Erayo Jaceyl 2020 - Baro Erayo Jaceyl 2020 Oo Soo jiidasho Leh


Erayo Jaceyl 2020 Oo soo jiidasho leh
Erayo Jaceyl 2020

Waxaan horay uga hadalnay qormooyinka ay kamid yihiin sida..


  • Erayo Jaceyl ah 2019.

  • Sida loo qoro shunkaansi qoraal ah.

  • Erayo Jaceyl Oo Amaan ah.

  • Erayo Jaceyl oo xaaskaaga ku dhihi karto.

  • Erayo Romantic ah.



Erayo Jaceyl 2020

Erayo Jaceyl: qalbiga wanaagsan waxa uu ku bara dad wanaagsan lkn qalbiga xun waxa uu ku bara dad xun.
Erayo Jaceyl

Qalbiga wanaagsan waxa uu ku baraa dad wanaagsan lkn qalbiga xun waxa uu ku baraa dad xun.


Aan u guda galno erayo jaceyl oo soo jiidasho leh...


Subixii ma ubaahni inaan saacadeyda ku xirto alarm si aan u kaco, maxaa yeelay waxaad ku dhex nooshahay wadnaheyga gudihiisa waaga markuu baryo waxaad u toostaa inaaad quraac noo sameyso markaad wadnaheyga ka soo dhex toosto ayaan aniguna toosaa taasi ayaa alarm ii ah.


Teleefanka aan message-ka kaaga soo diro xili walbo wuxuu u baahanyahay inaan magacaga ku qoro oo aan kuusoo diro, sida dhulka ugu baahanyahay roob teleefoonkana ugu baahanyahay jaajar ayuu jaceylkeenana ugu baahanyahay waraabin joogto ah.


Waxaa inoo dhaxeeyo badweyn, buuro, iyo bari aad u dheer, anigu maahi dabeyl lakin hal sikin isii waxaan kuusoo dirayaa jaceylkeyga, oo aan soo gooynayaa inta dhul ee noo dhaxeyso, waanba kuusoo diray maheshay xabiibi.


Roobku markuu da”ayo macquul maahan inaad aragto qoraxda, balse xasuusnoow waa halkeedii oo kama maqno, anigana waxaan filayaa anagoo kala fog indhaha aaysan isqaban Karin, hadana weli inaan halkeenii nahay.


Marna ma arki kartid sida aan kuugu xiisay.


Marna ma ogaan kartid sida aan kaaga taxadaro, marna madareemi kartid sidaan kuu jeclahay, waxyaabahaas dhan si aad u ogaato wadnaheyga ayey ku dhexjiraan makuu dilaaciyaa si aad u ogaato wax walbo.


Hadii aan ku dhaho waan fiicanahay beri waxaa dhici karto inaan ku dhaho mafiicni hadii aan kulano waxaa ku xigto inaan hadane kala tagno, lakin waxaa mar waliba aan ku dhihi karaa waan kuuxiisay, maxaa yeelay si joogto ah aan is badal laheyn ayaan kuugu xiisaaa.



Markuu qof si xad dhaaf ah kuu jeceyl yahay waxaad ka qaadaa ad adeyg, balse markaad adigu si xad dhaaf ah qof u jeceshahay waxaad ka qaadaa dhiiro gelin

aan dhamaad laheyn.


Ma ogtahay 3 eray oo aad i tiraahdo adigoo, indhaheyga eegayo in aan ku dareemayo inaan ahay qofka aduunka ugu nasiibka badan “Waan Ku Jeclahay” Sadaxdaas Eray nolosheyda wax weyn beey ka badalaan ee haka daalin mar walbo inaad dhagta iigu dhibciso.


Jaceylku Iyo dabeyshu waa isku mid waa labo sheey oo jirku dareemo, balse maahan shey gacanta lagu qaban karo, ama la taaban karo.


Mar Weliba aad Fariin iisoo dirto waxaan ku xafidaaa qalbigeyga, mar waliba aad i eegto waxaan ku keydiyaaa xusuusteyda, Eray walbo aad i tidhaado waxaan u gudbiyaaa maskaxda, adiga iyo ficiladaada waa kuwo ku weyn nolosheyda.