Erayo Jaceyl Qiiro Leh - Baro Erayo Jaceyl Oo Qiiro leh


Jaceylkeyga waxa uu ii adeegsadaa Erayo jaceyl Qiiro leh

Sidee loo qoro erayo jacayl qiiro leh, Hadii aad isweydiisay sida loo qoro erayo jaceyl qiiro leh, waxaa timid halkii aad ka baran lahayd wax walbaa ku saabsan jaceyl. Wax badan waxaan ka soo ka hadalnay sida loo qoro erayo jaceyl oo soo jiidasho leh kuwaasoo kugu dhiiro gelinayo in aad noqoto xidiga jaceylka ama xidigta jaceylka. Hadii aadan horay u baran hada baro. Erayadaasi macaan waxaa kamid ah..



Sabab aan ugu baahanahay erayo jacayl qiiro leh?

Waa su,aal wanaagsan sax?


Guri walbaaa waxa uu leeyahay aas aas, in aad Qoys noqotona waa sida guri oo kale oo u baahan aas aas.


Inta aadan guursan oo aadan qoys noqon waxaa ka horeeyo in aad hesho lamaane nolosha kula wadaago.

Goorta aad hesho lamaane waxaa ku xigo in aad barato erayo Jaceyl oo aad ku soo jiidan karto Lamaanahaaga cusub hadii kale waxaa kaa lumayo fursada dahabiga ah ee aad heshay.

Goormee u baahanahay erayo jaceyl?

Waxaad u baahan tahay goorta aad isbarataaan qofka nolosha kula wadaagi lahaaa ama aan iraahdo boqorka ama boqorada.

Shukaansi bilaa Erayo Jaceyl ah waa sida Baasto aan suugo lahayn.

Ma cuni kartaaa maalin walbaaa baasto bilaa suugo ah?


Dabcan maya!



Hadaba baro maanta Erayo jaceyl oo ka faaideyso fursada aad heysato inta aanan xabad kale lagaa raadsan.



Sidee loo qoraaa eray Jaceyl Oo qiiro leh?


Erayo Jaceyl

Qof walbo aan isku dayo inaan la hadlo iyadaan Moodaa ,Ma-aqaano sababta.


Aad iyo aad ayaan kuu jecelahay waqti walbo adigaan kaa fakaraa, Dadku weey ila yaabaan waqtigaan adiga kaa fakaraayo.


Qalbi Nolasha waa Qaali Da`duna waa siidii Ubixii oo kale Nolashaan aad u jeedo waa Maalmo kooban Jaceylkana waa hal mar ixasuuso Marwalbo haddaan ahay qof la Xasuusto.


Aad ayan kugu xiisay marwalbo waxaan hamiyaa inaan noqdo ilin ka dhalata indhahaaga kuna noolaado Dhaforkaaga korkiisa, kuna dhinto Bishimahaaga Korkooda.


waan ku Jecelahay adigoo ii dhow waan ku Jeclahay adigoo iga fog, intaba adigaan ku jeclahay.


Aad iyo aad ayaan kuu Jeclahay waxaa tahay Nolasheyda, Waxaa tahay Qalbigeyga, waxaa tahay mustaqbalkeyga.


Qalbi adiga waxaa tahay Jaceylkeyga ugu horeeyey ugana dambeyn doono.


Haddaad Maanta iga Tagtay maalin Maalmaha kamid ah ayaad ii soo Laaban doontaa.

Jaceylkeyga hadaadan adiga ila joogin farxadeydu ma ahan mid dhameystiran.


Ogaaw macaan in xariirka uusan aheyn Game la ciyaarayo, ma ahan eray la iska yiraahdo, ma ahan mid bilaawda March oo dhamaanaya May, ogaaw waa beri.


Qalbi ha siin Passwordka jaceylkeena ama xariirkeena qof maxaa yeelay haddii aad tiraahdo Passwordka waxa waaye I LOVE YOU taasi micnaheedu waxa ay tahay in uu igala kaa wareegayo isla markaana aad ka baxeysid gacanteyda (Jaceylkaan qof kale ha iga siin).


Jaceylku iyo dabeyshu waa isku mid waa labo sheey oo jirku dareemo, balse maahan shey gacanta lagu qaban karo, ama la taaban karo. Mar Weliba aad Fariin iisoo dirto waxaan ku xafidaaa qalbigeyga, mar walibaa aad i eegto waxaan ku keydiyaaa xusuusteyda, Eray

walbo aad i tiraahdo waxaan u gudbiyaaa maskaxda, adiga iyo ficiladaada waa kuwo ku weyn nolosheyda.