Dhambaal caashaq oo raali galin ah

Maxaan sameyn karaa haddii lamaanaheygu iga xanaaqo? Dabcan waxaad u direysaa dhambaal caashaq oo raali galin ah sida kan oo kale.


Inaad raali galiso lamaanahaaga misana aad u dirto dhambaal caashaq oo qiiro leh waa habka ugu fudud ee aad markale qalbigeeda/qalbigiisa ku soo jiidan karto.

dhambaal caashaq oo raali galin ah, erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh
Sidee loo qoraa dhambaal caashaq oo raali galin ah?

Dabcan markaad rabto inaad qorto dhambaal caashaq oo raali galin ah waxaad u baahantahay inaad adeegsato erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh qaasatan kuwa taabanayo qalbiga lamaanahaaga.



Dhambaal caashaq oo raali galin ah


Inaad u dirto lamaanahaaga dhambaal caashaq oo xiiso badan kuuma soo dhaweyn doonto qalbigiisa/qalbigeda ee waxay sidoo kale dhisi doontaa kalsoonideeda/ kalsoonidiisa.


Goormee u baahantahay dhambaal caashaq?


Dirista dhambaal caashaq uma baahnid oo kaliya inaad u dirto markuu lamaanahaaga kaa xanaaqo ee waxaad u baahantaha xili walbaa. Dhambaaladu ma ahan mid caashaq oo kaliya ee waxaa jiro dhambaalo dhowr nuuc ah sida.

  1. Dhambaal salaamo ah

  2. Dhambaal tahiniyad ah

  3. Dhambaal mahadcelin ah

  4. Dhambaal jaceyl oo salaan ah

  5. Dhambaal jaceyl qof kugu cusub


1. Dhambaal salaamo ah


Dhambaal salaamo waxaa loo diraa qof adiga kugu weyn misana aad ixtiraamto. Haddii aad qofkaasi waa hore isku kiin dambeysay misana aadan ka heynin wax war ah marka laga reebo emailkiisa ama ciwaanka gurigiisa. Dhambaal salaamo ah waxaa la isticmaali jiray waa hore waayoo ma jirin aaladaan cusub ee maanta.


2. Dhambaal Tahniyad


Markaad maqasho dhambaal tahniyad ah durubaba waxaan umaleyn inaad garatay macnaha loo adeegsado. Taasi waxaan umaleyn inaadan sharaxaad uga baahneyn oo aad taqaano waxa loo adeegsado dhambaal tahniyad.


Markaad guursato waxaa dhambaal tahniyad ah kuu soo dirayo ehelkaaga iyo asxaabtaada, waxaana laguugu hambalyeyn arooskaaga iyo inaad doobnimada ka baxday.


3. Dhambaal Mahadcelin ah


Dirista dhambaal mahadcelin ah dadkeena aad beey ugu adag tahay mana aqaano sababta. Mar walbaa oo qof wax inoo falo uma mahadcelino, ma barbaarintii ayaa inaga qaldan? Ma burburkii dalka ayaa ina waxyeeleeyay? Ma waxaanan fahansaneyn asxaanka uu qofka inoo falay mise waan iska indho tireynaa marba haddii aan gaarnay yoolkeenii?


Waxaad arkeysaa qof ehel ah ama walaaladaa ah oo ku nool qurbaha, waxaad weydiisan lacag, wuu kaa aqbali wuuna kuu soo diri, iska dhaaf in qofku dhambaal mahadceli ah uu u diro ee xitaa kuma dhahayo lacagtii waan helay. What is wrong? Maxaa qaldan? Jawaabta anigaba ma aqaano. Si kastaba ha noqotee waa muhiim inaad u dirto dhambaal mahadceli ah qofka kaa caawiyay dhibaatadaada, ugu yaraan ku dheh waan helay waadna ku mahadsantahay.


4. Dhambaal jaceyl oo salaan ah


Waxaan arki jiray dad isu dirayo dhambaal jaceyl oo salaan ah laakin hadda sheekadaasi waa dhamaatay. Mr Facebook, Mr Whatsapp ayuu qofka ka leeyahay, Waan ku salaamay qaali oo qaleel ah iskaba daa inuu warqad dhambaal ah u diro si uu kadis uga dhigay lamaanahahiisa.


Waan ku salaamay qaali waa salaan qurux badan laakin ma ahan mid sokoreysan, maxaa yeelay lamaanahaagu waxa laga yaabaa inuu kaaga bartay salaantaasi si joogto ah, marka u bedel jawiga oo u dir erayo macaan oo kedis ah, sida erayadaan aan halkaan kuugu diyaarinay, adigoo raacinayo Waan ku salaamay qaali: Erayo macaan ah oo soo jiidasho leh.


Haddii aan su,aalo ku weydiiyo? Maalin walbaa bariis maku qadeyn kartaa? Jawaabta macquulka ah: Maya ee waxaan rabaa raashin kala nuuc ah. Markaad maalin walbaa bariis ku qadeyso kaama badbadanayo oo kaliya ee waxaad ka qaadeysaa caafimaad daro, maxaa yeelay jirka bini,aadamku wuxuu u baahanyahay cunooyin isku dheeli tiran.



5. Dhambaal jaceyl qof kugu cusub


Ajakis oo joogo muxuu yiri? Ayoo ayoo, qoftaan waa iga dhex baxday, amaan liqaa?

Si loo dhuuban yahay lee fiir, ani bis waaye, dheymantaan lee ha la igu daayo. Lafoole asigana muxuu yiri ?

  • Dayax iyo cadceediyo

  • deegaan la maoodyee

  • Malab lagu durduurtiyo

  • Dahabkoo iftiima,

  • Daawashada ku wacaneey

  • Damacbaa iiga ka galay

  • Oo damacbaa iiga kaa galay


Markaad qof ka hesho misana aad ka baqeysaa inaad ula hadasho weji ka weji, u dir dhambaal jaceyl oo holac ah, si aad u soo bandhigto dareenkaaga.


Hadaba haddii aad tahay wiil tahay waxaan kuu diyaarinay sida loo shukaansada gabdhah riix halkaan. Haddii aad gabar tahayn waxaa ku sugayo sida loo soo jiito raga halkaan kaga bogo


Markaan waxaan imaanay mowduuceenah ah sida loo qoro dhambaal caashaq oo raali galin ah. Hadaba sidee loo qoraa? Jawaabta u dir erayadaan markuu xanaaqo lamaanahaaga.


Dhambaal caashaq oo raali galin ah


Waxaa farxad ii ah inaad noqoto wehelkeyga dhabta ah kamana daali doono inaan ku dhaho iga raali noqo gacaliye/gacaliso, maxaa yeelay waxaad ku weyn tahay qalbigeyga. Waan ogahay inaan wax u dhimay kalsoonidaada, dareenkaaga laakin waxaan weli ogahay inaan adiga ku jeclaahy. Xaq ayaad u leedahay inaad iga carooto balse ha iloobin inaanan farxad dareemeynin adiga la,aantaa.


Ma aqaano sideey wax u dhaceen balse waxaan ogahay inaan gaf kaa galay. Wax walbaa oo aan sameeyay eedeeda waxa iska leh nafteyda waana ka xumahay xanuunka aan u geystay naftaada. Waxay igu tahay murugo, walaac iyo walbahaar. Waxaan diyaar u ahay inaan kuu sameeyo wax walbaa oo aan kugu raali galin karo si aan u helo markale farxadaada iyo kalsoonidaada. Waxaa la yiraahdaa sida loo dhiso kalsoonidu wey fududahay waxaase ka sii fudud sida loo burburiyo. Isku day inaad ifahanto misana qalbigaada naxariis iiga eegto. Waan dareemi karaa inaad xanuun iyo dhaawac dareentay balse waxay ahayd qadar Rabi. Ma ahan wax aan kas u sameeyay balse waxay ahayd gaf iga dhacay.


Kama xishoonayo inaan adiga ku raali galiyo kamana xishoonayo inaan adiga ku dhaho 1000 jeer waan ku jeclahay, maxaa yeelay waxaad ku weyn tahay qalbigeyga. Waxaan ogahay inaanan dooran ruux nafteyda aysan u qalmin balse aan doortay naftey uroonaheyg/naftey uronadeyda.

Hadda waxaan u baahanahay inaan dib u helo kalsoonidaada iyo jaceylkaaga. Waxaan doonayaa inaan daqiiqad walbaa adiga kula qaato waana sababta igu kalifeyso inaan kuu soo qoro dhambaal nuucaan ah. Inaan daciif noqdo waxaa sabab u ah adiga, maxaa yeelay waxaad kasbatay booska ugu quruxda badan qalbigeyga. Waxaa tahay xidiga/xidigta ifiso qalbigeyga si joogto ah. Waxaad u dhadhameysaa sida malabka shinida oo kale, waxaad u ifeysaa sida bil afar iyo tobonaaad ah, waxaa tahay nuurkii qalbigeyga, waxa uu Ilaahey kugu maneystay qurux oo idil, waxaad iiga soocan tahay dadkoo dhan. Quruxdaada iyo dabeecadaadu ma ahan mid aan halkaan ku soo koobi karo.


Waxaan markale ku soo rogaal celinayaa inaad iska key cafiso igana raali noqoto si aan markale u helo farxadeyda. Qalad markuu dhaco lama yiraahdo sidee wax u dhaceen balse waxaa la yiraahdaa sideen wax u saxnaa?


Jaceylka aan kuu qabo kuma ekaan doono halkaan balse waa mid sii jiri doono. Inta aan aniga noolahay nafteyda uma hibeyn doono qof aan adiga ahayn. I aamin aniga, waxaan kuu sameyn wax walbaa oo qalbigaada farxad gelin. Waxaan ku kalsoonahay inaad iska key cafin doonto, boggaadana aad iiga raadin doonto naxariis. Waxaan hadalkeyga ku soo koobayaa „waan ka xumahay wixii dhacay, waana qirtay qaladkeyga. Fadlan isku day inaan dib u soo celino markale xiriirkeeni.


Waan kaaga mahadcelinayaa inaad waqti ii siisay inaan markale dareenkeyga kuu muujiyo. Midna ogow, noloshu dhadhan malahan adiga la,aanta anigana farxad lama derisi doono adiga la,aanta. Weli waan ku jeclahay waana ku jeclaan doonaa inta nolosheyda ka dhiman.


Nabadgelyo


Dhamaad


Waxaan rajeyn inaad ka heshay sida loo qoro dhambaal caashaq oo raali galin ah, fadlan haddii aad su,aalo qabto ama aad jeceshahay inaad nala wadaagto aragtidaada, inoo reeb comment halkaan hoose, Mahadsanid!!!


Sidoo kale waxaan halkaan kuugu diyaarinay erayo kale oo aad ku dhihi karto lamaanahaaga waan ku jeclahay misana sarbeeb ah Riix halkaan: 8 sadar oo la mid ah waan ku jeclahay misana ka qurux badan


W.Q:- Mustafa Mmj