Baro Erayo jaceyl ah oo Qalbiga taabanayo

Inaad barato erayo jaceyl ah oo macaan misana qalbiga lamaanahaaga ku soo jiidato waa wax aad u fudud! Waana wax muhiim ah oo lagama maarmaan ah. Jaceyl waa nolol, noloshuna waa macaaan.


Erayo Jaceyl ah oo qalbiga Taabanayo

erayo jaceyl ah, baarlamaan, allbanaadir
Erayo jaceyl ah


Mar hadaad ruux caashaqdo ogow dhamaan dareemayaashaada oo dhan in ruuxaas agtiisa ay jirayaan sidaas oo ay tahey waxba kama qabtid in ay xagiisa kaaga maqnaadaan laakiin meeshooda ayaad ku daryeeleysaa iyo ruuxaas ay dhankiisa kaa jiraan waayo waad jeceshahey ruuxaas marka xabiibi/xabiibti adna ogoow in dhamaan dareemayaasheyda ay dhankaada jiraan.


Ku xafid jaceelkeena qalbigaaga waayo jaceyl aan qalbi lagu xafidin waa sida beer aan qorax helin oo ubaxyaduna dhinteen.


Mar walbo ii dhoola cadeey waayo dhoola cadeyntaada waxey i gelisaa jawiga ugu macaan.


Saacaddaada eeg waxaad ka ogaaneysaa inta saac ee la joogo, buugaaga eeg waxaad ka ogaaneysaaa inta xusuus ee kuugu qoran, indhaheygana eeg waxaad ka ogaaneysaa inta aan ku jeclahey.


Jaceylkaaga wuxuu I barey sida xusuustaada loo keydiyo, ereyadaaduna waxey I bareen sida loo farxo laakiin qalbigeyga ima barin in si laguu iloobo.


Wey dhacdaa in aad ilowdo ruux ku dhahaaya ANIGA AYAA KU LEH lakiin ma dhacdo in aad ilowdo ruux ku dhahaaya ADIGA AYAA I LEH.


Dhadhanka jaceylkaaga wuxuu I barey kalsoonida iyo ilowshaha kalinimada, ma a aqaano wax aan kuugu abaal gudo aan ka aheyn in dhabtaada ku jiro abidkeey.


Ma lihi xigto aan ka jaceylkaaga mana aqbalo wax ka yar jaceylkaaga ee xabiibi/xabiibti riyadeyda rumeynteeda waa adoo igu lamaanan.


Qalbigeyga markuu doortey waxaa dareemey riyaaq kamana qoomameynaayo in aan ku jeclaadey laakiin waxaan qoomameeyaa kolkaan ku waayo.


Hal erey ood iigu dhahdo WAAN KU JECLAHEY wuxuu iga dajiyaa culees weyn hal mar ood laabta I gelisa waxey I gelisaa jawi farxad balse hal mar oon arko aqal galkeena waa dhameystirka nolosheena.


Adduunka hal sabab ayuu wax kugu jecleysiinaa hal sabab oo ka duwana wuu kugu nacsiina laakiin aniga hal sabab aan kugu jeclahey, mana jirto sabab aan kugu naco waayo halkii sabab ee aan kugu jeclaadey Ma waad sidataa.


Hadii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo nafteyda adiga ayey ku tebeysaa oo ay qanacsan tahay, iyadoo aanan ka fekereyn culeysyada imaan kara mustaqbalka, nafteyda ayaa kuu dhego nugul, dhegaheyga waxa ay maqlaan ereyadaada oo keliya ,indhaheyga aragtidaada adiga ayaa daawo u ah.


Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo waxaana taas sabab u ah qalbiga oo aan u dulqaadan karin in uu iska kaa masaxo inta aan ku sugaayo, wa ay igu adag tahay in aan joojiyo tirinta daqiiqadaha, waxaase iiga sii adag inaan ku waayo sababtoo ah xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay, shalaaydu waa qeyb ka mid ah guuldarada laakin tartarka soo jiidashadaada waa u qalantaa qofku in uu wajaho guuldarooyin badan.


Waan kuu riyaaqaa, waxaana tahay sababta aan u noolahay hadii aniga xageyga ay sidaas tahay ogoow meel ka mid ah dunida waxaa ku nool qof riyoodiisu tahay dhoola cadeyntaada, waan ku jeclahay in ka badan inta aan wadajirno waxaana heystaa wax walbo oo aan u baahanahay wadajoogeena, waxaad tahay rajadeyda iyo dhamaan riyadeyda wax dhib malahan wax kasta oo nagu dhaco mustaqbalka wadajirkeena ayaa waxwalba ka weyn marwalbana dhinacaaga ayaan taagnaan doontaa.


Jaceylku waa dulqaad iyo naxariis waxaan jecelnahay inaan runta soo bandhigno iyadoo aan qofna la niyad jebin doonin,mararka qaar waxaad tahay qofka dadka iigu dhow ee aan qalbiyada is dhaafsano wax walba.



Qofka aadka kuu jecel ma ahan qofka maalin walba ku arka ee waa Qofka maalin walba ku fiiriya.


Hadiyaduhu ma xaliyaan dhibaatooyinka jira, laakiin waa bilow wanaagsan


Haddii aad faraxsan tahay macnaheedu ma ahan in wax walba ay kuu hagaagsan yihiin, laakiin wanaagga ayaa kuu muuqda.


Hadal la’aan xiriir ma jiro, Xushmad la’aanna Jacayl ma jiro, Aaminaad la’aanna ma jirto sabab xiriir lagu sii wadi karo.


Qalbigeyga wuxuu ku qaboobaa aragtidaada, indhaheyguna waxay ilinta daadiyaan markaad hab isiiso oo aad ii sheegto in aad i jeceshahay.


Jaceylku waa cudur aan dawo lahayn waana sheyga kaliya ee aan aduunka laga aqoonsankarin baaritaankiisuna adagyahay Dhaqaatiirtuna ka yaabiyay.


Waxaa jiro ruux aduunka kuu jecel Ee adiga uun ha raadsan ruux ku nici doono.


Dhambaalada jaceyl kala mudnaan badan, ragna kala cizi badan, Dumarna kala garasho badan.


Ha u ooyin ruux kaaga tagay cidlada, Waan hubaa maalin inuu kuusoo laaban doono, isagoo waliba ku raali galinaayo, Maalintaasna waa maalinta aad ka guuleysatay oo waliba aad tusisay inaad ka maarmi karto.


U noolow sidaad adigu jeceshahay ee marnaba ha u noolaanin sida ay dadka kale jecel yihiin, ogowna inaad tahay qof gooni ah. Iskuday inaad badashid mabaadii'da bulshada aad ku dhex nooshahay.


Jaceylka dhabta ahi ma dhamaado.


ku kalsoonow lamaanahaaga ileen wuxuu kuusoo wadaa hadiyad qiimaheeda aduunka laga helaynin,

kaasoo ah qalbiga.


Qof waliba dareen ayuu leeyahay, Dareenkiisa tix gali.


Nolol baad u tahay nafteyda, hadanan ku arag mar qura, waxaad moodaa inaanan sanad ku arag, aan is weheshano qaali.