Erayo Jacey oo shukaansi ah


Erayo Jaceyl oo shukaansi ah. Waa Maxay Erayo jacey? Sidee loo qoraa Erayo jaceyl oo calaacal ah? Qormadeena maanta waxa ay ku saabsan tahay sida loo qoro..


Erayo jaceyl oo shukaansi ah..



Waxaan u baahanahay Muuqaaga indhaheyga u Roon.


Waxaan u baahanahay Codkaaga dhegaheyga u Daawo ah.


Waxaan u baahanahay Qosolkaaga Qurxoon ee ku Qabooba Qalbigeyga.


Waxaan u baahanahay Eegmadaada Naxriista ku Dheehan.


Waan ogahay inaan Gefay in badan, haddana Khaladka Bani'aadam baan u ahay, Ficil kastoo iga dhacana maaha mid aan ka Qoomameyn.


Wey dhici kartaa inaad Ficilladeyda dhibsato, dabadeedna aad iga tagto.


Fadlan Ha Eegin Dibnaheyga, sababta u ah Khaladka dhacaaya, ee waxaad si Naxariis leh u Eegtaa Qalbigeyga sida Dhammeyska ah, oo Daacadnimadu ku dheehan tahay kuu Jecel.


Ku Oran maayo Weeraha Dibnaha ah ee aan Caloosha jirin, sida:- La'aantaa Noolaan maayo, Nolosheydu waa Adiga, Koobka Shaaha ayaan kaa dhex arkaa IWM, balse waxaan ku leeyahay (ila joog Abid).


Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.