Erayo Jaceyl ah oo soo jiidasho leh Qeybtii 1aad


Erayo Jaceyl

Sidee loo qoraa erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh?

Sidee ku kasban karaaa qofka aan jecelahay?

Sidee loo qoraa shukaansi qoraal ah?

Goormee adeegsan karaa erayo jaceyl?

Waa Maxay Jaceyl?

Jaceyl dhab ah miyaaa ihayo mise?




Su,aalaahasi iyo su,aalo kaleba waxaad kaga bogan doontaa erayojaceyl.com.

Erayo Jaceyl Ah Oo Soo Jiidasho Leh Qeybtii 1-aad..


  • Baro sida loo qoro erayo jaceyl oo soo jiidasho leh kuwaasoo aad ku kasban karto qalbiga lamaanahaaga. Udir erayadaan soo socdo adigoo hadba eegayo arimaha markaas taagan ama aad ka hadleysaan.


Qeybtii 1 aad..



  • Cidna ma bedeli karto jaceylka aan adiga kuu qabo, ogowna waa balan marnaba kuma cidleyn doono oo waxaad ibartay dhadhanka jaceylka uu leeyahay.

  • Jawigu waa mid aaad qurux badan, Jaceylkana waa dareen aad u macaan. La,aantaada noloshu dhadhan malahan mana ahan mid dhameystiran.

  • Markii aan adiga ku arkay ayaaan arkay farxad, Markii aad adiga ii soo dhawaatay ayeey siyaaday farxadeyda.


  • Dhoola cadeyntaadu waxa ay ii tahay wehel, Waxaa tahay dareenkeyga, ma tihid dhiigeyga balse waan kuu damqadaaa, mana tihid wadnageyga laakin waxaan diyaar u ahay in aan xanuun walbaa kula qeybsado.


  • Dadku waxa ay dhahaan jaceylku sabab la,aan ayuu qalbigaada ku beermaa, Haa haa waa run sababtoo ah sabab la,aan ayaad qalbigeyga dagtay, waayoo aad baan ugu farxay markaad ku soo biirtay nolosheyda.


  • Waxaan dareemay in aad tahay qofka aan dunidaan ka raadinaayay mudo badan, waxaad I bartay dhadhanka ay leedahay nolosha, waxaad isiisay farxad aan la qiyaasi Karin, waxaad dhameys tirtay riyadeydii qabyada ahayd, Sow ma ogid in aad tahay dhameystirkii nolosheyda, riyadii mustaqbalkeyga, rajadii nafteyda, farxadii qalbigeyga, aragtidii indhaheyga, dareenkii wadnaheyga, Runtii waxaa tahay ruux aan doortay aniga, dareenkeyga iyo qalbigeyga uu raacay.

  • Uma maleeyo in uu jiro ruux aan kugu doorsanaayo, intii daain uumay adigaan kaa doortay, Ma jirto meel aan kaaga dheeraado, maxaa yeelay dareenkeyga iyo daryeelkeygaba xagaaa ayeey jiraan.

  • Waxaad iga dhigtay qof wax badan ka fahmi karo wejiyada ay noloshu leedahay.


  • Ma aqaano waxaaan ku dhaho mana aqaano waxaan kuugu mahadceliyo balse waxaa tahay aduunkeyga oo dhan. Waxaan ogahay in aan helay ruux ruuxdeyda u ah nolol oo weliba si, waali ah aan u jeclaaday.

  • Waana ku jeclaan doonaa inta ay nafta amaanada ay igu jirto.

La soco qeybtii 2 aad! oo riix halkaan: Erayo macaan oo soo jiidasho leh oo weliba muuqaal leh. Hadii aad ka heshay fadlan inoo reeb comment si,aan kaaga caawino erayo jacel oo soo jiidasho leh iyo wixii su,aalo ah aad qabto jawaabtooda.


Mahadsanid!!!