Erayo jaceyl oo amaan ah


Erayo jaceyl oo amaan ah

Muqdisho ( Erayo Jaceyl ) - Sidee loo qoraa erayo amaan ah ama erayo jaceyl oo amaan ah, erayo jaceyl xikmad leh, erayo jaceyl soo jiidasho leh, erayo macaan oo shukaansi ah, geeraar jaceyl oo xul ah?


Jawaabta: Weey fududahay keliya waxaad ubaahan tahay in aad ku xirnaato ERAYOJACEYL.COM.



Erayo jaceyl oo amaan ah

Naftu maxay jeceshahay?


  • Jawaabta: in la dhaho erayo jaceyl oo amaan ah, weliba erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh, sax?


In la adeegsado erayo amaan ah waa wax aad u mihiim ah, hal eray oo aad dhahday qof ayaa waxa uu noqon karaa wax weyn, waxaa suurto gal ah in qofkaasi maalintiisa aad ka dhigto maalin quruxda badan, waxaa laga yaabaa in aysan wax weyn kuu aheyn adiga balse qofkaasi ay u tahay maalinta ugu quruxda badan maalintiisa.

Tusaale: Qof walbaa wuxuu jecelyahay in la sheego ama lagu amaano sida uu asiga yahay, lana sheego wanaagiisa, wax qabadkiisa, quruxdiisa, labiskiisa, aragtidiisa, caqligiisa, aqoontiisa, halabuurkiisa, naxariistiisa iyo wixii lamid ah.


Sida aad u jeceshahay in lagu amaano ayuu qofka kalena u jecelyahay in la amaano. Ogow amaantu waxa ay isu soo dhaweysaa qalbiyada labada qofood.


Sido kale in la amaano qofku waxa ay u noqotaa dhiiro gelin, waxa ayna ku dhiiro gelisaaa wax qabadkiisa.


Waxaad aragtay qof masaakiinta caawiyo, waxaad ku tiri ”Ilaahey hakaa abaalmariyo, waxaad tahay qof ku dayasho mudan".


Waxaad aragtay askari dhaxanta u jiifo difaaca iyo amniga dalkeena, in aan anagu nabad ku noolaano, kuna damashaadno dalkeena, adigoo og shaqadaasi in aysan ahayn shaqo fudud oo qof walbaa ku dhiirado, mushaar fiican laga qaadan, noloshiisu ay tahay mid qatar ah, waxaad u tagtay askarigaasi, waxaad ku tiri askari waxaad heysaa shaqo qaran.


Askarigaas intaas waxa ay u tahay wax weyn laakin adiga kuguma qaadan labo daqiiqo.

Hadii aad eraygaasi dhihi lahayd misana u geyn laheyd quraac ama casho, askarigaasi waxa ay u noqon lahayd dhiiro gelin joogto ah. Bal tijaabi intaas yar. Waxaad arki doontaa amaanta qiimaha ay leedahay.

  • In aad qof lacag siiso waxaa ka qurux badan hal eray oo aad qofka ku amaanto.

  • Hal erayo oo amaan ah ayaa waxa uu bedeli karaaa qalbiga qofka.

  • Hal eray oo amaan oo aad ku muujisay wanaag qof uu sameeyay ayaa wuxuu ku dhiiro gelin karaa weligiisa in uu sidaas sameeyo.



Hadii aad xaas leedahay, waad ogtahay xaaskaaga dhibta ay ka mareyso caruurtaada iyo in ay adiga kaa fikirto sida in ay cunto kuu kariso, dharkaaga kuu dhaqdo, kuu feereyso, Sow ma mudno in aad ku dhahdo hal erayo oo amaan ah? Dabcan haa.


Nolosheyda waad ku mahadsantahay sida aad qoyskeena u daryeesho, kadibna aad hab siiso.

Halkaas eray waxa uu ku dhiiro gelin doonaa in ay shaqadeeda ka sii balaariso maalinteedana waaxa ay noqon doontaa maaalin farxadeeda. Si, aad taasi u ogaatid fiiri indhaheeda isla waqtigaasi ee aad erayadaasi dhaheysid.

Hadaba maanta waxaan idin soo diyaarinay erayo jaceyl oo amaan ah kuwaasi oo aad ku soo jiidan karto qalbiga lamaanahaaga ama aad ku farxadgelin kareyso.


Erayo jaceyl oo amaan ah

Jaceyl lagalo waa nolol aad u macaan

Erayo Jaceyl oo amaan

  1. Labiskaaga aad ayaad ugu nuureysaaa.

  2. Ma ubaahnid in aad makeup marsato, sababtoo ah si dabiici ah ayaad uqurux badan tahay.

  3. Waxaa tahay qof la jeclaado.

  4. Maanta iftiinkaada ayaa baxo.

  5. Waxaa tahay qof soo jiidasho badan

  6. Waxaad tahay qof xaraggo badan.

  7. Waan jeclahay indhahaaga.

  8. Waxaad leedahay dhoola cadeynta ugu quruxda badan.

  9. Waan jeclahay sida quruxda badan ee aad u muuqato markii aad hurdeyso.

  10. Waan ka helaa labiskaaga.

  11. Waxaa tahay boqorada xaragada.

  12. Waxaad leedahay dhabanno yaab leh.

  13. Waan ka helaa timahaaga.

  14. Xaqiiqdii waxaa taqaanaa sida loo xaragoodo.

  15. Waxaad leedahay qurux dabiici ah.

  16. Adiga ayaa ugu macaan.

  17. Waxaa tahay halka aan amaan ku dareemo.

  18. Waxaan dareemayaa farxad markaan adiga kula joogo.

  19. Weligaa kama baqan in aad ii muujiso xiisaha aad ii heyso, waad ku mahadsantahay taas.

  20. Sidee nasiib ugu yeeshay in aad noqoto qeyb kamid ah jirkeyga?

  21. Waxaad iga dhigeysaa ninka ugu farxada badan dunida.

  22. Ma jiro qof ii farxadgeliyo sida aad adigu ii farxadgeliso.

  23. Ani ahaan waxaa tahay quman.

  24. Waxaa tahay halhayskeyga ugu weyn.

  25. Nafta uun baa iga qaadeysaaa.

  26. Waxa ay ahayd riyadeyda inaad nolosheyda ku soo biirto.

  27. Waxaan jeclahay in aan laabta kugu hayo

  28. Waan ku dhageysan karaa saacado, waana kula hadli karaa mana dareemayo caaajis.

  29. Caraftaada ayaa baxeyso.

  30. Waalidkeyga aad ayeey kuu jecelyihiin taasina waa sababta ii xaqiijisay in aan guursaday gabadhii igu habooneyd.

  31. Ani ahaan waxaa ii tahay wax walbaaa.

  32. Waxaad iga dhigeysaa qof dhameystiran.

  33. In aan adiga ku heysto waxey iiga dhigan thay in aan heysto dunida oo dhan.

  34. Waan jeclahay sida aad iiga taxadirto.

  35. Markaan daafahaaga ka maqanahay adiga ayaan kaa fikiraaa.

  36. Dhoola cadeyntaadu waa waxa daqiiqad walbaa aan ku noolahay.

  37. Uma baahni waxa dunida oo dhan yaalo, keliya in aad dhinaceyga joogto.

  38. Waxaad tahay qofka keliya ee nolosheyda dhameystiray, sow xaq uma lihi in aan ku dhaho, waxaa tahay aduunkeyga?

  39. Keliya waxaan rabaa sedex sheey, indhahaaga oo ilmeyneynin, bishimankaaga oo aan been sheegeynin iyo jaceylkaaga oo aanan dhimaneynin.

  40. Markaan eego suuradaada qurxooon, qalbigeygu wuxuuu dareemaa farxad.



Dhamaad


Waxaan rajeyn inaad ka heshay erayo jaceyl oo amaan. Sidoo kale waxaan kuugu diyaarinay erayo macaan oo kale weliba muuqaal leh riix halkaan