Erayo aanan xikmad lahayn waa baasto aan suugo lahayn


 Erayo xikmad leh - Erayo aanan xikmad lahayn waa baasto aan suugo lahayn - xikmad - erayo xikmad leh sida loo qoro - Waa maxay xikmad?
Xikmad

Waxaa qalbigaaga ku soo dhacay erayo xikmad ah. Waxaad isweydiisay sida loo qoro erayo xikmad ah? Hadaba jawaabta waa mid fuudd. Dadka inta badan wey garanayaan erayga xikmad balse macnahiisu ma yaqaanaan. Erayo aanan xikmad lahayn waa baasto aanan suugo lahayn. Erayo aanan xikmad lahayn waa sida shaax aan sokor lahayn.



Erayo aanan xikmad lahayn waa baasto aan suugo lahayn


Alle waxa u nasiiyay maskax, garasho, dadka qaar waa kuwa nasiib badan oo Alle waxa u hibeeyay xikmad iyo aragti dheer.


Hadaba waa maxay xikmad?


  • Waa tiirka waayo aragnimada.

  • Xikmadu waa fahan qoto dheer waana u dhalasho.

  • Qof markuu xikmad leeyahay wuu ka duwan yahay qofka kale.

Qofka markuu xikmad leeyay waa qof nuucee ah?


  • Waa qof akhlaaq wanaagsan, diintana ku fiican misana ixtiraam badan. Inkastoo ay jiraan dad xikmad leh hadana aanan astaamahaan lahayn.

  • Qofka marka uu xikmad leeyahay waa qof meel dheer wax ka arka mana u baahno in la yiraahdo sidaan sameey, hadii aad u muujiso waa qof horay kaa dareemayo.

Waxaan shaki ku jirin in ay muhiim tahay in qof walbaa uu wax ka ogaado qiimaha ay leedahay xikmadu ama adeegsiga erayo xikmad ah.




Erayo Xikmad ah

erayo xikmad ah - xikmad jaceyl - xikmad qiimo badan - xikmad iyo murti - hadalo xikmad leh - sida loo qoro xikmad
Erayo aanan xikmad lahayn waa sida shaax aan sokor lahayn
  • Faynuustu ma hadasho, waxa ay isku soo bandhigtaa iftiinkeeda. Kuwa guuleystay marnaba ma aha in ay naftooda buun-buuniyaan, balse wax qabadkooda ayaa la rabaa inuu soo bandhigo oo hadlo.

  • In aad ka quusato hadafka nolosha hal caqabad darteed waxay ka dhigan tahay inaad saddexda taayar ee gaariga iska saartid sababtoo ah hal taayar baa kaa banjaray oo fariistay.

  • Haddii aad qalbigaaga wada siiso qof, wuu dhaawacaya, wada sii Qalbigaaga Alle SWT, isagaa kuu toosinaya, kuuna xoojinaya.

  • Halka aan ka soo jeedno iyo duruufaha inagu xeeran waxaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeeshaan naftaada, laakiin adigaa ka mas’uul ah qofka aad noqoneysid.

  • Mararka qaar waxaa noloshaada ku soo biira dad gaar ah kuwaas oo hoos kuu dhiga, kuna dhibaateeya, hadii aad aragto Alle talo saaro, Alle wa mid kugu filan.

  • Gawaarida Rolls Royce iyo Bentley ma laha wax xayeysiin (iidheh) ah. Sababtoo ah waxay garanayaan qiimaha & tayada Alaabtooda in ay macaamiisha u kenayso.

  • Markaad taqaan qiimahaga uma baahnid inaad is xayeysiiso, is tus iyo ha lagaa sheego sameyso. Sare u qaad qiimahaga qofnimo, adkee shaqsiyadaada iyagaa hadlaya oo dadka kuu bandhigaya.



  • Ducada aad sameyso kolki aad Sujuudsan tahay waa waxa Qalbigaaga sida dhabta ah u rabo. Wa meesha keliya aysan fikradahaagu ka awood badin karin dareenkaaga.

  • Goortii aad u qaadato in Aduunyadaadi oo dhib dareento ha is dhiibin. Kor eeg, ka dibna dhoolacadeey sababtoo ah Alle ayaa mar kale iimaankaaga tijaabinaya.

  • Runtu waa Sharaf Xitaa dadka hadii ay kugu dhacayaan.

  • Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe, Noqdana la jirka kuwa runta badan.

  • Runta waa furaha Kheyr kasta Beentana waa furaha Xumaan iyo shar kasta.

  • Hal Aabo oo Wanaagsan ayaa wuxuu ka Fiican yahay BoqoI Macalin.

  • Aabuhu had iyo jeer wuxuu diyaar u yahay inuu kugu caawiyo qaab naxariis iyo fikir leh, taasoo wehliso cafis iyo dhiirigelin.

  • Aabahaaga magaciisa ha ugu yeerin hortiina ha soconin hortiina ha fadhiisanin.

  • Waxbarashadu waxay naga caawisaa koritaanka shaqsi ahaan, xirfad ahaan, iyo bulsho ahaanba. ku dadaal waxbarashada si,aad naftaada, dadkaaga iyo dalkaaga wax ugu tarto.

  • Wuxuu yiri Raasuulku (SCW) "Qofkii igu salliya hal mar, Illaahay ayaa ku Saliyi Toban jeer".

  • Wanaaji Dadka oo dhan Balse Kalsoonidaada sii Qof kaliya.

  • Dadku badanaa waxay sugaan gefkaaga ilaa Alle mooyee Alle wuxuu sugayaa towbadaada si uu kuugu danbi dhaafi.

  • Rasuulka (SCW) wuxuu yiri: Dunidu waa Raaxo Raaxada ugu Wanaagsan Waa Haween Wanaagsan.

  • Rasuulka (SCW) wuxuu yiri : Ka faa'ideyso shan inteysan Shan kale kugu imaanin...


  1. Dhalinyaronimadaada intaadan Gaboobin.

  2. Caafimaadkaaga intaadan Xanuunsan.

  3. Hodantinimadaada intaadan Faqiirin.

  4. Firaaqadaada intaadan Mashquulin.

  5. Noloshaada intaadan Geeriyoon.



  • Maalinta jimcada Waxay ka mid tahay Xilliyada samadu furan tahay oo hadduu addoonku ducaysto Illaahay ka aqbalayo, ducada Baddi Ducada.

  • Farxada dhabta ah waxaad dareemeysaa marka aad ku Xirantahay Rabbigaaga SWT.

  • Nabiga (SCW) wuxuu yiri: "Maalin ay qorraxi soo baxdo waxaa u kheyr badan maalinta jimcaha, waayo waa maalintii la abuuray Nabi Aadam (CS)waana Maalinta Jannada la geliyay, waana maalintii janada laga soo bixiyey, qiyaamaduna dhici mayso maalin aan jimco aheyn".

  • Ha murugoon aduunyadu maaha doonistena ee waa amarka RABI, amarka RABBi waa khayr dhamaantii."

  • Ha dhibsan qof ku jecel, waayo waxaa heysta dhib ka badan midka aad ka tabaneyso adiga.

  • Hadii aad tahay calaf raadis haka raadin gabar xaflad aroos ee ka raadi tacsi waayo, iyadu xilligas waa make up la'aan.

  • Saaka waxaan kamid noqday, liiska dadka loogu talagalay in ay soo nabad kacaan, naftana lagu soo celiyo. Alxamdulillah!

  • Dadka wanaagsan waa sida shumaca oo kale waxay u gubaan (u dhibaan) naftooda si ay iftiin u siiyaan dadka kale.

  • Safar kastaa oo dheer waxa uu ka bilaawdaa hal talaabo oo aad horay u qaado.