Erayo Jaceyl ah sida loo qoro


Erayo jaceyl ah sida loo qoro waa qormo Jaceyl oo aynu akhristayaasheenna ugu soo aruurinay erayo murti iyo xikmad leh.


Waxaan horay uga soo hadalnay qormooyin kala duwan kuwaasoo akhristayaasheenu ay u riyaaqeen. Erayadaas waxaa kamid aha..


Erayo Jaceyl Oo Qalbiga Taabanayo

Xikmad Soo Jiidasho Leh

Erayo Jaceyl 2020

Nolosha Guurka

Heeso Qoraal Ah Oo Jaceyl Ah

Erayo Macaan Soo Jiidasho leh

Erayo Jaceyl Qiiro Leh

Jaceyl daacad ah - Wuxuu leeyahay astamahaan soo socdo

Geeraar Jaceyl Top 10

Sheeko Jaceyl ah oo macaan


Erayo Jaceyl Ah..


Sow muuqa sagalkiyo, mamatashid ubaxoo, sida carafta miskigiyo, maanka kama udgoonid.


Adiga mooyee indhaheygu ma qabtaan ruux kale.


Hadii aad filim ahaan lahayd waxaan ku daawan lahaa weligeey.


Waxaa jiro labo xili oo aan rabo in aan adiga kula joogo“Maanta iyo Berri“.


Markaad ku soo biirtay nolosheyda, wax walbaa waxa ay ii noqdeen wax cusub, nolosheyda waxa ay noqotay mid nasiibka wanaagsan la saaxib ah, farxadeyduna waxay noqotay mid dhameystiran.


Jaceylka kalsooni buu rabaa, riyada rumeyn beey rabtaa, Axdigana oofin buu rabaa, nafta raali gelin beey rabtaaa, sheekada xiiso beey rabtaaa, noloshu daryeel beey rabtaaa Facebook online buu rabaa, noloshu daryeel beey rabtaaa, aniguna adigaaan ku rabaaa.


Caashaqu cilmi baa ku laran, cindigeyguna adigaa ku maran, calafkana Caziiz baa noo maqan, ciishoon meyno intaan libinta lurka ka dhooreyno.


Xanuunka jaceyl xisaab malahoo, dartaa xiisuhu, xadkaba dhaafyoo, adaan kugu xiray xiskiyo maanka.


Xurmo iyo wanaag, xubi iyo jaceyl, xiiso aan dhamaan adigaan xabiibi xaqiiqdii kuu qabaa.



Jaceyl kastaa waa kii dhamaadaa, ilaa labo isu jeclaatay Allah dartii mooyee, Allah dartii baan kuu jecelahay.


Qalbigeyga wuxuu ku qaboobaa aragtidaada, indhaheygu waxay ilinta daadiyaaan, markaad hab isiiso oo aad ii sheegto in aad i jeceshahay.


Markaan suuradaada eego, qalbigeygu wuxuu dareemaaa farxad.


Noloshu waxey qurux badan tahay markaad heysatid qof kuu macneeyo, kuna dareensiyo dareenkeeda dhabta ah.