waan ku jeclahay? Waa maya.

Su,aashu lagu weydiin doono ayaa ah: Waan ku arkay waan ku caashaqay miyaa wadaaa?

Adeegso erayadani xiliga ku haboon. Waa kuwo isugu jiro kuwa shukaansiga dhexe ah ama guurka kadib.



Erayo Macaan oo shukaansi ah misana qalbiga soo jiidanayo


1. Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo wax kastaa oo dhoola cadeyn kara wejigaaga iyo farxada qalbigaaga ku jirta.

2. Waxaad tahay Jaceylkeyga oo waxaad i siisay milyans farxad ah Waana sababta 0o aan maalin walba u dhoola cadeeyo.

3. Haddii ubuxu yahay mid soo jiidasho badan, adigaa iiga udug qurux badan booska aad qalbiga ku leedahay aad buu qaali u yahay.

4. Weligeey kama tanaasuli doono in aan adi ku jeclahay balse waxaan

Joojiyay in aan muujiyo jaceylkaaga.

5. Helitaanka jacayl dhab ah ma ahan wax adag laakiin in la joogteeyo way adag tahay.

Weligey ma dareemin jaceyl ilaa adiga aan ku arko maahee hadana ma dareemin murugo xaqiiq ah ilaa aad iga tagtay maahe.

6. Saaxiibtinimadu waxay horseedaa jaceyl, Jacaylkuna wuxuu u horseedda nolol cusub.

Maalin kasta oo aan kula joogo waxay noqotaa maalinta ugu quruxda badan noloshayda.

7. Maalinta ugu fiican noloshayda waa maalintii aan kula kulmay, Xilliyadii ugu fiicnaa noloshayda waa daqiiqadihii aan kula qaatay, Jacaylka aan kuu qabo maalinba maalinta ka dambaysa wuu sii xoogaysanayaa.

8. Dadka waxeey dhahaan jaceylka waa dab, laakin aniga waxaan diyaar u ahay inaan dabka adi wa joho hadii aan adiga kula jiraayo.

9. Adigu waxaad tahay tan ugu qaalisan adduunkayga, tan ugu yaabka badan adduunkayga iyo tan ugu quruxda badan noloshayda.

10. Habeen iyo Maalin waxaan is weydiiya inaan ku heli doono iyo in kale.